Saturday 9 June 2018

Taxanaha bisha Ramadaaan: Sheekadii 3-aad (Sheekooyin ka Qur'aanka)


Ilma Aadan {qaybtii ugu dambaysay}

Iftiinkii nolosha ayaa bakhtiyey, dhiiggii ayaa oogadii Haabiil ku qaboobay, noloshii ayay na isa sagootiyeen. Wuxuu ka maqnaaday meelihii ay aabbihii isku arki jireen. Nabi Aadan ayaa kolkaa murugooday, meel walba ayuu ku dhacay si uu raq iyo ruux Haabiil u soo helo. Markaas ayuu Qaabiil waydiiyey bal in uu walaalkii meel ku sheego, waxa uu ugu jawaabay hadallo fudadayd iyo xurmo darro ka muuqato waxa uuna yidhi "ma ogi, saa aniga xilla igama saarnayn ilaaliyihiisana ma ahayn e". Hayeeshee Aadan wuu gartay in wiilkiisii la dilay, wuuna iska aamusay. Isagoo waliba qaba xanuunka uu la taaho aabbe kasta oo curadkiisii ciidda afka loo galiyey, isaga waxa u dheeraa xanuun kale; labadiisii gacmood ayay midi middii kale dishay!. Waxa uu Haabiil noaday ruuxii ugu horeeyey ee dhulka dushiisa lagu dilo, sidaas darteedna Qaabiil wuxuu garan waaayey siduu u asturi lahaa.
Saab ayuu inta ku dhexriday xanbaartay. Wareer ayaa ku dhacay, laabta ayaa gubatay, nacayb iyo jacaylka walaal-tooyo ayaa dareenka naftiisa ku dhex dagaalamay. Jiifkii ayuu qaban waayey hoog, ceeb, iyo ba' ayuu la dhul dhici waayey. Muddo dabadeed maydkii ayaa soo uray, qaabil na intuu ku dhibtooday ayuu maydkii sidi waayey. Wax uu yeelo iyo meel uu wax ka qabto ayuu garan waayey. Halkan marka ay arrintu marayso waxa khasab ahayd, in naxariista Eebbe soo degto. Si loo dhawro maamuuska uu maydkaas daahirka ahi leeyeyhay iyo si loo sameeyo xeerar ay dadku markaas oo kale ku dhaqmaan sharafta Aadan iyo dadkisana loo joogteeyo. 

Sidoo kale waxa khasab ahayd cashar adag in la siiyo gacan-ku-dhiiglahaa nacaybka iyo xasadku naftiisa buuxiyey. Qof ahaan isagu waxyi Eebbe ma mudna, waa in uu Tuke arday u noqdaa, waa in ay aqoontiisu ka yaraataa aqoonta shimbirkaas madoow ee aan cidina maamuusin. Casharkaas adag kadib, waa in noloshiisu halkaa ku dhammaataa, cadaab daranna uu maraa. Waxa uu Eebbe soo diray labo tuko, way isdirireen, mid baa kii kale dilay. Kii wax dilay ayaa gafuurkiisa god ku qoday oo ku aasay kuu dilay. Qaabiil ayaa kolka iska baroortay murugadii ayaa ka yeedhsiisay "Hoogey oo ba'ay! Ma waxa tuke gartay baan garan waayey, oo maydka walaalkay sidiisoo kale u asturi waayey?".!

فَبَعَثَ اللَّهُ غُرَابًا يَبْحَثُ فِي الْأَرْضِ لِيُرِيَهُ كَيْفَ يُوَارِي سَوْءَةَ أَخِيهِ ۚ قَالَ يَا وَيْلَتَا أَعَجَزْتُ أَنْ أَكُونَ مِثْلَ هَٰذَا الْغُرَابِ فَأُوَارِيَ سَوْءَةَ أَخِي ۖ فَأَصْبَحَ مِنَ النَّادِمِينَ.

Sheekooyinka Qur'aanka waxaa qoray M. A. Jaadal-mawlaa. Oo Masri ah.

Waxaana soomaaliyeeyey A. F. C Idaajaa.

Lasaco qaybaha kale. 

Soonqaad wanaagsan

 
Negeeye Xirsi

No comments:

Post a Comment