Saturday 9 June 2018

Taxanaha Ramadaanka: Sheekadii 18-aad (Sheekooyin ka Qur'aan ka)

Qaaruun Qaybtii 4-aad.

Waxa uu ahaa nin isagoo kale aan waano waxba ka bedelin, nin aan qaraabo u debcin oo aan qakbigiisu aragtida xigaalada ku dararin. Wuxuu ahaa nin aan baryada kuwa sabool ka ah u dhegtaagin. Waa in kolka seefta shareecada la gu dayaa, oo xeerka Eebbe dhigay la gu la taccaalaa. Waa in uu Nabi Muuse si adag oo aan waanwaan lahayn u gu amraa, in uu xoolihiisa Sekeda ka bixiyo, dad ka saboolka ah na uu u asxaan falo. Waa in uu u sheegaa in kuwa goolmooni xoolihiisa ku leeyihiin xaq la yaqaan. Hayeeshee, waxa uu is ka dhegooleeyey, tusaalihii Muuse. Wuu ba ku jeesjeesay oo waliba been abuur ku eedeeyey. Jawaabtii fooshaxumayd ee uu Nabiga ugu jawaabay waxay ahayd "wax yaabo badan ayaannu Muusoow kuugu dul-qaadanay, waxaas noo la timi diin cusub, saa waan yeelay iska na kaa raacnay, mar ba wax baad na fartay kolkaasaan kaa yeelnay, taasi na waxa ay ku gaysiisay in aad na gu dhiirato. Imika xoolahayagii baad u soo dhigatay, wixii aad qarsanasay ayaa kaa soo ifbaxay, waxaad na tahay faalaloow beenaale ah". Dooddii ayuu Qaaruun ku dheeraaday, Muuse-na waa u jilib-dhigay. Waa amarkii Eebbe, amar ka Eebbe na muran iyo gorgortan ma galo. Goor dambe ayuu soo debcay, wixii la faraayeyna yeelay.

Waxa uu tagay gurigiisii oo xisaabeyey hantidiisa inta la ga doonayo, ee ka baxaysa. Saa fajac iyo wareer ayay ku noqotay xisaabtii u soo baxday. Cudurkiisii baa ku soo noqday, wuxuu ku mintiday in uu xoolihiisa ku gacan adaygo, si aan loo la qabysan oo wax iskaga dhimin. Marmarsiiyo ayuu doorbiday, been ayuu wax mooday waxa uu na yidhi " Muuse waa nin istustus badan, waxa uu doonayaa hanti uu sidaas ku urursado. Haddii aannu u firsanay waxa noo soo baxday in uu yahay nin diinta aad u ga fog"hayeeshee, Illaah baa ceebeeyey. Kutubta laqbaha Qur'aan ka iyo kuwa Taariikhdu sida ay qorayaan, haweenay uu duufsaday ayuu Qaaruun ku dhiiri galiyey in ay Muuuse masabidato, oo in uu ka sinaystay ay ku eedayso. Iyaduna masabidkii ayay yeeshay. Mar dambe se madal loo dhanyahay ayay ka sheegtay; in Qaaruun masabidka ku dirqiyay Muuse na uu si walba uga fogyahay dambigii ay ku eedaysay. Sidan buu shirqool ka na u ga badbaaday waxa uu na ka qaaday war-dheeri, maamuus iyo kalsooni nafeed.

Kolkuu Nabi Muuse ka quustay ayuu habaaray. Eebba na ka baryey in uu uunkiisa ka qabto, baadiyayntiisa na ka badbaadiyo. Eebbe ayaa isaga iyo hantidiisii ba dhulka la gooyey, cid u gargaarta ma uusan helin isna ma ahayn mid awoodda Eebbe iska celin kara. Dhulkii baa Qaaruun liqay, isaga iyo hantidiisii na shay dambe dib loo ga ma arag. Qoladii Muuse iyo danlaydii raacsanayd na tusaale la gu taamilo qaato ayuu u noqday. Waxay garaysteen in Eebbe uu yahay ka wax walba fala, waxa ay ku Xamdi-naqeen in aysan la mid ahayn Qaaruun. waxa ay siwacan u ogaadeen awoodda Eebbe ee kii uu doonana wax siiya, kii uu doonana ka ceshta. Waxay dheheen haddii aan Eebbe noo gargaarin sidaas oo kale ayaa dhulka la inoo la goyn lahaa, loo la gooyey Qaaruun iyo kuwa Eebbe ku caasiyoobay.

فَخَسَفْنَا بِهِ وَبِدَارِهِ الْأَرْضَ فَمَا كَانَ لَهُ مِنْ فِئَةٍ يَنْصُرُونَهُ مِنْ دُونِ اللَّهِ وَمَا كَانَ مِنَ الْمُنْتَصِرِينَ
وَأَصْبَحَ الَّذِينَ تَمَنَّوْا مَكَانَهُ بِالْأَمْسِ يَقُولُونَ وَيْكَأَنَّ اللَّهَ يَبْسُطُ الرِّزْقَ لِمَنْ يَشَاءُ مِنْ عِبَادِهِ وَيَقْدِرُ ۖ لَوْلَا أَنْ مَنَّ اللَّهُ عَلَيْنَا لَخَسَفَ بِنَا ۖ وَيْكَأَنَّهُ لَا يُفْلِحُ الْكَافِرُونَ

Soonqaad suubban.
La soco qaybaha kale.

 
Negeeye Xirsi

1 comment: