Saturday 9 June 2018

Taxanaha Ramadaanka: Sheekadii 13-aad (Sheekooyin ka Qur'aan ka maamuuska leh).


Qaladdii lagu dhuftay reer Israa'iil Q-3aad.

Maalin maalmaha ka mid ah ayay eegeen dhanka Bari, markaas bay halhaleel indhaha kagala soo noqdeen. Waxay arkeen habaas cirka isku shareeray oo iftiinkii qoraxda qariyey. Habaaskaasi markii uu baaba'ayna waxa ay indhaha ku dhufteen, abaanduulle dhiiran oo hogaaminaya col sida cammuuddaas ah, oo wada geesiyaal ah, cid hor istaagi kartaana aysan jirin. Kaasi waxa uu ahaa Boqor Buqta-Nasar oo iyaga Baabil kaga soo duulay, i saga oo hoog iyo ba' la maagan. Cadhadii Eebbe oo la soo diray iyo dhirifkiisii ayuun buu ahaaye, yaa in uu is-hortaago awood u leh? Waxa ay iswayiiyeen "Toloow cadaabkii uu armiyaa nagu cabsiin jiray ma kan baa?" iyaga oo wax malamalynaya ayuu Buqta-Nasar magaaladii weerar ku soo qaaday. Isagoo aad moodid dugaag gaajo dubatay oo hilba doon ah. Wax alla wixii uu ku soo baxay askaaxda ayuu ka dhigay, dhismihii u muuqda waa dumiyey, magaaladii na cagta ayuu mariyey. Baytul Maqdas isaga muxuu ku falay? Wuu xurmo tiray oo wuu fadareeyey, daaqadihiisii ayuu daadiyey, Eebbe in lagu caabuda na intuu diiday ayuu albaabbada iskugu dhuftay.

Qoladii reer Israa'iil na waa duleeyey, oo gumeeyey. waxa uu ka dhigay mid uu dilo iyo mid uu qafaasho. Dhulka ayuu ku firdhiyey, koox walbina horteeda ayay u baynuuntay.

ضُرِبَتْ عَلَيْهِمُ الذِّلَّةُ أَيْنَ مَا ثُقِفُوا إِلَّا بِحَبْلٍ مِنَ اللَّهِ وَحَبْلٍ مِنَ النَّاسِ وَبَاءُوا بِغَضَبٍ مِنَ اللَّهِ وَضُرِبَتْ عَلَيْهِمُ الْمَسْكَنَةُ ۚ ذَٰلِكَ بِأَنَّهُمْ كَانُوا يَكْفُرُونَ بِآيَاتِ اللَّهِ وَيَقْتُلُونَ الْأَنْبِيَاءَ بِغَيْرِ حَقٍّ ۚ ذَٰلِكَ بِمَا عَصَوْا وَكَانُوا يَعْتَدُونَ.

Sannooyin idil ayaa dagaalkaas ka soo wareegay Buqta-Nasar na waa geeriyooday. Boqortooyadii arlada Baabil waxa ay u gacan gashay Boqor aan naxariistu qalbigiisa ka dhammaan, oo camal iyo caynaan samaa. Wuxuu arkay reer Israa'iil oo gumaysi ba'an ku jira oo galab iyo subax nool ba si foolxun loo gumaysanayo. Markaas buu yidhi "War kuwani maxay ahaayeen?" waxaa loogu jawaabay "waa dirkii Yacquub waa na faracii uu Daa'uud awoowaha u ahaa, waxay degi jireen SHAAM oo ah dhul biyo macaan adiga aabbahaa ayaa gumaysi ku jirabay oo inta qabkoodii jabiyey, karaamadii ka qaaday, duliga aad aragtana ku xukumay" erayadaas ayaa Boqorkii beer-qaaday, dareenkiisii naxariista na dhaqaajiyey.

Markaasuu inta u yeedhay ku yidhi "isa soo urursada oo dhulkiinii ku laabta"


Maalintaas kadib dhulkoodii ayay ku laabteen, Eebbe mar kale ayuu u barwaaqeeyey, wiil iyo waxad ba waa siiyey. Waxaa ku haboonayd in ay wax ku qaataan wixii ay soo mareen oo nimcada la siiyey ku mahadnaqaan. Hayewshee nafta xumida lagu daabacay ma wanaag bay u xuslin kartaa? Sidee bayse u hagaagi karaan duul u Nabi Yuusuf wax yeeladiisa isku garabsaday, kadib na Nabi Muuse dhibaateeyey? Xarkihii duliga markii laga furayna waxa y ku noqdeen dulmigii ay nu kici jireen. Xumahaas waxay ku jiraan ba waxa ay dhegta dhiigga u dareen Sakariye iyo Yaxye oo ahaa laba Nabi oo naxariis badan. Waxaad moodaa in naftoodu dhiigga u oomantahay ama iyaga iyo Nabiyada ay utuni u horaysay. Rabbina mar kale ayuu ciqaabay waxaa na laga adeejiyey nin la odhan jiray JUUDAARIS. kanina wax xil leh oo dhan ayuu ku falay, koox walibana meel ayay u carartay. Taasna waxa ay ku mutaysteen dilka Rususha Eebbe iyo caasinimadoodii ay caadada ka dhigteen.

لُعِنَ الَّذِينَ كَفَرُوا مِنْ بَنِي إِسْرَائِيلَ عَلَىٰ لِسَانِ دَاوُودَ وَعِيسَى ابْنِ مَرْيَمَ ۚ ذَٰلِكَ بِمَا عَصَوْا وَكَانُوا يَعْتَدُونَ.

Sheekooyinka Qur'aanka waxa qoray M. A. Jaadal-mawlaa. Soomaali waxa u rogey A. F. C Idaajaa.
 
Negeeye Xirsi

No comments:

Post a Comment