Saturday 9 June 2018

Taxanaha Ramadaanka: Sheekadii 17-aad (sheekooyin ka Qur'aan ka)

Qaybtii 3-aad sheekadii Qaaruun.

Qooqaagu miyuu leeyahay dhego maqalka u daloolla? Miyuuse leeyahay qalbi wanaagsan oo weedha wanaagsani saamayn karayso?. Xoola jacayl ayaa Qaaruun la gu naanaabiyey, hantidii badnay na kibir iyo islawayni buu ka qaaday. Sidee buu ninka tilmaamahaas lihi waanada u dhegaysan karaa? Ma waxaa jirta cid isaga amar siin karta? Ma waxaa jirta cid ku dhici karta oo u soo jeedin karta wacdi uu ku waantoobo? Waxa ay ba la ahayd kuwan la hadlayaa, in ay yihiin dad ka gar daran oo hantidiisa duulaan ku ah. Wuxuu ba u haystay duul ku hawshoon hawlo isaga u yaal e, aan iyaga wax ba u ga shan iyo toban ahayn. Tabtaas ayuu u fakarayey, taas ayaa na ugu wacnayd jawaabtii qalafsanayd ee uu siiyey dadkii la talinayey. Wuxuu ku yidhi " Anigu waanadii na u ma baahni!, maxaa yeelay? Caqli iyo garaad ba anniga ayaa idinka badan. Anniga ayaa idiinku mudan, xoolaha aan haysta na waxaan ku helay; waa aqoontayda iyo xirrib ta gaarka la ii siiyey, ma ihi nin taladii na u baahane idinku isla taliya."
 
Isaga oo raba in uu sii niyad jabiyo ayuu dibada u soo baxay, wadooyinka magaalada ayuu faanfaan awgii dhex mushaaxay. Wuxuu la soo baxay dhar, fardo iyo wax wali ba wixii ay ka qurux badnaayeen, dad waynaha na indha daraandar ku ridi kara. Barwaaqadii uu Rabbi ugu deeqay ayuu la soo baxay. Kooxihii danlayda ahaa ayaa arkay bilicdaa u ku taxaashayo, fardaha shaaximan ee qaar na uu ku jooggo qaar na lagu hareer wado iyo adeeggayaasha tirada badan ee dhinacyada ka socda. waa lagu wada dhaygagay, qof wali b a na in uu indhaha ka buuxsado ayuu ku dedaalay. Waxa ay ka xanuusadeen in uu isna barwaaqadaa ku jiro iyana ay ba' iyo baahi joogta ah ku noolaadaan. Kolkaas ayay inta sheekaysteen waxa ay dheheen " bal maxaa waayaab e, na loo siin waayey waxa Qaaruun la siiyey, Alla hoodo iyo ayaan badanaa!!"

قَالَ إِنَّمَا أُوتِيتُهُ عَلَىٰ عِلْمٍ عِنْدِي ۚ أَوَلَمْ يَعْلَمْ أَنَّ اللَّهَ قَدْ أَهْلَكَ مِنْ قَبْلِهِ مِنَ الْقُرُونِ مَنْ هُوَ أَشَدُّ مِنْهُ قُوَّةً وَأَكْثَرُ جَمْعًا ۚ وَلَا يُسْأَلُ عَنْ ذُنُوبِهِمُ الْمُجْرِمُونَ.
فَخَرَجَ عَلَىٰ قَوْمِهِ فِي زِينَتِهِ ۖ قَالَ الَّذِينَ يُرِيدُونَ الْحَيَاةَ الدُّنْيَا يَا لَيْتَ لَنَا مِثْلَ مَا أُوتِيَ قَارُونُ إِنَّهُ لَذُو حَظٍّ عَظِيمٍ.

Gacalayaal, aynnu wax badan ku qaadano sheekooyinka Qur'aanka ee kuwii ina ka horeeyey.

Sheekooyinka Qur'aan ka waxaa qoray M.A Jaadalmawlaa. Waxaa na soomaaliyeeyey A. F. C. Idaajaa.
La soco qaybaha kale
Soonqaad wanaagsan.

 
Negeeye Xirsi

No comments:

Post a Comment