Saturday 9 June 2018

Geeraar: Toloow daaya colaada



"Ta danbaysa xasuustoo.
Taloow daaya colaada."

War taloow is dishoo.
Isku daawo furtoo.
Iblays baan idin daaree.

Ta danbeeta xasuustoo toloow daaya colaada.

Hadii aad is dishaanoo.
Diracyadii hableheena.
Diga xaadh marisaan.
Dux maxaad helaysaanoo.
Idin daafici doona.

Ta danbeeta xasuustoo toloow daaya colaada.

Duulalkii hore ee,
Dukum daakum noqdee,
Kibray ee damac qooqay,

Samuud waa la duleeyoo,
Caadna looba darnaayoo,
La daad xooryey fircoonoo,
Qaaruun la dabreeyoo,
Abuu jahal la duryoo,
Laga diiray naftii,

Koofil waa la danqaabshay,
Daraawiishi haleeshay,
Daamankay jabiyeen,

Tataarkii dunidoo dhan
Soo dilaanshay dhamaan
Maalinbaa laga deegay
Dibir looga hor leexday

Daacis waa ka qabraa.
Is dooxeen mahadhooyin.
Duleedada is wadheen.

Qadaafi waa la daguugay.
Dacay bay ku qabteenoo.
Darbadii ku dhacaysay.
Dameer baadi la moodyoo.
Duurkaas baa lagu xooray.

Ladnaantaa dacartaa lohoo.
Kibirku waa dulmi waynoo.
Illaah baa ka digaayoo.
Daliil aayado keenoo.
Rasuulkaa (scw) ka dardaarmay.
Ta danbaysa xasuustoo taloow daaya colaada.

Idinkoo isku diina
duriyadii odaygii iyo
isku diir ka yimaaday.
Duul walaalo ah sheegta.
Maxaa keenay dagaalkiyo.
Dirirtaa curanaysa.
Ta danbasa xasuustoo taloow daaya colaada.

Hawdkii waa laga dayrin.
Taleex daaba warkeeda.
Dabkaa laysku sitaayoo.
Degel baa ka hulaaqay.
Digadaa gubanaysa.
Ta danysa xasuustoo toloow daaya colaada.

Colaad dayro ka keenay.
Roobku soo di,i maayo.
Durduradu waa go,ayaan.
Duunyadu waa tagaysaa.
Dadku waa taran gaaban.
Daacuun weeye xumaan leh.
Ta danbaysa xasuustoo.
Toloow daaya colaada.

Qoom haduu isku duubmin.
Aayihiyo danahooda.
Daacad ay u ahaanin.
Dariiq ay wada qaadin.
Dayuuskaa dhaca doonin.
Dabin kii u dhigaaya.
Iska dayrin xumaanta.
Maatadooda daryeelin.
Iyagaa la dabaayoo.
La dagaa aragoodoo.
Dabar dhuuxyo la saarinoo.
Daamur baa lagu uuminoo.
Dab naaray ku dhacaane.

Ta danbaysa xasuustoo toloow daaya colaada.

Dalan baabi kuwii ah,
Iska diida samaanta,
Dadkalaa xukumaayoo,
Dadkalaa xukumaayoo,
Duub wayn bay u xidhaanoo,
Cashuur bay u diraanoo,
Aakhirkay dal dalaane,

Ta danbaysa xasuustoo.
Toloow daaya colaada.

Ninka daar cidla taaga,
Yidhi waan ku dulseexan,
Cidkaleeto ma doonin,
Isagaa doqon liitee,

Wax kastoo idin doorin,
Magaciina dulayna,
Dib waa kii ka xumaadee,

Ta danbaysa xasuustoo.
Toloow daaya colaada.

Negeeye Xirsi


2014kii ayuu abwaanka curiyay geerarka. 

No comments:

Post a Comment