Saturday, 9 June 2018

Taxanaha Ramadaanka: Sheekadii 7-aad (Sheekooyin ka Qur'aan ka).


Sheekadii Cusayr qaybtii 2-aad "sheeko asraar badani ku dhex duugantahay".


Malag Eebbe soo diray ayaa u yimi, kolkaasuu ku yidhi "Imisa ayaad u malayn Cusayroow in aad huruday" isagoo wax badan aan ka fakarin ayuu yidhi "Maalin ama maalin galinkeed!". Malaggii ayaa kolkaa yidhi "Mayee boqol sanno ayaad meeshan huruday, oo roobku shuux iyo karar ba kugu dul gabdhamaayey, dabayluhuna kolba dhinac kuu dhaafayeen, sidaas oo ay tahaynna cuntadaadii waa sideedii oo waxba iskama ay bedelin, biyahaagiina ma doorsoomin. Midda kale bal eeg dameerkaagii oo bakhti ah lafihiisii na midiba meel taalllo, sida uu Eebbe iskugu keeni doonno, ee uu nafta u galin doonno una noolayn doonno. Waxa uu Eebbe sidaas u yeellayaa; arimaha uunka iyo soo bixinta dadka maalinta Qiyaame in aad adigu horta si kama dambays ah u yaqiinsato, dadkana lagaagga dhigo astaan ay mugdiga shakiga kaga baxaan, iimaankuna uu ku gallo".
Cusayr ayaa kolka hareerrihiisa eegay, mise waa dameerkiisii oo ay ku idil yihiin dhammaan astaamihii uu ku yaqaanay. Waa dameerkiisii oo afartiisii qoob ku taagan. Markaas buu qiray in uu ogyahay Rabbi in uu wax walba awood u leeyahay. 

أَوْ كَالَّذِي مَرَّ عَلَىٰ قَرْيَةٍ وَهِيَ خَاوِيَةٌ عَلَىٰ عُرُوشِهَا قَالَ أَنَّىٰ يُحْيِي هَٰذِهِ اللَّهُ بَعْدَ مَوْتِهَا ۖ فَأَمَاتَهُ اللَّهُ مِائَةَ عَامٍ ثُمَّ بَعَثَهُ ۖ قَالَ كَمْ لَبِثْتَ ۖ قَالَ لَبِثْتُ يَوْمًا أَوْ بَعْضَ يَوْمٍ ۖ قَالَ بَلْ لَبِثْتَ مِائَةَ عَامٍ فَانْظُرْ إِلَىٰ طَعَامِكَ وَشَرَابِكَ لَمْ يَتَسَنَّهْ ۖ وَانْظُرْ إِلَىٰ حِمَارِكَ وَلِنَجْعَلَكَ آيَةً لِلنَّاسِ ۖ وَانْظُرْ إِلَى الْعِظَامِ كَيْفَ نُنْشِزُهَا ثُمَّ نَكْسُوهَا لَحْمًا ۚ فَلَمَّا تَبَيَّنَ لَهُ قَالَ أَعْلَمُ أَنَّ اللَّهَ عَلَىٰ كُلِّ شَيْءٍ قَدِيرٌ.
 

Sheekooyinka Qur'aanka waxa qoray M. A. Jaadal-mawlaa. Waxaanna u rogey soomaali A. F. C. Idaajaa. Lasaco qaybaha kale.

Soonqaad suubban, Ramadan wanaagsan.


Aynnu wax ku qaadanno sheekooyin ka kuwii ina ka horeeyey.

Negeeye Xirsi

Taxanaha Ramadaanka: Sheekadii 6-aad (sheekooyin ka Qur'aanka).


Waa sheekadii Cusayr "sheeko mudan qof kasta in uu ogaado".

Maalin maalmaha ka mid ah ayuu dhex galay beertii uu lahaa, waxa ay ahayd beer uu cagaarku kor iyo hoos ba isqabsaday. Beer ay geedeheeddu wada hadhac noqdeen oo aan kulaylka cadceeddu ka soo gudbi karin. Beer si xoog leh u midho bixisay oo jaadad ka shimbiruhu ka dhex heesayaan. In cabbaar ah ayuu quruxdaa isha la raacayey. Dabadeed midho timir iyo canab u badan intuu beertii ka gurtay oo labo kolay ka buuxsaday, xoogaa kimis ah na meel ku guntaday, ayuu dameerkiisii fuulay oo xaggaa iyo aqalkii uu degenaa afka saaray. Sirta abbuur ka iyo jiritaanka siduu uga fakarayey ayuu habaabay, oo tubtii hagaagsanayd ee uu qaadi lahaa ka il-duufay. Garjahooyinkii ayaa iskaga darsamay Bari iyo Galbeed na wuu kala garan waayey. Isagoo xaaladdaas ku jira ayuu ku soo baxay magaallo burburtay oo digada noqotay. Magaallo la cidleeyey oo baaba' xumi ka muuqdo, meydka iyo lafaha dadkuna meel kasta wadhanyihiin.

Dameerkii ayuu ka degey, labadii kolayna inta dhulka ka soo dhigay ayuu dhiniciisa dhigtay. Dameerkiisii intuu meel ku xirtay ayuu darmbi ku tiirsaday, si uu u soo ceshado xooggii iyo awooddii fakarkiisa. Dabadeedna meeshii baa u macaanaatay waxa uuna ku raaxaystay neecawdii macaanayd ee wajiga ka salaaxasay. Waxa uu si qoto-dheer uga fakaray; maydkan hortiisa daadsan iyo sida inta mar dambe naf loo galiyo loo soo saari doono. Fakarka caynkaas ah siduu ugu maqnaa ayuu indhaha isku qabsaday, lugihiina dhulka ku fidsaday, hurdo dheer ayuu galay, hurdo aad mooddo in uu dadka qabuuraha kaga mid noqday. Boqol sanno ayaa maalintaa ka soo wareegtay, dadyoow badan ayaa dunida ka tirtirmay, dhalaankiina waa gaboobeen, qalcado badanina dukumdaakum ayay noqdeen.
Intaasna Cusayr halkiisii buu gorofsanaa, isagoo ah lafo kala daatay iyo ooggo aan ruux ku jirin. Dabadeed waxa la gaadhay wakhtigii daboolka laga qaadi lahaa xigmaddii uu Eebbe weyne ka lahaa sheekada Cusayr. Waxa la gaadhay wakhtigii uu dadka ku kala saari lahaa arrin ay ku wareerreen oo in ay rumaystaan ba ku adkaatay. Lafihiisii baaba'ay ayaa dib la iskugu keenay, qof dhan oo aan kala dhantaalaynna waa laga dhigay. Mise waa Cusayroo aad moodid in uu hadda hurdadii ka toosay, oo dameerkiisii daydayanaaya, cuntadiisii iyo cabitaankiisiina agtiisa ka goobanaaya. ..

Sheekooyinka Qur'aanka waxa qoray M. A. Jaadal-mawlaa waxaana soomaaliyeeyey A. F. C. Idaajaa. Lasoco qaybaha kale.

Soonqaad suubban Ramadaan wanaagsan

Negeeye Xirsi

Taxanaha bisha Ramadaan: Sheekadii 5-aad (sheekooyinka Qur'aanka).


Walaallihii ay beertu ka dhaxaysay.

Odaygii ayaa kol kale la hadlay wiilshiisii oo ku yidhi "Nimanyahow waad aragtaan aniga madaxii siduu boosh cad ii noqday, shakina iigama jiro la kulanka Eebbe in wax badani iiga hadhay. Idinka ayay idiin taallaa geeridayda kadib sida aad ka yeeli lahaydeen maalkan".
Dharaartaa kadib duqii laxaw iyo xanuun aan kala go' lahayn ayaa la soo darsay, sitimaanno kadibna waaba dhintay. Waa ay tashadeen waxa aynna go'aan ku gaadheen beertan in aysan cid dambe wax ka siin hadhuub na u darin. Iyaga oo tashanaya ayaa kii dhanka wanaagga aabbihii ugu dhawaa waxa uu ku yidhi "Nimanyahow waxa aan idin kula talin lahaa beertan in aad wax ka sii saan saboolka, haddii aad qadisaan soo ma dhici karto inta ay is abaabbulaan in ay kacaan aan la mahadin oo dhiig ku daato idinku soo qaadaan?" taladaas dheg jalaq uma ay siin ee waxa ay ku dheheen "xoolo aadan lahayn waxba ha ku daalin ka talin tooda" kolkaasuu ku yidhi "haddaad diideen taas waxa aan idin leeyahay; Salaadda tukada, iyadaa ka reebta dadka xumaanta, laabtana fiyoobi galisee". Taladaas danbana dhego awdan ayay ku dhscday. Waxayna ku ibatireen gartii intaan danlaydu goglohooda ka soo toosin ee aan nin iyo geed la kala garan in ay soo goostaan midhihii dhugcay ee beertooda.


إِنَّا بَلَوْنَاهُمْ كَمَا بَلَوْنَا أَصْحَابَ الْجَنَّةِ إِذْ أَقْسَمُوا لَيَصْرِمُنَّهَا مُصْبِحِينَ
وَلَا يَسْتَثْنُونَ
فَطَافَ عَلَيْهَا طَائِفٌ مِنْ رَبِّكَ وَهُمْ نَائِمُونَ
فَأَصْبَحَتْ كَالصَّرِيمِ
فَتَنَادَوْا مُصْبِحِينَ
أَنِ اغْدُوا عَلَىٰ حَرْثِكُمْ إِنْ كُنْتُمْ صَارِمِينَ
فَانْطَلَقُوا وَهُمْ يَتَخَافَتُونَ
أَنْ لَا يَدْخُلَنَّهَا الْيَوْمَ عَلَيْكُمْ مِسْكِينٌ
 

Hayeeshee Eebbe weyne waa uu ogaa tashigoodii guracnaa, ee ay ku gaadheen in saboolka iyo danlayda irdaha ka ootaan. Sidaas darteed baa loogu diray belaayo beertooda jirdaha u siibta, midhahana ka qalajisa, caleemeheeda na dabaysha raacisa.Waagii ayaa walaallihii ugu baryey heerarkii beerta iyagoo waxba garanla' waxay iiswaydiinayaan war toloow tani beertayadii ma tahay? Ma tahay tii aannu shalay ka caroownay iyadoo midho la tiicaysa, quruxna aan indhhaha loo dhammayn karin? Na lama aha tani in ay beertaydii taha, shakina kuma jiro in aan soo haboownay!. Maraas ayaa wiilkii ugu wanagsanaa yidhi " maya'e waa beertiinnii oo la idinka hoojoyey inta aydin idinku saboolka hoojin, waxa la idinku abaal mariyey muudal kasta oo dhabcaal ahi abaalkuu mudan lahaa".
 

Markaas ayay dambigoodii qirteen waa ay is haaraameen oo midba mid eedeeyey, kolkaas ayay Eebbe weyne kor ahaaye baryeen oo ka fisheen beertoodii wax ka Khayr roon in uu ugu bedelo!.

وَغَدَوْا عَلَىٰ حَرْدٍ قَادِرِين.
فَلَمَّا رَأَوْهَا قَالُوا إِنَّا لَضَالُّونَ
بَلْ نَحْنُ مَحْرُومُونَ
قَالَ أَوْسَطُهُمْ أَلَمْ أَقُلْ لَكُمْ لَوْلَا تُسَبِّحُونَ
قَالُوا سُبْحَانَ رَبِّنَا إِنَّا كُنَّا ظَالِمِينَ.
فَأَقْبَلَ بَعْضُهُمْ عَلَىٰ بَعْضٍ يَتَلَاوَمُونَ.
قَالُوا يَا وَيْلَنَا إِنَّا كُنَّا طَاغِينَ.
عَسَىٰ رَبُّنَا أَنْ يُبْدِلَنَا خَيْرًا مِنْهَا إِنَّا إِلَىٰ رَبِّنَا رَاغِبُونَ
كَذَٰلِكَ الْعَذَابُ ۖ وَلَعَذَابُ الْآخِرَةِ أَكْبَرُ ۚ لَوْ كَانُوا يَعْلَمُونَ

 
Negeeye Xirsi

Taxanaha bisha Ramadaan: Sheekadii 4-aad ( Sheekooyin ka Qur'aan ka).


Walaalihii ay beertu ka dhaxaysay

Waagii ayaa baryey, neecawdiisii qaboobayd ee macaanayd ayaa dunida taabatay. Waxa meeshii uu xalay seexday ka soo kacay oday neef-tuuraya oo ay talaabadu dhib ku tahay. Giyaashii uu noolaa ayaa dhabarkii soo goday, intii aan qoraxdu dhab u soo bixinna waxa uu taagnaa irridda beertii ku lahaa tuulada Darawaan. Beerta duqu waxa ay ahayd tu la yaab leh, oo lagu sheekaysto. Waxa ay ahayd tu midho badan ubaxunna geedeheeda qariyey, biyuhuna dhexdeeda qulqulayaan. Afarteeda dhinacna waxaa sariiraa dhir midho iyo qudaar nooc waliba buuxisay. Saytuun, Canab, Timir iyo wax walba oo dhadhan iyo dhereg ba nafta ugu roon. Waxa ay ahayd beer ishu ku degto, laabtuna ku nasato. Barqadii ayay hooskeeda ku laamadoodi jireen. Galbihiina meel ay ku sheekaystaan ayay u ahayd. Duqii ayaa wadiiqooyinkeeda dhex saqaafiyey, ubaxa caraftiisa ayuu sanka la raacay, heesaha shinbirahana wuu ku raaxaystay. Dabadeed inta dhex fadhiistay beertii ayuu ku tukaday, sujuud na la dhacay. Isagoo Eebbe uga mahad-celinaya barwaaqada uu ku galladay, kana badbaadiyo kibirka iyo qooqa ay hodantooyada isku mataansanyihiin. Sidaas ayaa caado u ahayd maalin walba.

Soo go'idda beerta markii la gaadho ayuu shaqaalaha u yeedhi jiray iyana waa ay soo guri jireen. Masaakiinta ayuu qayb weyn ka siin jiray. Mid uu faraqa u buuxiyo, mid uu jawaankiisa ugu shubo iyo mid uu weelka uu sito uga milaallaba. Wiilashiisii ayay arrintaasi u cuntami wayday, waxaynna u arkeen iyaga iyo danlaydu in ay beerta u simanyihiin, haddiiba aan masaakiintu uga sed roonayn ugana sokayn. Mid ka mid ah wiilashii ayaa ku yidhi "Aabboow dadkan xoolaha siinaysid ka jooji, maxaa yeelay waa xoolahayagii" mid kale ayaa yidhi " Aabboow sidan haddaad wax ku waddo, dhogor xoolaad iyo geed-midhood toonn kaa dhaxli maynno, waxaanuna noqon gadaashaa kuwo sabool ah oo dadka barya". Mid saddexaad ayaa hadalkii u holoday se odaygii baa amuusiyey kuna yidhi " waraaydha! Waxaad iila egtihiin niman habowsan. Waa maxay beerta aad sheegaysaan? Xaggeese katimi? Beertan aad aragtaan waa hanti Eebbe. Waxaana la ii siiyey sida ugu wacan in aan u bixiyo. Waxaana wax ku leh saboolka, danlayda, kub-ku-boodhlaha iyo shimbiraha. Wixii soo hadha ayaynnu inaku wada leenahay. Teer iyo dhalinyaranimadaydii sidaas ayuu dhaqankaygu ahaa, waana sida maalku ku barakoobo. Kolka ma dhici kartaa maanta oo aan duq waayeel ah noqday in aan taladiina yeelo?"

Sheekooyinka Qur'aanka waxaa qoray M. A Jaadal-mawlaa waxaana soomaaliyey A. F. C. Idaajaa.
Lasoco qaybaha kale! soonqaad suuban.

Negeeye Xirsi

Taxanaha bisha Ramadaaan: Sheekadii 3-aad (Sheekooyin ka Qur'aanka)


Ilma Aadan {qaybtii ugu dambaysay}

Iftiinkii nolosha ayaa bakhtiyey, dhiiggii ayaa oogadii Haabiil ku qaboobay, noloshii ayay na isa sagootiyeen. Wuxuu ka maqnaaday meelihii ay aabbihii isku arki jireen. Nabi Aadan ayaa kolkaa murugooday, meel walba ayuu ku dhacay si uu raq iyo ruux Haabiil u soo helo. Markaas ayuu Qaabiil waydiiyey bal in uu walaalkii meel ku sheego, waxa uu ugu jawaabay hadallo fudadayd iyo xurmo darro ka muuqato waxa uuna yidhi "ma ogi, saa aniga xilla igama saarnayn ilaaliyihiisana ma ahayn e". Hayeeshee Aadan wuu gartay in wiilkiisii la dilay, wuuna iska aamusay. Isagoo waliba qaba xanuunka uu la taaho aabbe kasta oo curadkiisii ciidda afka loo galiyey, isaga waxa u dheeraa xanuun kale; labadiisii gacmood ayay midi middii kale dishay!. Waxa uu Haabiil noaday ruuxii ugu horeeyey ee dhulka dushiisa lagu dilo, sidaas darteedna Qaabiil wuxuu garan waaayey siduu u asturi lahaa.
Saab ayuu inta ku dhexriday xanbaartay. Wareer ayaa ku dhacay, laabta ayaa gubatay, nacayb iyo jacaylka walaal-tooyo ayaa dareenka naftiisa ku dhex dagaalamay. Jiifkii ayuu qaban waayey hoog, ceeb, iyo ba' ayuu la dhul dhici waayey. Muddo dabadeed maydkii ayaa soo uray, qaabil na intuu ku dhibtooday ayuu maydkii sidi waayey. Wax uu yeelo iyo meel uu wax ka qabto ayuu garan waayey. Halkan marka ay arrintu marayso waxa khasab ahayd, in naxariista Eebbe soo degto. Si loo dhawro maamuuska uu maydkaas daahirka ahi leeyeyhay iyo si loo sameeyo xeerar ay dadku markaas oo kale ku dhaqmaan sharafta Aadan iyo dadkisana loo joogteeyo. 

Sidoo kale waxa khasab ahayd cashar adag in la siiyo gacan-ku-dhiiglahaa nacaybka iyo xasadku naftiisa buuxiyey. Qof ahaan isagu waxyi Eebbe ma mudna, waa in uu Tuke arday u noqdaa, waa in ay aqoontiisu ka yaraataa aqoonta shimbirkaas madoow ee aan cidina maamuusin. Casharkaas adag kadib, waa in noloshiisu halkaa ku dhammaataa, cadaab daranna uu maraa. Waxa uu Eebbe soo diray labo tuko, way isdirireen, mid baa kii kale dilay. Kii wax dilay ayaa gafuurkiisa god ku qoday oo ku aasay kuu dilay. Qaabiil ayaa kolka iska baroortay murugadii ayaa ka yeedhsiisay "Hoogey oo ba'ay! Ma waxa tuke gartay baan garan waayey, oo maydka walaalkay sidiisoo kale u asturi waayey?".!

فَبَعَثَ اللَّهُ غُرَابًا يَبْحَثُ فِي الْأَرْضِ لِيُرِيَهُ كَيْفَ يُوَارِي سَوْءَةَ أَخِيهِ ۚ قَالَ يَا وَيْلَتَا أَعَجَزْتُ أَنْ أَكُونَ مِثْلَ هَٰذَا الْغُرَابِ فَأُوَارِيَ سَوْءَةَ أَخِي ۖ فَأَصْبَحَ مِنَ النَّادِمِينَ.

Sheekooyinka Qur'aanka waxaa qoray M. A. Jaadal-mawlaa. Oo Masri ah.

Waxaana soomaaliyeeyey A. F. C Idaajaa.

Lasaco qaybaha kale. 

Soonqaad wanaagsan

 
Negeeye Xirsi

Saturday, 19 May 2018

Taxanaha Bisha Ramadaan: Sheekooyinka Quraanka (2aad)


Ilma Aadan.


Nacayb iyo xaasidnimo uu Haabiil u qabo ayuu la hoyan waayey, lana hadhsan waayey. Waxa uu saluugay qaybtii Eebbe waxa uuna jeclaystay gabadhii ku mataansanayd in ay isaga afadiisa noqoto. Waa hore iyo waa dambe ba quruxdu waxa ay ahayd duufaan xoog badan, oo nafta Aadanaha kol ba dhinac ula dawaafta, marmar ka qaarkood na burbur iyo geeri u horseedda. Quruxda ayaa sabab u ahayd ismaandhaaf ka labadaas walaallaha ah kala dilay. Aabbe Aadan ayay talo ku cadaatay, meel uu wax ka qabto ayuu garan waayey, waxaa la soo daristay xaajo ka diimoonayd oo aan iyadoo kale kahor maskaxdiisa ku soo dhicin. Waxa uu ku mashquulay rabitaanka labadiisa wiil oo hirgala iyo nabad ay ku wada noolaadaan oo dhexdooda ka aslaaxda. Waxay sidaa ahaataba kolkii dambe ayaa Eebbe ku hanuuniyey, talo uu ku furdaamin karo xasilooni darada qoyskiisa soo foodsaartay. Waxa uu u soo jeediyey; labadooduba in ay Sadaqo Eebbe dartii u baxsadaan, kii laga aqbalaana uu gar u yeelanayo doonistiisa. Awr geelliisa ku jiray ayuu Haabiil ku Alle-baryey Qaabiil na Sareen beertiisa ka soo go'ay, mid walibana liibaan ayuu fishay.

