Sheekadii Qaaruun.
Qaaruun waxa uu ka mid ahaa qoladii Nabi Muuse, xigto aad iskugu dhow
na waa ay ahaayeen. Wuxuu ahaa nin uu Eebe ugu deeqay hanti aad u tiro
badan. Barwaaqo adduun ayaa na gacmihiisa ku ururtay. Barwaaqo aan in
yar mooyee, aan Aadanaha badankiis u gacan galin. Furayaasha
Khasnadihiisu waa ay ka badnaayeen in kor loo qaadi karo, inkastoo
dhalinyaro xoog badan oo shaqaale u ahayd iskugu tagaan. Dharka kiisa
ugu qaalisan ayuu xidhan jiray, mar
kasta oo uu dibada u soo baxana wuxuu gashan jiray hu'ga kiisa ugu
bilicda san, aqalada kuwaada ugu waaweyn uguna gogol wanaagsan ayuu degi
jiray, adeegayaal iyo adoon tiro badan ayuu lahaa, waxaa na u weheliyey
saaxiibbo aan agihiisa ka fogaan, oo farax galintiisa u jeebban. Si wal
ba ayuu u raaxaysan jiray, waxa uu na isku dayi jiray in uu gaadho
raaxada dhammaad keeda, waaba haddii ay leedahay meel ay ku dhammaatee!.
Tan iyo waagii la is uumay, xooluhu waxa ay ahaayeen quruxda nolosha
iyo tiirar ka ku taagantahay ee ugu waawayn. Kii xoolo hela meel na ka
buuxsadaa, waa kibraa oo qooqaa, wuxuu na u maleeyaa in aan cidi na wax
yeeli karin. Waxay la noqotaa dadka kale oo dhan in laga abbuuray,
dhoobo midda isaga laga abbuuray ka duwan, markaas buu u qaataa in loo
abuuray in ay isaga uun u adeegaan. Markuu hadlo oo codkiisa maqlaan
madaxa ayay hoos u dhigaan, markuu amro oo farta meel ugu fiiqo degdeg
bay u aadaan. Waa wada okobanyihiin hadalkiisa cid "maya" odhan kartaa
na ma jirto. Qaaruun dadka ifka ku nool kama uu duwanayn, wuxuu ahaa nin
sida dadka kale u dhaqmaan u dhaqma. Waxa uu ku qooqay qoladii uu ka
dhashay wuu na gardaraysan jiray. Kuwa hodanka ahi haddii ay siwacan u
fakari lahaayeen oo waahayaha noloshu sida ay dhabtii yihiin u baran
lahaayeen waxa ay ogaan lahaayeen xoolaha oo kaliya in aan dadka lagu
hanan karin. Waxa ay ogaan lahaayeen dadku in uu samafalkana adoon u
yahay, oo haddii ay wax siiyaan soo na dhaweeyaan ay waxay u diraan
iyagoo ku faraxsan yeeli lahaayeen. Sidaas bay laabaha dadka ku taabi
lahaayeen.
Sidaas bay naftooda khayr farabadan ugu soo jiidi
lahaayeen, sidaas bay wanaag iyo janada Eebbe ku heli lahaayeen. Sidaas
baa dadku ku jeclaan lahaa oo hareerahooda isku soo tubi lahaa. Ifka
ayay magac wanaagsan ku joogi lahaayeen, aakhira na abaal marin
wanaagsan ayay ku naaloon lahaayeen...
Sheekooyinka Qur'aanka waxaa qoray M.A Jaadal-mawlaa. Waxaa na soomaaliyeeyey A. F . C Idaajaa.
Lasaco qaybaha kale.
Soonqaad wanaagsan.
Negeeye Xirsi
Qaladdii lagu dhuftay reer Israa'iil Q-3aad.
Maalin maalmaha ka mid ah ayay eegeen dhanka Bari, markaas bay
halhaleel indhaha kagala soo noqdeen. Waxay arkeen habaas cirka isku
shareeray oo iftiinkii qoraxda qariyey. Habaaskaasi markii uu baaba'ayna
waxa ay indhaha ku dhufteen, abaanduulle dhiiran oo hogaaminaya col
sida cammuuddaas ah, oo wada geesiyaal ah, cid hor istaagi kartaana
aysan jirin. Kaasi waxa uu ahaa Boqor Buqta-Nasar oo iyaga Baabil kaga
soo duulay, i saga oo hoog iyo ba' la maagan. Cadhadii Eebbe oo la
soo diray iyo dhirifkiisii ayuun buu ahaaye, yaa in uu is-hortaago awood
u leh? Waxa ay iswayiiyeen "Toloow cadaabkii uu armiyaa nagu cabsiin
jiray ma kan baa?" iyaga oo wax malamalynaya ayuu Buqta-Nasar
magaaladii weerar ku soo qaaday. Isagoo aad moodid dugaag gaajo dubatay
oo hilba doon ah. Wax alla wixii uu ku soo baxay askaaxda ayuu ka
dhigay, dhismihii u muuqda waa dumiyey, magaaladii na cagta ayuu
mariyey. Baytul Maqdas isaga muxuu ku falay? Wuu xurmo tiray oo wuu
fadareeyey, daaqadihiisii ayuu daadiyey, Eebbe in lagu caabuda na intuu
diiday ayuu albaabbada iskugu dhuftay.
Qoladii reer Israa'iil na
waa duleeyey, oo gumeeyey. waxa uu ka dhigay mid uu dilo iyo mid uu
qafaasho. Dhulka ayuu ku firdhiyey, koox walbina horteeda ayay u
baynuuntay.
ضُرِبَتْ عَلَيْهِمُ الذِّلَّةُ أَيْنَ مَا ثُقِفُوا
إِلَّا بِحَبْلٍ مِنَ اللَّهِ وَحَبْلٍ مِنَ النَّاسِ وَبَاءُوا بِغَضَبٍ
مِنَ اللَّهِ وَضُرِبَتْ عَلَيْهِمُ الْمَسْكَنَةُ ۚ ذَٰلِكَ بِأَنَّهُمْ
كَانُوا يَكْفُرُونَ بِآيَاتِ اللَّهِ وَيَقْتُلُونَ الْأَنْبِيَاءَ
بِغَيْرِ حَقٍّ ۚ ذَٰلِكَ بِمَا عَصَوْا وَكَانُوا يَعْتَدُونَ.
Sannooyin idil ayaa dagaalkaas ka soo wareegay Buqta-Nasar na waa
geeriyooday. Boqortooyadii arlada Baabil waxa ay u gacan gashay Boqor
aan naxariistu qalbigiisa ka dhammaan, oo camal iyo caynaan samaa. Wuxuu
arkay reer Israa'iil oo gumaysi ba'an ku jira oo galab iyo subax nool
ba si foolxun loo gumaysanayo. Markaas buu yidhi "War kuwani maxay
ahaayeen?" waxaa loogu jawaabay "waa dirkii Yacquub waa na faracii uu
Daa'uud awoowaha u ahaa, waxay degi jireen SHAAM oo ah dhul biyo macaan
adiga aabbahaa ayaa gumaysi ku jirabay oo inta qabkoodii jabiyey,
karaamadii ka qaaday, duliga aad aragtana ku xukumay" erayadaas ayaa
Boqorkii beer-qaaday, dareenkiisii naxariista na dhaqaajiyey.
Markaasuu inta u yeedhay ku yidhi "isa soo urursada oo dhulkiinii ku laabta"
Maalintaas kadib dhulkoodii ayay ku laabteen, Eebbe mar kale ayuu u
barwaaqeeyey, wiil iyo waxad ba waa siiyey. Waxaa ku haboonayd in ay wax
ku qaataan wixii ay soo mareen oo nimcada la siiyey ku mahadnaqaan.
Hayewshee nafta xumida lagu daabacay ma wanaag bay u xuslin kartaa?
Sidee bayse u hagaagi karaan duul u Nabi Yuusuf wax yeeladiisa isku
garabsaday, kadib na Nabi Muuse dhibaateeyey? Xarkihii duliga markii
laga furayna waxa y ku noqdeen dulmigii ay nu kici jireen. Xumahaas
waxay ku jiraan ba waxa ay dhegta dhiigga u dareen Sakariye iyo Yaxye oo
ahaa laba Nabi oo naxariis badan. Waxaad moodaa in naftoodu dhiigga u
oomantahay ama iyaga iyo Nabiyada ay utuni u horaysay. Rabbina mar kale
ayuu ciqaabay waxaa na laga adeejiyey nin la odhan jiray JUUDAARIS.
kanina wax xil leh oo dhan ayuu ku falay, koox walibana meel ayay u
carartay. Taasna waxa ay ku mutaysteen dilka Rususha Eebbe iyo
caasinimadoodii ay caadada ka dhigteen.
لُعِنَ الَّذِينَ كَفَرُوا
مِنْ بَنِي إِسْرَائِيلَ عَلَىٰ لِسَانِ دَاوُودَ وَعِيسَى ابْنِ مَرْيَمَ
ۚ ذَٰلِكَ بِمَا عَصَوْا وَكَانُوا يَعْتَدُونَ.
Sheekooyinka Qur'aanka waxa qoray M. A. Jaadal-mawlaa. Soomaali waxa u rogey A. F. C Idaajaa.
Negeeye Xirsi
Qaladdii la gu dhuftay reer Israa'iil Q 2-aad.
Isagoo sii wata ayuu yee " si fiican ii dhegysta waxa aan idiin soo
jeedin doono, Eebbe waxa uu iigu waxyooday in aan idiin yeedho oo cadaab
ka Eebbe idiinka digo. Haddii aydin ka laaban aqoon daradan aad ku dhex
jirtaan, waxaa hubaal ah in Eebbe idinka adeejin doon Bidood xoog badan
iyo askaro wada tiiri miidhan ah oo laabahooda naxariistii ka
dhammaatay. Waxa uu idin ku Imtixaani
doonaa ciidamo idiin tudhin sida xoolaha na idin hogaansada. Guutooyin
macangag miidhan ah oo aqaladii na inta meel wal ka soo gala baabah ka
dhiga una roga berimo kharaab ah. Gaasas qalcadihiinna waaweyn
burburiya, beerihii na godod bahalo galeen ah u bedela. Wuxuu Eebbe
idinku saladi doonaa cadow idin ka adag oo Mawlacyada aad ku
cibaadaysataan burburiya, dumarkii na xalaashada, raggiinana mid la dilo
iyo mid la qafaasho ka yeela. Inta aan idin la talin karo waan idin la
taliyey, maanta kadib idin ka ayay idin jirtaa wadada aad qaadaysaan iyo
sidaad yeelaysaa."
Koodii
ugu da' weynnaa ayaa yidhi " War ma waxan baad noo soo kulmisay oo
dadkaan oo idil iskugu yeedhay? Been ayaad Eebbe ka sheegtay, farriin
aan isaga ka imanna waad ka warisay. Illaahii annaga uunkiisa naga dhex
doortay, ee Kitaabkiisa na gudoonsiiyey, sidee buu boqortooyadayada u
baabi'inayaa, ugu na saladiyaa gaallo dabka caabbudda?. Waxa aadan ogayn
ayaad ku sheekaynasaa waxa aad na ku socotaa wax aan jirin iyo mala
awaal!." Nabi Armiyaa waxa uu ku jawaabay " Ciidankaas gaalada ahi waa
mid uu Eebbe idinku cadaabayo oo sida daadadka iyo daacuun ka wax walba
cagta mariya. Maxay ku kala duwanyihiin in la idinku salido aafo huf
idinka dhigta iyo in la idinka adkaysiiyo boqor ma nexe ah oo idin
dulaysta? Eebbe ayaa markhaati u ah in aan taladii samayd idin kula
taliyey beenna idinku maaweelin. Naftii na u tashada, aayihiiina na ka
fiirsada".
Markaas ayay dheheen " Murankaagii ayaa nagu batay,
waxaad moodaa dulqaadkayagii badnaa in aad ku sirantay, dabadeed na
warar aan la aqoon aad nagula dhiiratay. Waxa keliya ee aad naga
mudantahay waa in aan gacmaha iyo lugaha silsilado kaaga jabinno, xabsi
mugdi badanna kugu tuurno, ama aannu meel fogaan badan kuu masaafurino.
Waagu markii uu baryeyna Nabi Armiyaa waxa uu ku dhex jiray Xabsi,
isagoo silsiladaysan oo aan dhinac na u nuuxsan Karin.
Sheekooyinka Qur'aanka waxa qoray M. A. Jaadal-mawlaa. Waxaa na soomaaliyeeyey A. F. C Idaajaa.
Lasoco qaybaha kale.
Soonqaad suubban
Sheekooyinka dadkii hore dhug aynnu u yeelanno.
Negeeye Xirsi
Qalladdii uu Eebbe reer Israa'iil ku dhuftay!
Fasahaadkii ayaa reer Israa'iil ku dhex faafay waxaynna ku fogaadeen
diidmada xaqa iyo tubta baadinimada. Xadhiggii amaanka ayaa kala go'ay,
naxariistii ayaa laabbohooda ka maydhantay, Nebiyadiina waa ay
quudhsadeen. Xaqii Eebbe ayay culimadoodii dafirtay, madaxdoodii na
Rasuuladii loo soo diray ayay beeniyeen. Kitaabkiisa ayay Eebbe weyne
tuureen, markaad ayay cadaabkiisa ka
mutaysteen. Hayeeshee, Eebbe weyne kor ahaaye, ka cadaallad badan qolo
in uu cadaabkiisa ku rido, isagoon u soo dirin mid xumida uga diga oo
tubta toosan ku hagga. Armiyaa waxa uu ahaa Nebi nabiyadoodii ka mid ah,
oo iyaga ka dhashay. Intuu dhex istaago ayuu erayda xaqa ah ugu yeedhi
jiray, farriinta Eebba na si aan leexleex lahayn ugu gudbin jiray.
Wuxuu ku odhan jiray " Toloow, Ilma adeerayaaloow, fasahaadkiinii wuu
batay, cuduradiiniinna way fideen, Rabbigiinna wuu idiin cadhooday!.
Kitaabkii Eebbe waad iska tuurteen, xaqii uu idinku lahaana waad
dafirteen. Siduu idiin barwaaqeeyey waad ogtihiin, dheeraadka uu idinku
bantookhay na idin kama qarsoona. Dhulkiisii ayuu idiin gacan galiyey,
uunkiisa kale na wuu idin ka saraysiiyey. Shalaydii dhawayd waxaa dhacay
arrimo aad wax ku qaadan kartaan, oo idin tusi kara naxariista uu Eebbe
idin ku galaday iyo abaal uu idin gashaday. Waad ohtihiin boqor
Sinxaarib oo ciidan iyo hub wixii uu lahaa wataa in uu Baabil idiin kaga
soo duulay. In uu ku tashanaa dadkii na in uu gacata ku dhigo
guriyihiinana idin kala wareeggo. Maalintaas hadduu qorshihiisu fuli
lahaa wuu idin madhin lahaa, baabahna wuu idin ka dhigi lahaa. Balse
Eebbe ayaa Nabigiinnii Shacyaa dartiis idiin ku naxariistay baryadiisii
na ka aqbalay. Waa tii ducsdiisii la aqbalay cadwiigiiniina la jabiyey
cashi iyo cudur na lagu saliday, ciidamadoodii na taratarab u le'deen.
