Saturday 9 June 2018

Taxanaha Ramadaanka: Sheekadii 15-aad ( Sheekooyin ka Qur'aan ka)

Sheekadii Qaaruun Q2aad.

Waxa ay arkeen tolkiis in uu yahay nin hanti urursi keliya ku hawlan, inkastoo inta kale ay gaajo ku seexato. Nin ku mashquulsan hadba dharka midka ugu qaalisan in uu ku xaragoodo, inkastoo inta kale ay qaawantahay. Wuxuu intaa ku darsaday kibir, isyeelyeel iyo arxan la'aan. Markay dhaqankaa ku arkeen ayay ku kahdeen, markaas ayay isku dayeen isaga iyo khayrka in ay isbaraan oo ay ka weeciyaan tubta qaloocan ee uu ku joogo. Waxa ay kula taliyeen; in aannu xoolaha ku kadmin kuna baadiyoobin, dadka qolada la ah na uu u samafallo. Waxa ay ku guubibiyeen kuwa dhibta qaba in uu ilmada ka tiro, waxa ay u sheegeen haddii uu sidaas yeelo in uu ka mid noqonayo, kuwa dunida guudkeeda magaca dheer ku yeesha, aakhira na uu ajar iyo wax xoolaha ka qaalisan uu abaal marin u heli doono. 

Waxa ay ku dheheen " Dooni maynno adduunyada iyo ku raaxaysigeeda in aad faraha ka qaado. Waxaan ku gu la talinaynnaa Risiqa kiisa wanaagsan in aad u xusul-duubto oo xalaal mooyee aadan xaaraan afkaaga iyo mooradaada too na u quudhin. Xalaasha uun ku dedaal oo iyada sidaad doonto u gu raaxayso. Kuwa sabool ka ah wax sii, waligaa wax taaro oo u asxaan fal, siduu adiga Eebbe kuu gu asxaan falay. Tabtaas haddii aad yeesho barwaaqada aad haysato ayuu Eebbe wax kuugu sii darayaa oo weliba kuu barakaynayaa. Ogoow hantidu waa wax aan mar na joogto noqon, waa wax sida hoos ka u baaba'a oo aan raagin, waa ammaanno laguu dhiibtay oo lagaa ceshan doono. Sidaas darteed ha ku farxin maal ka lagu siiyey oo ha ku kibrin. Ka dhigo wax intaad ifka joogto aad danahaaga ku qunsato, liibaan aakhira na aad ku gaadho. Jacaylka aan kuu qanbno ayaa waanada na ga keenaya, waxaan doonaynnaa in aad hantidaada si hagaagsan u adeegsato, waxa aan ka baqaynnaa intaad kibirto in aad aad deegto, janadii Eebba na waydo."

۞ إِنَّ قَارُونَ كَانَ مِنْ قَوْمِ مُوسَىٰ فَبَغَىٰ عَلَيْهِمْ ۖ وَآتَيْنَاهُ مِنَ الْكُنُوزِ مَا إِنَّ مَفَاتِحَهُ لَتَنُوءُ بِالْعُصْبَةِ أُولِي الْقُوَّةِ إِذْ قَالَ لَهُ قَوْمُهُ لَا تَفْرَحْ ۖ إِنَّ اللَّهَ لَا يُحِبُّ الْفَرِحِينَ
وَابْتَغِ فِيمَا آتَاكَ اللَّهُ الدَّارَ الْآخِرَةَ ۖ وَلَا تَنْسَ نَصِيبَكَ مِنَ الدُّنْيَا ۖ وَأَحْسِنْ كَمَا أَحْسَنَ اللَّهُ إِلَيْكَ ۖ وَلَا تَبْغِ الْفَسَادَ فِي الْأَرْضِ ۖ إِنَّ اللَّهَ لَا يُحِبُّ الْمُفْسِدِينَ

Sheekooyinka Qur'aan ka waxaa qoray M. A. Jaadalmawlaa. Waxaa na soomaaliyeeyey A. F. C Idaajaa.
Soonqaad suubban
Lasaco qaybaha dambe

Aynnu ku taamilo qaadanno sheekooyin ka Qur'aan ka.
 
Negeeye Xirsi

No comments:

Post a Comment