Wednesday 13 June 2018

Maanso: AF YAHOW

Waa maanso cajiib ah uu abwaanka da'da yar Negeeye Xirsi curiyay 2015kii.

★Af ya how ab ogaaga ahi.
★Af yahaw erayada qurxoon.
★Af ya how waa hore unkamay.
★Af yahaw sugaanta wacan.
★Af yahaw ashqaraar ka badan.
Af yahaw udub iyo dhigta leh.
★Af yahaw agaax iyo dago leh.
★Af yahaw awr iyo hasha leh.
★Af yahaw tiro labbiyo toban.
★Af yahaw tobban iyo labo leh.

★Af yahaw edeg iyo af saar leh.
★Af yahaw aamus iyo idaa leh
★Af yahaw iddo iyo laxa leh.
★Af yahaw soo araarasha leh.
★Af yahaw adhi iyo riyo leh.
★Af yahaw geel iyo Gaal ka lihi.
★Af yahaw awlaada dhalay.
★Af yahaw afafooyin dhalay.
★Af yahaw barre soo ahaa.
★ Af yahaw aan eedda galin.

★Af yahaw Ruuxii arkaa.
★Galgacal ku abaal marshaa.
★Af yahaw oog dheeraha ah.
★Af yahaw nuur iyo illays ah.
★Af yahaw doog iyo udgoon ah.
★Af yahaw Ubax iyo iftiin ah.
★Af yahaw kaah iyo Hilaac ah.
★Af yahaw aar iyo libaax ah.
★Af yahaw iidaalaha ah .
★Af yahaw murti malaha ah.
★Af yahaw gabay lagu ill xidhay .
★Af yahaw ama kaaga badan.

★Af yahaw ehelkaaga iyo.
★Hadaan isir kaaga baadho.
★Hadaan iniqaaga raadsho.
★Hadaan asalkaagi goobo.
★Hadaan faracaa odoraso.
★Hadaan sinjigaaga eego.
★Hadaan eexda kaa ilaasho.
★Hadaan kuu diido aafo.
★Hadaan Meel dheer ka eego.
★Hadaan kaa guro ragaadka.
★Hadaan kuu bandhigo aduunka.
★Hadaan kuu abtiriyo maanta.

★Adoogaa aaba haa.
★Af yahaw aadan buu ahaa.
★Ayeydaa hooyadaana.
★Midhaa xaaway ahayd.
★Af yahaw adi aynigaa.
★Ilma adeer iyo walaalo.
★Armaysaan dunidan jirin.
★Dhigaa wax la aag ahaa.
★Af yahaw adigoo awoow ah.
★Adoo odayoo gaboobay.
★Adoo awlaado dhalay.
★Adoo soo jiray aduun yo.
★Intay taagnayd ayaamo
★Adoo soo aflixiyey koox.
★ustaad sare soo ahaa .

★Aqoon yahan adoo ahaa.
★Adoo af bilow ahaa.
★Mid kii abid lagu hadlaba.
★Adoo ayaad ka iyo qur'aan ka
★Ku uun San jiray.
★Adoo oogi jiray salaada.
★Adoo Aasi jiray xumaanta.
★Adoo xaq abaari jiray.
★Adoo idilkeed murtidu.
★Adiga hodan kuu ahayd.
★Adoo soo araran jiray.
★Adoo hees alifi jiray.
★Adoo maah maah lahaa.
★Garaha lagu soo af joro.
★Jiiftiyo geeraaar lahaa.
★Guuroow iyo shirab lahaa.
★Miyay afaf doonayaan.
★In ay adi kula simaan.
★Is kuna kaa dhereriyaan.
★Aduunyooy xaal aduun.
★Adoomoow xaal aduun.

★Af yahaw ii daadi weeye.
★Quruumaad soo jirtaye.
★Markii lagu qorayse weeye.
★Kacoo qalabkaaga qaado.
★Qabsoo warankiyo falaadha.

★Af yahaw eeg qoomahaaga.
★Nin kii kuu gaystay qaaro.
★Midkii ku qanjiidhinaayey.
★Midkii qaab kaaga dilayey.
★Inuu kula sii qaxweeyo.
★Qosloo kuu alalag dhaho.
★Marnba qiil kaa hayeelin.
★Adiguba qoortaada taag.
★Ogoow qalinkiyo daawada.
★Qor Oo akhri sadar kastaba.
★Sidaad qayrkaa u dhaafto.

★Af yahaw aabaad u tahay.
★Wixii ashahaata Oo dhan.
★Illaahay ha kula jiree.
★Uur kaygaan ku beerantahay.

Negeeye Xirsi

No comments:

Post a Comment