Waad ogtihiin wixii aad Shacaa ku fasheen iyo sidaad u gadheen. Haddii
uu dhex joogi lahaa qollo kale oo abaal ka la gashado wuxuu waligiis iyo
waaqiis ahaan lahaa, nin la maamuuso oo wax Alla wixii uu yidhaado la
maqlo. Hayeeshee waxa aad tihiin duul abaal dhaca caado ka dhigtay oo
duntoodu ay liidato. Nabi shacyaa sixun baad u gasheen, garabkiisa ayaad
ka baxdeen, dabadeed na intaad u badheedheen ayaad gawracdeen, sidaas
na ku disheen. Dhiiggiisii daahirka ahaa ayaad daadiseen, naftiisii
wanaagsanayd na bir ayaad u quudheen.....
Sheekooyin ka Qur'aan ka waxa qoray M. A. Jaadal-mawlaa. Waxaa na soomaliyeeyey A. F. C. Idaajaa.
-Soonqaad suubban.
-Lasoco qaybaha kale.
Aynnu wax ku qaadanno sheekooyin ka Qur'aan ka.
Negeeye Xirsi
Sheekadii Cusayr qaybtii 3-aad "Sheeko asraar badani ku dhex duugantahay"
Dameerkiisii intuu fuulay ayuu qaaday dhabadii uu gurigiisa u qaadi
lahaa. Waxa uu arkay guryihii oo isbedelay, dib ayuu xasuus u galay.
Waxa uu u ekaa nin soo garwaaqsanaya riyooyin uu waa hore ku riyooday
dhacdoiyinkii ku jiray. Waxa uu wax soo bidhaansada ba waxa uu soo dul
joogsaday aqalkiisii, mise waxa joogta habar gabowday oo tamartii ku
daba yartahay. Ha jilicsanaatee wali naf baa ku jirta waanna indho
la'dahay. Waxay ahayd gabadh adoon u ahayd oo waaggii ugu dambaysay
dhalinyaranimo iyo qurux ba uu ku ogaa. Wuxuu ku yidhi "kani aqalkii
Cusayr ma yahay?!" waxay ku jawaabtay "Haa!" dabadeed na hadalkii baa ku
xidhmay, waxaanna soo dhaaftay ilmo badan oo ay ceshan wayday. Waxay
tidhi "Cusayr waa tagay, dadkii na waa iska illaaween, muddo dheer na ma
arag cid iswaydiinasa amaba soo qaadaysa" wuxuu yidhi " Anigu Cusayr
baan ahay! Boqol sanno ayuu Eebbe i mootamaysiiyey, haddana isagaa
nolosha igu soo celiyey ifkana ii soo bixiyey!"
Habartii ayaa
kolkaa aragagaxday kolkaa na tidhi " Cusayr waxa uu ahaa nin suubban,
ducadiisana la aqbalo, wax walba hadduu Eebbe ka baryo waa la siin
jiray, ruux xanuusan hadduu Eebbe u baryana wuu ladnaan jiray. Haddaba
haddaad Cusayr tahay; Eebbe iiga bari in uu aragaygii ii soo celiyo ina
caafiyo" markaas ayuu Eebbe u baryey, dabadeed na si degdeg ah ayay u
caafimaadday, arageediinna ugu soo noqday. Labadiisii lugood iyo
labadiisii gacmood ayay dhunkasho ku boobtay, isla markiiba waxa ay ku
oraday reer Israa'iil oo kuwo uu dhalay iyo kuwo uu awoowe u yahay oo
boqol jirro iyo konton jirro miidhan ku jiraan. Waxaa kale oo ka mid ah
qaar ay isku da' ahaayeen oo haatan gabowgii jilciyey. Intay qaylisay
bay tidhi " ninkii Cusayr ee boqol sanno ka hor idiinku dambaysay ayaa
dib loo soo nooleeyey, isagoo dhalinyaro ah, qurux iyo caafimaad na la
taxaashinaya". Wax yar kadibba waxa la soo istaagay Cusayr oo siwacan u
labisan, wax ka maqan iyo wax lagu saluugana aan lahayn.
Way
garanwaayeen in uu been u sheegayna way u maleeyeen. Waxay go'aansadeen
in ay ka sal gaadhaan. Wiilashiisii mid ka mid ah ayaa yidhi " Garabka
korkiisa ayuu aabbahay bar ku lahaa ee ma leedahay?" inta uu maradii
iska fayday ayuu yidhi " Haa! Bartaasi waa igu taal" waynna ku arkeen
astaantii ay carruurtiisu ku tiqiin. Intaa kuma hadhin e waxay
go'aansadeen in aysiwacan shakiga iskaga saaraan. Oday waayeel ah baa
yidhi "waxaannu sheeko ku maqalnay, tan iyo waaggii uu Boqor Buqta-Nasar
ku soo duulay baytal Maqdas ee kitaabka Tawreedda uu gubay in koox yar
oo Cusayr ku jiray mooyee in kitaabkaa cid kale oo xifdisani aaanay
adduunka ku hadhin. Haddaba haddaad Cusayr tahay bal noo akhri wixii aad
kitaabkaas ka qayb santahay". Markaasuu akhriyey isagoo aanan Aayad
gefin, qayb ka tagin, eray na ka dhaafin!. Markaas bay gacan qaadeen
iyagoo rumaystay waliba u hanbalyanaya. Hayeeshee waxay ahaayeen duul
nasiib daran oo aan dhacdadaas wax iimaan ah ka kororsan, gaalnimo hor
lehna way qaadeen, Cusayr na wiilkii Iillaahay ayay ba ku sheegeen!!.
وَقَالَتِ الْيَهُودُ عُزَيْرٌ ابْنُ اللَّهِ وَقَالَتِ النَّصَارَى
الْمَسِيحُ ابْنُ اللَّهِ ۖ ذَٰلِكَ قَوْلُهُمْ بِأَفْوَاهِهِمْ ۖ
يُضَاهِئُونَ قَوْلَ الَّذِينَ كَفَرُوا مِنْ قَبْلُ ۚ قَاتَلَهُمُ اللَّهُ
ۚ أَنَّىٰ يُؤْفَكُونَ.
Sheekooyin ka Qur'aan ka waxaa qoray M. A. Jaadal-mawlaa. Waxaana soomaaliyey A. F. C Idaajaa.
Aynnu wax ku qaadanno Qiyoosinka Qur'aanka.
Soonqaad suubban. La soco qaybaha kale
Negeeye Xirsi
Sheekadii Cusayr qaybtii 2-aad "sheeko asraar badani ku dhex duugantahay".
Malag Eebbe soo diray ayaa u yimi, kolkaasuu ku yidhi "Imisa ayaad u
malayn Cusayroow in aad huruday" isagoo wax badan aan ka fakarin ayuu
yidhi "Maalin ama maalin galinkeed!". Malaggii ayaa kolkaa yidhi "Mayee
boqol sanno ayaad meeshan huruday, oo roobku shuux iyo karar ba kugu dul
gabdhamaayey, dabayluhuna kolba dhinac kuu dhaafayeen, sidaas oo ay
tahaynna cuntadaadii waa sideedii oo
waxba iskama ay bedelin, biyahaagiina ma doorsoomin. Midda kale bal eeg
dameerkaagii oo bakhti ah lafihiisii na midiba meel taalllo, sida uu
Eebbe iskugu keeni doonno, ee uu nafta u galin doonno una noolayn
doonno. Waxa uu Eebbe sidaas u yeellayaa; arimaha uunka iyo soo bixinta
dadka maalinta Qiyaame in aad adigu horta si kama dambays ah u
yaqiinsato, dadkana lagaagga dhigo astaan ay mugdiga shakiga kaga
baxaan, iimaankuna uu ku gallo".
Cusayr ayaa kolka hareerrihiisa eegay, mise waa dameerkiisii oo ay ku
idil yihiin dhammaan astaamihii uu ku yaqaanay. Waa dameerkiisii oo
afartiisii qoob ku taagan. Markaas buu qiray in uu ogyahay Rabbi in uu
wax walba awood u leeyahay.
أَوْ كَالَّذِي مَرَّ عَلَىٰ قَرْيَةٍ
وَهِيَ خَاوِيَةٌ عَلَىٰ عُرُوشِهَا قَالَ أَنَّىٰ يُحْيِي هَٰذِهِ
اللَّهُ بَعْدَ مَوْتِهَا ۖ فَأَمَاتَهُ اللَّهُ مِائَةَ عَامٍ ثُمَّ
بَعَثَهُ ۖ قَالَ كَمْ لَبِثْتَ ۖ قَالَ لَبِثْتُ يَوْمًا أَوْ بَعْضَ
يَوْمٍ ۖ قَالَ بَلْ لَبِثْتَ مِائَةَ عَامٍ فَانْظُرْ إِلَىٰ طَعَامِكَ
وَشَرَابِكَ لَمْ يَتَسَنَّهْ ۖ وَانْظُرْ إِلَىٰ حِمَارِكَ وَلِنَجْعَلَكَ
آيَةً لِلنَّاسِ ۖ وَانْظُرْ إِلَى الْعِظَامِ كَيْفَ نُنْشِزُهَا ثُمَّ
نَكْسُوهَا لَحْمًا ۚ فَلَمَّا تَبَيَّنَ لَهُ قَالَ أَعْلَمُ أَنَّ
اللَّهَ عَلَىٰ كُلِّ شَيْءٍ قَدِيرٌ.
Sheekooyinka Qur'aanka waxa qoray M. A. Jaadal-mawlaa. Waxaanna u rogey soomaali A. F. C. Idaajaa. Lasaco qaybaha kale.
Soonqaad suubban, Ramadan wanaagsan.
Aynnu wax ku qaadanno sheekooyin ka kuwii ina ka horeeyey.
Negeeye Xirsi
Waa sheekadii Cusayr "sheeko mudan qof kasta in uu ogaado".
Maalin maalmaha ka mid ah ayuu dhex galay beertii uu lahaa, waxa ay
ahayd beer uu cagaarku kor iyo hoos ba isqabsaday. Beer ay geedeheeddu
wada hadhac noqdeen oo aan kulaylka cadceeddu ka soo gudbi karin. Beer
si xoog leh u midho bixisay oo jaadad ka shimbiruhu ka dhex heesayaan.
