Saturday 9 June 2018

Taxanaha Ramadaanka: Sheekadii 8-aad (sheekooyin ka Qur'aanka daahirka ah)


Sheekadii Cusayr qaybtii 3-aad "Sheeko asraar badani ku dhex duugantahay"


Dameerkiisii intuu fuulay ayuu qaaday dhabadii uu gurigiisa u qaadi lahaa. Waxa uu arkay guryihii oo isbedelay, dib ayuu xasuus u galay. Waxa uu u ekaa nin soo garwaaqsanaya riyooyin uu waa hore ku riyooday dhacdoiyinkii ku jiray. Waxa uu wax soo bidhaansada ba waxa uu soo dul joogsaday aqalkiisii, mise waxa joogta habar gabowday oo tamartii ku daba yartahay. Ha jilicsanaatee wali naf baa ku jirta waanna indho la'dahay. Waxay ahayd gabadh adoon u ahayd oo waaggii ugu dambaysay dhalinyaranimo iyo qurux ba uu ku ogaa. Wuxuu ku yidhi "kani aqalkii Cusayr ma yahay?!" waxay ku jawaabtay "Haa!" dabadeed na hadalkii baa ku xidhmay, waxaanna soo dhaaftay ilmo badan oo ay ceshan wayday. Waxay tidhi "Cusayr waa tagay, dadkii na waa iska illaaween, muddo dheer na ma arag cid iswaydiinasa amaba soo qaadaysa" wuxuu yidhi " Anigu Cusayr baan ahay! Boqol sanno ayuu Eebbe i mootamaysiiyey, haddana isagaa nolosha igu soo celiyey ifkana ii soo bixiyey!"
Habartii ayaa kolkaa aragagaxday kolkaa na tidhi " Cusayr waxa uu ahaa nin suubban, ducadiisana la aqbalo, wax walba hadduu Eebbe ka baryo waa la siin jiray, ruux xanuusan hadduu Eebbe u baryana wuu ladnaan jiray. Haddaba haddaad Cusayr tahay; Eebbe iiga bari in uu aragaygii ii soo celiyo ina caafiyo" markaas ayuu Eebbe u baryey, dabadeed na si degdeg ah ayay u caafimaadday, arageediinna ugu soo noqday. Labadiisii lugood iyo labadiisii gacmood ayay dhunkasho ku boobtay, isla markiiba waxa ay ku oraday reer Israa'iil oo kuwo uu dhalay iyo kuwo uu awoowe u yahay oo boqol jirro iyo konton jirro miidhan ku jiraan. Waxaa kale oo ka mid ah qaar ay isku da' ahaayeen oo haatan gabowgii jilciyey. Intay qaylisay bay tidhi " ninkii Cusayr ee boqol sanno ka hor idiinku dambaysay ayaa dib loo soo nooleeyey, isagoo dhalinyaro ah, qurux iyo caafimaad na la taxaashinaya". Wax yar kadibba waxa la soo istaagay Cusayr oo siwacan u labisan, wax ka maqan iyo wax lagu saluugana aan lahayn. 

Way garanwaayeen in uu been u sheegayna way u maleeyeen. Waxay go'aansadeen in ay ka sal gaadhaan. Wiilashiisii mid ka mid ah ayaa yidhi " Garabka korkiisa ayuu aabbahay bar ku lahaa ee ma leedahay?" inta uu maradii iska fayday ayuu yidhi " Haa! Bartaasi waa igu taal" waynna ku arkeen astaantii ay carruurtiisu ku tiqiin. Intaa kuma hadhin e waxay go'aansadeen in aysiwacan shakiga iskaga saaraan. Oday waayeel ah baa yidhi "waxaannu sheeko ku maqalnay, tan iyo waaggii uu Boqor Buqta-Nasar ku soo duulay baytal Maqdas ee kitaabka Tawreedda uu gubay in koox yar oo Cusayr ku jiray mooyee in kitaabkaa cid kale oo xifdisani aaanay adduunka ku hadhin. Haddaba haddaad Cusayr tahay bal noo akhri wixii aad kitaabkaas ka qayb santahay". Markaasuu akhriyey isagoo aanan Aayad gefin, qayb ka tagin, eray na ka dhaafin!. Markaas bay gacan qaadeen iyagoo rumaystay waliba u hanbalyanaya. Hayeeshee waxay ahaayeen duul nasiib daran oo aan dhacdadaas wax iimaan ah ka kororsan, gaalnimo hor lehna way qaadeen, Cusayr na wiilkii Iillaahay ayay ba ku sheegeen!!. 

وَقَالَتِ الْيَهُودُ عُزَيْرٌ ابْنُ اللَّهِ وَقَالَتِ النَّصَارَى الْمَسِيحُ ابْنُ اللَّهِ ۖ ذَٰلِكَ قَوْلُهُمْ بِأَفْوَاهِهِمْ ۖ يُضَاهِئُونَ قَوْلَ الَّذِينَ كَفَرُوا مِنْ قَبْلُ ۚ قَاتَلَهُمُ اللَّهُ ۚ أَنَّىٰ يُؤْفَكُونَ.
 

Sheekooyin ka Qur'aan ka waxaa qoray M. A. Jaadal-mawlaa. Waxaana soomaaliyey A. F. C Idaajaa.
Aynnu wax ku qaadanno Qiyoosinka Qur'aanka.
 

Soonqaad suubban. La soco qaybaha kale
 
Negeeye Xirsi

1 comment: