Saturday 9 June 2018

Taxanaha Ramadaanka: Sheekadii 9-aad ( Sheekooyin ka Qur'aan ka maamuuska leh).


Qalladdii uu Eebbe reer Israa'iil ku dhuftay!

Fasahaadkii ayaa reer Israa'iil ku dhex faafay waxaynna ku fogaadeen diidmada xaqa iyo tubta baadinimada. Xadhiggii amaanka ayaa kala go'ay, naxariistii ayaa laabbohooda ka maydhantay, Nebiyadiina waa ay quudhsadeen. Xaqii Eebbe ayay culimadoodii dafirtay, madaxdoodii na Rasuuladii loo soo diray ayay beeniyeen. Kitaabkiisa ayay Eebbe weyne tuureen, markaad ayay cadaabkiisa ka mutaysteen. Hayeeshee, Eebbe weyne kor ahaaye, ka cadaallad badan qolo in uu cadaabkiisa ku rido, isagoon u soo dirin mid xumida uga diga oo tubta toosan ku hagga. Armiyaa waxa uu ahaa Nebi nabiyadoodii ka mid ah, oo iyaga ka dhashay. Intuu dhex istaago ayuu erayda xaqa ah ugu yeedhi jiray, farriinta Eebba na si aan leexleex lahayn ugu gudbin jiray. 

Wuxuu ku odhan jiray " Toloow, Ilma adeerayaaloow, fasahaadkiinii wuu batay, cuduradiiniinna way fideen, Rabbigiinna wuu idiin cadhooday!. Kitaabkii Eebbe waad iska tuurteen, xaqii uu idinku lahaana waad dafirteen. Siduu idiin barwaaqeeyey waad ogtihiin, dheeraadka uu idinku bantookhay na idin kama qarsoona. Dhulkiisii ayuu idiin gacan galiyey, uunkiisa kale na wuu idin ka saraysiiyey. Shalaydii dhawayd waxaa dhacay arrimo aad wax ku qaadan kartaan, oo idin tusi kara naxariista uu Eebbe idin ku galaday iyo abaal uu idin gashaday. Waad ohtihiin boqor Sinxaarib oo ciidan iyo hub wixii uu lahaa wataa in uu Baabil idiin kaga soo duulay. In uu ku tashanaa dadkii na in uu gacata ku dhigo guriyihiinana idin kala wareeggo. Maalintaas hadduu qorshihiisu fuli lahaa wuu idin madhin lahaa, baabahna wuu idin ka dhigi lahaa. Balse Eebbe ayaa Nabigiinnii Shacyaa dartiis idiin ku naxariistay baryadiisii na ka aqbalay. Waa tii ducsdiisii la aqbalay cadwiigiiniina la jabiyey cashi iyo cudur na lagu saliday, ciidamadoodii na taratarab u le'deen.

Waad ogtihiin wixii aad Shacaa ku fasheen iyo sidaad u gadheen. Haddii uu dhex joogi lahaa qollo kale oo abaal ka la gashado wuxuu waligiis iyo waaqiis ahaan lahaa, nin la maamuuso oo wax Alla wixii uu yidhaado la maqlo. Hayeeshee waxa aad tihiin duul abaal dhaca caado ka dhigtay oo duntoodu ay liidato. Nabi shacyaa sixun baad u gasheen, garabkiisa ayaad ka baxdeen, dabadeed na intaad u badheedheen ayaad gawracdeen, sidaas na ku disheen. Dhiiggiisii daahirka ahaa ayaad daadiseen, naftiisii wanaagsanayd na bir ayaad u quudheen.....

Sheekooyin ka Qur'aan ka waxa qoray M. A. Jaadal-mawlaa. Waxaa na soomaliyeeyey A. F. C. Idaajaa.
-Soonqaad suubban.
-Lasoco qaybaha kale.

Aynnu wax ku qaadanno sheekooyin ka Qur'aan ka.
 
Negeeye Xirsi

No comments:

Post a Comment