In cabbaar ah ayuu quruxdaa isha la raacayey. Dabadeed midho timir iyo
canab u badan intuu beertii ka gurtay oo
labo kolay ka buuxsaday, xoogaa kimis ah na meel ku guntaday, ayuu
dameerkiisii fuulay oo xaggaa iyo aqalkii uu degenaa afka saaray. Sirta
abbuur ka iyo jiritaanka siduu uga fakarayey ayuu habaabay, oo tubtii
hagaagsanayd ee uu qaadi lahaa ka il-duufay. Garjahooyinkii ayaa iskaga
darsamay Bari iyo Galbeed na wuu kala garan waayey. Isagoo xaaladdaas ku
jira ayuu ku soo baxay magaallo burburtay oo digada noqotay. Magaallo
la cidleeyey oo baaba' xumi ka muuqdo, meydka iyo lafaha dadkuna meel
kasta wadhanyihiin.
Dameerkii ayuu ka degey, labadii kolayna inta dhulka ka soo dhigay ayuu
dhiniciisa dhigtay. Dameerkiisii intuu meel ku xirtay ayuu darmbi ku
tiirsaday, si uu u soo ceshado xooggii iyo awooddii fakarkiisa.
Dabadeedna meeshii baa u macaanaatay waxa uuna ku raaxaystay neecawdii
macaanayd ee wajiga ka salaaxasay. Waxa uu si qoto-dheer uga fakaray;
maydkan hortiisa daadsan iyo sida inta mar dambe naf loo galiyo loo soo
saari doono. Fakarka caynkaas ah siduu ugu maqnaa ayuu indhaha isku
qabsaday, lugihiina dhulka ku fidsaday, hurdo dheer ayuu galay, hurdo
aad mooddo in uu dadka qabuuraha kaga mid noqday. Boqol sanno ayaa
maalintaa ka soo wareegtay, dadyoow badan ayaa dunida ka tirtirmay,
dhalaankiina waa gaboobeen, qalcado badanina dukumdaakum ayay noqdeen.
Intaasna Cusayr halkiisii buu gorofsanaa, isagoo ah lafo kala daatay
iyo ooggo aan ruux ku jirin. Dabadeed waxa la gaadhay wakhtigii daboolka
laga qaadi lahaa xigmaddii uu Eebbe weyne ka lahaa sheekada Cusayr.
Waxa la gaadhay wakhtigii uu dadka ku kala saari lahaa arrin ay ku
wareerreen oo in ay rumaystaan ba ku adkaatay. Lafihiisii baaba'ay ayaa
dib la iskugu keenay, qof dhan oo aan kala dhantaalaynna waa laga
dhigay. Mise waa Cusayroo aad moodid in uu hadda hurdadii ka toosay, oo
dameerkiisii daydayanaaya, cuntadiisii iyo cabitaankiisiina agtiisa ka
goobanaaya. ..
Sheekooyinka Qur'aanka waxa qoray M. A. Jaadal-mawlaa waxaana soomaaliyeeyey A. F. C. Idaajaa. Lasoco qaybaha kale.
Soonqaad suubban Ramadaan wanaagsan
Negeeye Xirsi
Walaallihii ay beertu ka dhaxaysay.
Odaygii ayaa kol kale la hadlay wiilshiisii oo ku yidhi "Nimanyahow
waad aragtaan aniga madaxii siduu boosh cad ii noqday, shakina iigama
jiro la kulanka Eebbe in wax badani iiga hadhay. Idinka ayay idiin
taallaa geeridayda kadib sida aad ka yeeli lahaydeen maalkan".
Dharaartaa kadib duqii laxaw iyo xanuun aan kala go' lahayn ayaa la soo
darsay, sitimaanno kadibna waaba dhintay. Waa ay tashadeen waxa aynna
go'aan ku gaadheen beertan in aysan cid dambe wax ka siin hadhuub na u
darin. Iyaga oo tashanaya ayaa kii dhanka wanaagga aabbihii ugu dhawaa
waxa uu ku yidhi "Nimanyahow waxa aan idin kula talin lahaa beertan in
aad wax ka sii saan saboolka, haddii aad qadisaan soo ma dhici karto
inta ay is abaabbulaan in ay kacaan aan la mahadin oo dhiig ku daato
idinku soo qaadaan?" taladaas dheg jalaq uma ay siin ee waxa ay ku
dheheen "xoolo aadan lahayn waxba ha ku daalin ka talin tooda" kolkaasuu
ku yidhi "haddaad diideen taas waxa aan idin leeyahay; Salaadda tukada,
iyadaa ka reebta dadka xumaanta, laabtana fiyoobi galisee". Taladaas
danbana dhego awdan ayay ku dhscday. Waxayna ku ibatireen gartii intaan
danlaydu goglohooda ka soo toosin ee aan nin iyo geed la kala garan in
ay soo goostaan midhihii dhugcay ee beertooda.
