Saturday 9 June 2018

Taxanaha bisha Ramadaan: Sheekadii 4-aad ( Sheekooyin ka Qur'aan ka).


Walaalihii ay beertu ka dhaxaysay

Waagii ayaa baryey, neecawdiisii qaboobayd ee macaanayd ayaa dunida taabatay. Waxa meeshii uu xalay seexday ka soo kacay oday neef-tuuraya oo ay talaabadu dhib ku tahay. Giyaashii uu noolaa ayaa dhabarkii soo goday, intii aan qoraxdu dhab u soo bixinna waxa uu taagnaa irridda beertii ku lahaa tuulada Darawaan. Beerta duqu waxa ay ahayd tu la yaab leh, oo lagu sheekaysto. Waxa ay ahayd tu midho badan ubaxunna geedeheeda qariyey, biyuhuna dhexdeeda qulqulayaan. Afarteeda dhinacna waxaa sariiraa dhir midho iyo qudaar nooc waliba buuxisay. Saytuun, Canab, Timir iyo wax walba oo dhadhan iyo dhereg ba nafta ugu roon. Waxa ay ahayd beer ishu ku degto, laabtuna ku nasato. Barqadii ayay hooskeeda ku laamadoodi jireen. Galbihiina meel ay ku sheekaystaan ayay u ahayd. Duqii ayaa wadiiqooyinkeeda dhex saqaafiyey, ubaxa caraftiisa ayuu sanka la raacay, heesaha shinbirahana wuu ku raaxaystay. Dabadeed inta dhex fadhiistay beertii ayuu ku tukaday, sujuud na la dhacay. Isagoo Eebbe uga mahad-celinaya barwaaqada uu ku galladay, kana badbaadiyo kibirka iyo qooqa ay hodantooyada isku mataansanyihiin. Sidaas ayaa caado u ahayd maalin walba.

Soo go'idda beerta markii la gaadho ayuu shaqaalaha u yeedhi jiray iyana waa ay soo guri jireen. Masaakiinta ayuu qayb weyn ka siin jiray. Mid uu faraqa u buuxiyo, mid uu jawaankiisa ugu shubo iyo mid uu weelka uu sito uga milaallaba. Wiilashiisii ayay arrintaasi u cuntami wayday, waxaynna u arkeen iyaga iyo danlaydu in ay beerta u simanyihiin, haddiiba aan masaakiintu uga sed roonayn ugana sokayn. Mid ka mid ah wiilashii ayaa ku yidhi "Aabboow dadkan xoolaha siinaysid ka jooji, maxaa yeelay waa xoolahayagii" mid kale ayaa yidhi " Aabboow sidan haddaad wax ku waddo, dhogor xoolaad iyo geed-midhood toonn kaa dhaxli maynno, waxaanuna noqon gadaashaa kuwo sabool ah oo dadka barya". Mid saddexaad ayaa hadalkii u holoday se odaygii baa amuusiyey kuna yidhi " waraaydha! Waxaad iila egtihiin niman habowsan. Waa maxay beerta aad sheegaysaan? Xaggeese katimi? Beertan aad aragtaan waa hanti Eebbe. Waxaana la ii siiyey sida ugu wacan in aan u bixiyo. Waxaana wax ku leh saboolka, danlayda, kub-ku-boodhlaha iyo shimbiraha. Wixii soo hadha ayaynnu inaku wada leenahay. Teer iyo dhalinyaranimadaydii sidaas ayuu dhaqankaygu ahaa, waana sida maalku ku barakoobo. Kolka ma dhici kartaa maanta oo aan duq waayeel ah noqday in aan taladiina yeelo?"

Sheekooyinka Qur'aanka waxaa qoray M. A Jaadal-mawlaa waxaana soomaaliyey A. F. C. Idaajaa.
Lasoco qaybaha kale! soonqaad suuban.

Negeeye Xirsi

No comments:

Post a Comment