Wednesday 13 June 2018

Taxanaha Ramadaanka: Sheekadii 28-aad (Sheekooyinka Qur'aan ka)

Sheekadii Nabi Yacquub.

Wadada ayuu cagta saaray lama degaanka ayuu habeenkii ku guureeyey, dharraartiina ku boqoolay. La kulanka abtigii ayuu laabta ku hayaa, ducadii aabbihii iyo daryeelka Eebba na waa ku ladhanyahay. Mar walba oo uu daalo xagluhu na debcaan waxa uu soo xasuustaa arrinta uu u socdo iyo wanaagga u dambeeya, markaas ayaa arlada kala fogi u soo gaabataa. Waxa timid maalin ka duwan maalmihii hore, waa maalin ka kulul oo, cadceedda ayaa toos falaadheheeda dhulka u gu soo ganaysaa, kolkaas ayuu Yacquub socodkii tahli waayey, socodkii baa ku dheeraaday, hareerihiisa ayuu eegay, mise waa lamadegaan tan iyo ili-ku-wareertay sii taxan. Daalkii baa xubnaha oogadiisa oo dhan wada gaadhay, ma socotaa, dib ma u laabtaa, mise waad iska sii socotaa si aad berri ka maalin u heshid cid cudud iyo xoog kuu noqota. Isagoo sidaa iskula hadlaya ayaa waxaa u muuqday dhagax dhadhaab ah oo hoos leh, wuu ku leexday, si uu u gu nasto oo ay caguhu u gu qaboobaan. Markuu ku tiirsaday ba intuu lulmooday ayuu gam'ay.

Intii uu hurday ayuu riyooday. Waxa uu ku riyooday in uu heli doono; nolol barwaaqaad, hanti badan, boqortooyo balaadhan iyo waraso uu Eebbe dhulkiisa dhaxalsiin doono, aqoonna u gu deeqi doonno. isagoo faraxsan ayuu hurdadii ka toosay. Waxa uu u qaatay riyadaasi mid sii rumaynasa saadaashii aabbihii. Sidii gamuunka ayuu orod istaabtay, wadada, ayuu cagta saaray, dhulkii ayaa loo soo duubay, waxaa gudbay maalmihiisii sadcaalka. Bidhaan baa u muuqatay, markaas bay rejo soo gashay. Wuxuu fishay afaafkii magaalada iyo deegaankii abti laabaan in uu soo gaadhay. Cabbaar yar kadibba waxa uu ogaaday in aan dedaalkiisii khasaare ahayn, himiladiisii na aysan meel cidla' ah ku dhicin. Durba cagihii ayaa u qaboobay, qalbigii mirirku daboolay ayaa u cusbaaday, daalkii iyo niyad jabkii ayaa ka ba'ay. Waxaa u muuqda adhyihii, shimbirihii, waxaa na dhegihiisa ku soo dhacaya; adhi jirtii iyo carruurtii oo heesaya intaasiba waxa ay astaan u yihiin lamadegaankii iyo isagu in ay isdaayeen. Waxa uu haatan joogaa dhulkii abtigii uu u soo sodcaalay, dhibtaas na u soo maray. Kolkaas ayuu sujuud la dhacay isagoo Eebbe u mahadcelinaya.

Yacquub oo ah nin qalaad oo aan la aqoon ayaa deegaankii ku soo dhex dhacay. markaasuu yidhi "Yaa yaqaana Laabaan?) markaasay dheheen " oo waa kuma ninka aan aqoon Laabaan? Waa ba ninka reerkooda u madaxda ahe, waa Nabiga Isxaaq ah seedigiis e, waa ba ninka iska leh maalkan iyo hantidan bananka iyo buuruhu qaadi la'yihiin e".

Sheekooyinka Qur'aanka waxaa qoray M. A. Jaadalmawlaa. Waxaa soomaaliyeeyey A. F . C Idaajaa.

Soonqaad suubban
Lasaco qaybaha kale.

Negeeye Xirsi

No comments:

Post a Comment