إِنَّا بَلَوْنَاهُمْ كَمَا بَلَوْنَا أَصْحَابَ الْجَنَّةِ إِذْ أَقْسَمُوا لَيَصْرِمُنَّهَا مُصْبِحِينَ
وَلَا يَسْتَثْنُونَ
فَطَافَ عَلَيْهَا طَائِفٌ مِنْ رَبِّكَ وَهُمْ نَائِمُونَ
فَأَصْبَحَتْ كَالصَّرِيمِ
فَتَنَادَوْا مُصْبِحِينَ
أَنِ اغْدُوا عَلَىٰ حَرْثِكُمْ إِنْ كُنْتُمْ صَارِمِينَ
فَانْطَلَقُوا وَهُمْ يَتَخَافَتُونَ
أَنْ لَا يَدْخُلَنَّهَا الْيَوْمَ عَلَيْكُمْ مِسْكِينٌ
Hayeeshee Eebbe weyne waa uu ogaa tashigoodii guracnaa, ee ay ku
gaadheen in saboolka iyo danlayda irdaha ka ootaan. Sidaas darteed baa
loogu diray belaayo beertooda jirdaha u siibta, midhahana ka qalajisa,
caleemeheeda na dabaysha raacisa.Waagii ayaa walaallihii ugu baryey
heerarkii beerta iyagoo waxba garanla' waxay iiswaydiinayaan war toloow
tani beertayadii ma tahay? Ma tahay tii aannu shalay ka caroownay iyadoo
midho la tiicaysa, quruxna aan indhhaha loo dhammayn karin? Na lama aha
tani in ay beertaydii taha, shakina kuma jiro in aan soo haboownay!.
Maraas ayaa wiilkii ugu wanagsanaa yidhi " maya'e waa beertiinnii oo la
idinka hoojoyey inta aydin idinku saboolka hoojin, waxa la idinku abaal
mariyey muudal kasta oo dhabcaal ahi abaalkuu mudan lahaa".
Markaas
ayay dambigoodii qirteen waa ay is haaraameen oo midba mid eedeeyey,
kolkaas ayay Eebbe weyne kor ahaaye baryeen oo ka fisheen beertoodii wax
ka Khayr roon in uu ugu bedelo!.
وَغَدَوْا عَلَىٰ حَرْدٍ قَادِرِين.
فَلَمَّا رَأَوْهَا قَالُوا إِنَّا لَضَالُّونَ
بَلْ نَحْنُ مَحْرُومُونَ
قَالَ أَوْسَطُهُمْ أَلَمْ أَقُلْ لَكُمْ لَوْلَا تُسَبِّحُونَ
قَالُوا سُبْحَانَ رَبِّنَا إِنَّا كُنَّا ظَالِمِينَ.
فَأَقْبَلَ بَعْضُهُمْ عَلَىٰ بَعْضٍ يَتَلَاوَمُونَ.
قَالُوا يَا وَيْلَنَا إِنَّا كُنَّا طَاغِينَ.
عَسَىٰ رَبُّنَا أَنْ يُبْدِلَنَا خَيْرًا مِنْهَا إِنَّا إِلَىٰ رَبِّنَا رَاغِبُونَ
كَذَٰلِكَ الْعَذَابُ ۖ وَلَعَذَابُ الْآخِرَةِ أَكْبَرُ ۚ لَوْ كَانُوا يَعْلَمُونَ
Negeeye Xirsi
Walaalihii ay beertu ka dhaxaysay
Waagii ayaa baryey, neecawdiisii qaboobayd ee macaanayd ayaa dunida
taabatay. Waxa meeshii uu xalay seexday ka soo kacay oday neef-tuuraya
oo ay talaabadu dhib ku tahay. Giyaashii uu noolaa ayaa dhabarkii soo
goday, intii aan qoraxdu dhab u soo bixinna waxa uu taagnaa irridda
beertii ku lahaa tuulada Darawaan. Beerta duqu waxa ay ahayd tu la yaab
leh, oo lagu sheekaysto. Waxa ay ahayd tu midho badan
ubaxunna geedeheeda qariyey, biyuhuna dhexdeeda qulqulayaan. Afarteeda
dhinacna waxaa sariiraa dhir midho iyo qudaar nooc waliba buuxisay.
Saytuun, Canab, Timir iyo wax walba oo dhadhan iyo dhereg ba nafta ugu
roon. Waxa ay ahayd beer ishu ku degto, laabtuna ku nasato. Barqadii
ayay hooskeeda ku laamadoodi jireen. Galbihiina meel ay ku sheekaystaan
ayay u ahayd. Duqii ayaa wadiiqooyinkeeda dhex saqaafiyey, ubaxa
caraftiisa ayuu sanka la raacay, heesaha shinbirahana wuu ku raaxaystay.
Dabadeed inta dhex fadhiistay beertii ayuu ku tukaday, sujuud na la
dhacay. Isagoo Eebbe uga mahad-celinaya barwaaqada uu ku galladay, kana
badbaadiyo kibirka iyo qooqa ay hodantooyada isku mataansanyihiin.
Sidaas ayaa caado u ahayd maalin walba.
Soo go'idda beerta markii la gaadho ayuu shaqaalaha u yeedhi jiray
iyana waa ay soo guri jireen. Masaakiinta ayuu qayb weyn ka siin jiray.
Mid uu faraqa u buuxiyo, mid uu jawaankiisa ugu shubo iyo mid uu weelka
uu sito uga milaallaba. Wiilashiisii ayay arrintaasi u cuntami wayday,
waxaynna u arkeen iyaga iyo danlaydu in ay beerta u simanyihiin,
haddiiba aan masaakiintu uga sed roonayn ugana sokayn. Mid ka mid ah
wiilashii ayaa ku yidhi "Aabboow dadkan xoolaha siinaysid ka jooji,
maxaa yeelay waa xoolahayagii" mid kale ayaa yidhi " Aabboow sidan
haddaad wax ku waddo, dhogor xoolaad iyo geed-midhood toonn kaa dhaxli
maynno, waxaanuna noqon gadaashaa kuwo sabool ah oo dadka barya". Mid
saddexaad ayaa hadalkii u holoday se odaygii baa amuusiyey kuna yidhi "
waraaydha! Waxaad iila egtihiin niman habowsan. Waa maxay beerta aad
sheegaysaan? Xaggeese katimi? Beertan aad aragtaan waa hanti Eebbe.
