Saturday 9 June 2018

Taxanaha Ramadaanka: Sheekadii 6-aad (sheekooyin ka Qur'aanka).


Waa sheekadii Cusayr "sheeko mudan qof kasta in uu ogaado".

Maalin maalmaha ka mid ah ayuu dhex galay beertii uu lahaa, waxa ay ahayd beer uu cagaarku kor iyo hoos ba isqabsaday. Beer ay geedeheeddu wada hadhac noqdeen oo aan kulaylka cadceeddu ka soo gudbi karin. Beer si xoog leh u midho bixisay oo jaadad ka shimbiruhu ka dhex heesayaan. In cabbaar ah ayuu quruxdaa isha la raacayey. Dabadeed midho timir iyo canab u badan intuu beertii ka gurtay oo labo kolay ka buuxsaday, xoogaa kimis ah na meel ku guntaday, ayuu dameerkiisii fuulay oo xaggaa iyo aqalkii uu degenaa afka saaray. Sirta abbuur ka iyo jiritaanka siduu uga fakarayey ayuu habaabay, oo tubtii hagaagsanayd ee uu qaadi lahaa ka il-duufay. Garjahooyinkii ayaa iskaga darsamay Bari iyo Galbeed na wuu kala garan waayey. Isagoo xaaladdaas ku jira ayuu ku soo baxay magaallo burburtay oo digada noqotay. Magaallo la cidleeyey oo baaba' xumi ka muuqdo, meydka iyo lafaha dadkuna meel kasta wadhanyihiin.

Dameerkii ayuu ka degey, labadii kolayna inta dhulka ka soo dhigay ayuu dhiniciisa dhigtay. Dameerkiisii intuu meel ku xirtay ayuu darmbi ku tiirsaday, si uu u soo ceshado xooggii iyo awooddii fakarkiisa. Dabadeedna meeshii baa u macaanaatay waxa uuna ku raaxaystay neecawdii macaanayd ee wajiga ka salaaxasay. Waxa uu si qoto-dheer uga fakaray; maydkan hortiisa daadsan iyo sida inta mar dambe naf loo galiyo loo soo saari doono. Fakarka caynkaas ah siduu ugu maqnaa ayuu indhaha isku qabsaday, lugihiina dhulka ku fidsaday, hurdo dheer ayuu galay, hurdo aad mooddo in uu dadka qabuuraha kaga mid noqday. Boqol sanno ayaa maalintaa ka soo wareegtay, dadyoow badan ayaa dunida ka tirtirmay, dhalaankiina waa gaboobeen, qalcado badanina dukumdaakum ayay noqdeen.
Intaasna Cusayr halkiisii buu gorofsanaa, isagoo ah lafo kala daatay iyo ooggo aan ruux ku jirin. Dabadeed waxa la gaadhay wakhtigii daboolka laga qaadi lahaa xigmaddii uu Eebbe weyne ka lahaa sheekada Cusayr. Waxa la gaadhay wakhtigii uu dadka ku kala saari lahaa arrin ay ku wareerreen oo in ay rumaystaan ba ku adkaatay. Lafihiisii baaba'ay ayaa dib la iskugu keenay, qof dhan oo aan kala dhantaalaynna waa laga dhigay. Mise waa Cusayroo aad moodid in uu hadda hurdadii ka toosay, oo dameerkiisii daydayanaaya, cuntadiisii iyo cabitaankiisiina agtiisa ka goobanaaya. ..

Sheekooyinka Qur'aanka waxa qoray M. A. Jaadal-mawlaa waxaana soomaaliyeeyey A. F. C. Idaajaa. Lasoco qaybaha kale.

Soonqaad suubban Ramadaan wanaagsan

Negeeye Xirsi

No comments:

Post a Comment