Wednesday 13 June 2018

Gabay: Muqdishooy Gar Uma Lihid

 Image result for qaraxii soobe

-Muqdishooy gar uma lihid in aad gaar u oloshaay'e,
-inaad kaligaa gubataana waa guul dariyo ciile,
-halal gaar aan ku idhi bal dhugo gobada weeyaan'e,
-haddii gaylan loo koco dagaal lays ku gaaguunsho,
-waxaa talada gacan loo gashaa geeshka kii wadiy'e,
-hurin geesigii waday haddii gawrac lagu jiido,
-guutadaasi waa tii jabtoo goysa saamaha'e,
-gadh-wadeen in aad tahay adigu taa ku gama' hooyo,

-Goboliyo illaa goof cidla' ah buura guradooda,
-badda guuxda goonyahaa shishiyo wabiga geeskiisa,
-gibishii dulsaarnayd dhamaan gayiga soomaali,
-in aad cayn aan go'in noo ahayd taa ku gama' hooyo.

-dhalaan wuxuu gurguurtaba barqay gaajo soo ridan'e,
-goortuu cabasho toyday duqdii gabanked dhawrtaaye,
-iyadoo guclaha kala sinayd geedigii reer ka,
-gosha intay ku qabatay ilmad gacanta saartaaye,
-Naskoo gabloolay ku duwi oon godlanahayn'e,
-Hooyaa adkasiga gaydee taa ku gama' hooyo,

-badhaa giririflaysoon wax tarin geel jirkii waday'e,
-Madi guriga kuu joogtabaan gaawe buux dhimin'e
-iyadaa hadhuub lala gaala goob martiyid soor'e
-Maandeeq in aad gaar u tahay taa ku gama' hooyo

-naqoo go'ay gudude meelu helay gamashi loo yaallo,
-gaadiid nin kii aan lahayn waa gadaal suga'e,
-hayin baa gargaar loo rataa lagu gurguurtay'e,
-gurgurshaa in aad noo ahayd taa ku gama' hooyo.

-gabaad ruuxa aan helin illeen dhaxani waa goyn'e,
-goob dugsoon ayaa laga galaa gaydha soo dhiciye'
-gabadanada hooy laga galaay taa ku gama' hooyo

-laas waa gudhaa good diraac galalafkeediiye,
-waxa xoolo lagu guuliyaa gacalow ceel Wayne,
-mahwaan gawdhin baad noo tee taa ku gama' hooyo

-haddii fule abaal kaa an garan weerer kuugu gaaso,
-gabdhiyo wiilal kuu gudahayoo gocorka kaa baacin,
-geesi kaa la diriraad dhashee taa ku gama' hooyo

-Galladii Illaahay inaad dunida gadhayso,
-oo goonyahaa ay imaan gaasir kuwa maagay,
-hogaan guud in aad noqon mardhoow taa ku gama hooyo.

Negeeye Hersi

No comments:

Post a Comment