Saturday 9 June 2018

Xikmado Goosgoos Ah: Abwaan Negeeye (qeybtii 1aad)

Sayid Maxamed AHUN oo aan xalay is aragnay ayaa i gu yidhi

"Beenta ugu weyn ee la inoo ku sheekeeyey, waa waxa la dhaho, waxa jira shan (5) soomaaliyeed. Arrintani waa been, gumaystuhu markii uu yimi soomaaliya ma shan meelood ayay u kala fadhiday? Soo isagu ma uu san u kala qaybin shanta hadda la sheego?. Dhibtu ba waxa ay ka timid shanta soomaaliyeed, annigu shan soomaaliyeed ma ogi, ee waxa horay u jiray dal la dhaho Soomaaliya iyo dad la dhaho Soomaali."

#Duufaantabuluugga

------------------------------------------------------------------------

Sida la yidhi, Sayid Maxamed AHUN. Ayaa qof ka ay iska hor yimaadaan aragti ahaan odhan jiray "Waa xujoobey". Wiil wiilal ka tagay oo u maaro u waayey ayuu odaygii dhalay ku yidhi "orod, hebel soo dil waa xujoobay e!" odaygii ayaa kolkaa wiilkiisii soo dilay, madaxii wiilkiisa na u keenay Sayidkii. Sida la sheegay Sayidkii ayaa yidhi " Wallee haddaan hebel dhalay iskama aanan dileen". 

Haatan, kuwa shacabkood ka u soo diraya isla iyaga ee leh; soo xidhxidha, kuwa ku soo dirayaa, marka ay arkaan in ay soo xidheen gabdhahoodii waxa ay dhahaan " Wallee, hebla haddaan la dhashay ma aanan soo xidheen, iskamana xidheen".

#Duufaantabuluugga

-------------------------------------------------------------------------

Kacdoonka loo bixiyey (loo gu wan-qalay) #DuufaantaBuuluugga waa kacdoon barakaysan oo Tukaraq ka bilowday, gaadhay Badhan, Boosaaso salaamay, Gaalkacaya na bariidshey, Boocama na ku baydhay, Buuhoodle mushaaxay, dee arladoo dhanna ku baahay.

Abshir!

--------------------------------------------------------------------------

Cid na kuma raaligalinno haddii aannu nahay reer SSC midnimada iyo wadajirka soomaaliyeed, sidaas oo ay tahay waligayo waannu u dhimmanaynay una gaylamanay. Hadda na wax ba iskama kaayo bedelin. Hal-beegga aannu wax ku cabirano ayaa ah; "wadjir guud oo soomaaliyeed".
Madaxda Xamar xilalka ka qabata oo uu u gu sareeyo Madaxwaynuhu oo ku xigo Ra'iisul wasaaruhu, oo ay ku jiraan Labada gole. Waxa ay wuxu ba ku dhaarteen in ay ilaalinayaan wadajirka iyo midnimada ummadda soomaaliyeed. Taas oo ah waajib ka la ga rabo. Kuwa hadda jooga iyo kuwii hore too na kama ay run sheegin dhaartaas, waa na beeniyeen.

Annagga ayaa u dhalanay carraalenimada "wadaniyiin" oo aan ciidda soomaaliyeed cid ku raali galin e, Dawlada Xamar waxa ay na tustay wax lagaga tashado. Tamarteeda waa aan ognahay dhan ciidan se waxa jira boqol tamarood oo ay taageero ugu muujin karaan ama kareen dadka halkaa ku nool oo ay koow ka tahay, (in ay aqoonsadaan).

Qarnigan 21aad ee lagu jiro qof soomaali ah oo u dhinta calanka soomaaliyeed isagoo dusha ku sita, ama madaxa ku xidhan waxa jira dad ka deegaankaa. Hor iyo horaan ba waa na hagradeen oo na fogeeyeen. Waxa ay ku raali galiyaan rabitaankanada dad kale doonistood oo kaba diga-rogtay u na baahnayn.

Nin baa la ga hayey baydayd gabay ah oo dhahaya:

-Gocondhadan ragaadka igu dishay, ee ruuxda iga goysay,
-Iyo dhagaxan igu riixayaa, iima kala roona.

Shacabka SSC waa in ay ka fiirsadaan durbaan ka ay u tumaan mid kasta oo la ga doorto Xamar inta ay bedelayaan dhaqankooda, ka na runsheegayaan dhaarta ay u maraan midnimada soomaaliyeed jiritaankeeda.

Negeeye Xirsi

____________________________________________________________________

Waxaa la yidhi, nin ayaa waa doqon ahaa. Maalintii dambe ayaa beeshiisii socdaal ergo ah oo reero kale ah qorshaysatay. Doqonkii ayaa soo ag maray qaafadii reerka oo safarkii u diyaar garoobasa. Kolkaasuu ku yidhi "Ilma adeerayaaloow aan idin raaco, oo ha iga tagina!" odayaashii intii badnayd waa ay la yaabeen oo ku qosleen. Oday garaad badnaa ayaa yidhi " War doqonkee na inoo soo kexeeya, Laga yaabee kuwaan u tagaynno in ay doqomo ku jiraan e!" sidii ayuu ku raacay doqonkii odayaashii.

Kolkii la tagay geedkii shirka ayaa xaajadii la guda galay, oo gartii la furay. Wax ay ribataba doqon qoladii la socday baa ergadii cay nasabadda kaga saaray. Odayaashii waa yaabeen oo amakaageen!. Doqonkoodii la socday ayaa soo boodey, oo isna cay maqaarka kaga siibay, doqonkii kale. 

Doqomadii la kala aamusi, gartiina la dhammee. Shirkii markii uu dhammaaday ayaa odayadii, odaygii garaadka badnaa u mahadceliyeen in uu u soo kexeeyey doqonkoodii. 

Haatan, doqomada Hargaysa na ga joogaa, marka na la caayayo xitaa garan waaye idinna wax caaya!. Wax kale ba ha joogeen e..

Negeeye Xirsi

No comments:

Post a Comment