Saturday 9 June 2018

Taxanaha Ramadaanka: Sheekadii 14-aad (Sheekooyin ka Qur'aan ka)

Sheekadii Qaaruun.

Qaaruun waxa uu ka mid ahaa qoladii Nabi Muuse, xigto aad iskugu dhow na waa ay ahaayeen. Wuxuu ahaa nin uu Eebe ugu deeqay hanti aad u tiro badan. Barwaaqo adduun ayaa na gacmihiisa ku ururtay. Barwaaqo aan in yar mooyee, aan Aadanaha badankiis u gacan galin. Furayaasha Khasnadihiisu waa ay ka badnaayeen in kor loo qaadi karo, inkastoo dhalinyaro xoog badan oo shaqaale u ahayd iskugu tagaan. Dharka kiisa ugu qaalisan ayuu xidhan jiray, mar kasta oo uu dibada u soo baxana wuxuu gashan jiray hu'ga kiisa ugu bilicda san, aqalada kuwaada ugu waaweyn uguna gogol wanaagsan ayuu degi jiray, adeegayaal iyo adoon tiro badan ayuu lahaa, waxaa na u weheliyey saaxiibbo aan agihiisa ka fogaan, oo farax galintiisa u jeebban. Si wal ba ayuu u raaxaysan jiray, waxa uu na isku dayi jiray in uu gaadho raaxada dhammaad keeda, waaba haddii ay leedahay meel ay ku dhammaatee!.

Tan iyo waagii la is uumay, xooluhu waxa ay ahaayeen quruxda nolosha iyo tiirar ka ku taagantahay ee ugu waawayn. Kii xoolo hela meel na ka buuxsadaa, waa kibraa oo qooqaa, wuxuu na u maleeyaa in aan cidi na wax yeeli karin. Waxay la noqotaa dadka kale oo dhan in laga abbuuray, dhoobo midda isaga laga abbuuray ka duwan, markaas buu u qaataa in loo abuuray in ay isaga uun u adeegaan. Markuu hadlo oo codkiisa maqlaan madaxa ayay hoos u dhigaan, markuu amro oo farta meel ugu fiiqo degdeg bay u aadaan. Waa wada okobanyihiin hadalkiisa cid "maya" odhan kartaa na ma jirto. Qaaruun dadka ifka ku nool kama uu duwanayn, wuxuu ahaa nin sida dadka kale u dhaqmaan u dhaqma. Waxa uu ku qooqay qoladii uu ka dhashay wuu na gardaraysan jiray. Kuwa hodanka ahi haddii ay siwacan u fakari lahaayeen oo waahayaha noloshu sida ay dhabtii yihiin u baran lahaayeen waxa ay ogaan lahaayeen xoolaha oo kaliya in aan dadka lagu hanan karin. Waxa ay ogaan lahaayeen dadku in uu samafalkana adoon u yahay, oo haddii ay wax siiyaan soo na dhaweeyaan ay waxay u diraan iyagoo ku faraxsan yeeli lahaayeen. Sidaas bay laabaha dadka ku taabi lahaayeen. 

Sidaas bay naftooda khayr farabadan ugu soo jiidi lahaayeen, sidaas bay wanaag iyo janada Eebbe ku heli lahaayeen. Sidaas baa dadku ku jeclaan lahaa oo hareerahooda isku soo tubi lahaa. Ifka ayay magac wanaagsan ku joogi lahaayeen, aakhira na abaal marin wanaagsan ayay ku naaloon lahaayeen...

Sheekooyinka Qur'aanka waxaa qoray M.A Jaadal-mawlaa. Waxaa na soomaaliyeeyey A. F . C Idaajaa.
Lasaco qaybaha kale.
Soonqaad wanaagsan.

 
Negeeye Xirsi

No comments:

Post a Comment