Waxaana la ii siiyey sida ugu wacan in aan u bixiyo. Waxaana wax ku leh
saboolka, danlayda, kub-ku-boodhlaha iyo shimbiraha. Wixii soo hadha
ayaynnu inaku wada leenahay. Teer iyo dhalinyaranimadaydii sidaas ayuu
dhaqankaygu ahaa, waana sida maalku ku barakoobo. Kolka ma dhici kartaa
maanta oo aan duq waayeel ah noqday in aan taladiina yeelo?"
Sheekooyinka Qur'aanka waxaa qoray M. A Jaadal-mawlaa waxaana soomaaliyey A. F. C. Idaajaa.
Lasoco qaybaha kale! soonqaad suuban.
Negeeye Xirsi
Ilma Aadan {qaybtii ugu dambaysay}
Iftiinkii nolosha ayaa bakhtiyey, dhiiggii ayaa oogadii Haabiil ku
qaboobay, noloshii ayay na isa sagootiyeen. Wuxuu ka maqnaaday meelihii
ay aabbihii isku arki jireen. Nabi Aadan ayaa kolkaa murugooday, meel
walba ayuu ku dhacay si uu raq iyo ruux Haabiil u soo helo. Markaas ayuu
Qaabiil waydiiyey bal in uu walaalkii meel ku sheego, waxa uu ugu
jawaabay hadallo fudadayd iyo xurmo darro ka muuqato waxa
uuna yidhi "ma ogi, saa aniga xilla igama saarnayn ilaaliyihiisana ma
ahayn e". Hayeeshee Aadan wuu gartay in wiilkiisii la dilay, wuuna iska
aamusay. Isagoo waliba qaba xanuunka uu la taaho aabbe kasta oo
curadkiisii ciidda afka loo galiyey, isaga waxa u dheeraa xanuun kale;
labadiisii gacmood ayay midi middii kale dishay!. Waxa uu Haabiil noaday
ruuxii ugu horeeyey ee dhulka dushiisa lagu dilo, sidaas darteedna
Qaabiil wuxuu garan waaayey siduu u asturi lahaa.
Saab ayuu inta ku dhexriday xanbaartay. Wareer ayaa ku dhacay, laabta
ayaa gubatay, nacayb iyo jacaylka walaal-tooyo ayaa dareenka naftiisa ku
dhex dagaalamay. Jiifkii ayuu qaban waayey hoog, ceeb, iyo ba' ayuu la
dhul dhici waayey. Muddo dabadeed maydkii ayaa soo uray, qaabil na intuu
ku dhibtooday ayuu maydkii sidi waayey. Wax uu yeelo iyo meel uu wax ka
qabto ayuu garan waayey. Halkan marka ay arrintu marayso waxa khasab
ahayd, in naxariista Eebbe soo degto. Si loo dhawro maamuuska uu
maydkaas daahirka ahi leeyeyhay iyo si loo sameeyo xeerar ay dadku
markaas oo kale ku dhaqmaan sharafta Aadan iyo dadkisana loo joogteeyo.
Sidoo kale waxa khasab ahayd cashar adag in la siiyo
gacan-ku-dhiiglahaa nacaybka iyo xasadku naftiisa buuxiyey. Qof ahaan
isagu waxyi Eebbe ma mudna, waa in uu Tuke arday u noqdaa, waa in ay
aqoontiisu ka yaraataa aqoonta shimbirkaas madoow ee aan cidina
maamuusin. Casharkaas adag kadib, waa in noloshiisu halkaa ku
dhammaataa, cadaab daranna uu maraa. Waxa uu Eebbe soo diray labo tuko,
way isdirireen, mid baa kii kale dilay. Kii wax dilay ayaa gafuurkiisa
god ku qoday oo ku aasay kuu dilay. Qaabiil ayaa kolka iska baroortay
murugadii ayaa ka yeedhsiisay "Hoogey oo ba'ay! Ma waxa tuke gartay baan
garan waayey, oo maydka walaalkay sidiisoo kale u asturi waayey?".!
فَبَعَثَ اللَّهُ غُرَابًا يَبْحَثُ فِي الْأَرْضِ لِيُرِيَهُ كَيْفَ
يُوَارِي سَوْءَةَ أَخِيهِ ۚ قَالَ يَا وَيْلَتَا أَعَجَزْتُ أَنْ أَكُونَ
مِثْلَ هَٰذَا الْغُرَابِ فَأُوَارِيَ سَوْءَةَ أَخِي ۖ فَأَصْبَحَ مِنَ
النَّادِمِينَ.
Sheekooyinka Qur'aanka waxaa qoray M. A. Jaadal-mawlaa. Oo Masri ah.
Waxaana soomaaliyeeyey A. F. C Idaajaa.
Lasaco qaybaha kale.
Soonqaad wanaagsan
Negeeye Xirsi