Maalintaa waxa nasiibsaday halkaas na ay guuli ku raacday Haabiil. Alle barigiisii ayaa la aqbalay, walaalkiis na waa lagu diiday. Maxaa yeelay? Taladii Aabbihii ayuu u hogaansami waayey, sadaqadii uu bixiyayna kal iyo laab kama ahayn. Maalintaas ayay murugo oo idil Haabiil iskugu timi, wuu rejo dhigay; damac, xaasidnimo iyo nacayb buu la googo'ay. Wuxuu ku tashaday, in uu dhagar galo!. Walaalkii ayuu u goodiyey una dhaartay kuna yidhi "waan ku dilayaa!" Maxaa wacay? Ma kari karo in aan ifka wada joogno adigoo raaxo ku nool iyo anigoo ciil iyo murugo i buuxiyeen. Haabiil oo ka xun haadaanta uu walaalkii ka sii hoobanaayo ayaa yidhi "waxaa kugu haboonayd meesha lagaaga yimi intaad garatid in aad wax ka qabatid, oo dib u hagaajinta naftaada isku hawshid, dadka ka baqa oo keliya ayuu Eebbe wax ka aqbalaa". Nin uu Eebbihii xoog iyo caqliba ugu deeqay ayuu Haabiil ahaa, kuwa xigmadda la siiyey ee hadana wayneeyey ayuu ka mid ahaa. Waxa uu aad ugu heelana baarinimada Aabbe iyo Hooyo. Qabta Rabbina raali buu ku ahaa.Waxa uu ogaa noloshu in ay tahay wax idlaan doonta iyo raaxo wakhti kooban ku eg.

Eebbe ayuu talo saartay goodiga Qaabiilna kama uu biqi jirin. Waxa uu ka walwalsanaa xiqdiga la soo darsay walaalkii, haba yaraatee isagu wax xumaan ah laabta uguma hayn walaalkii. Aad buu ula taliyey kana waaniyey cudurka nacayb ka. Waxa uu ku yidhi walaalloow waad haboowsantahay, wadadii saxda ahaydna waad ka lunsantahay, tashigaaguna waa mid xaqa waydaarsan oo dambi baa kuugu sugan, waxaa kugu haboon in aad Eebbe dambi dhaaf waydiisato. Haddii aad diido arrinta oo dhan anigu Eebbaan u daayey doonina maayo in aan ku dhaco gef iyo caasinimo Eebbe, waxaan doonayaa dambiga arrintaa ka yimaada in aad keligaa dhabarka u ridatid oo dad naareekdka aad ka mid noqoto". 

Jacaylka iyo naxariista walaalinimo iyo kalgacayl ka waalidku ma ahayn mid bakhtiin kara nacaybka iyo xaasidnimada hadhaysay qalbiga Qaabiil, mana ahayn mid qaboojin u ah naf ku xukuman tii ugu horaysay ee dhulka dushiisa dambi ku gasha. Saacad ka mid ah saacadaha wareega ayuu dambigii dhacay, gacanta walaalkii ayuu Haabiil ku dhintay. Waxa uu eersaday doqoniimo, jacayl dumar iyo hawaawiga aan la hor joogsan karin ee nafta.


۞ وَاتْلُ عَلَيْهِمْ نَبَأَ ابْنَيْ آدَمَ بِالْحَقِّ إِذْ قَرَّبَا قُرْبَانًا فَتُقُبِّلَ مِنْ أَحَدِهِمَا وَلَمْ يُتَقَبَّلْ مِنَ الْآخَرِ قَالَ لَأَقْتُلَنَّكَ ۖ قَالَ إِنَّمَا يَتَقَبَّلُ اللَّهُ مِنَ الْمُتَّقِينَ
لَئِنْ بَسَطْتَ إِلَيَّ يَدَكَ لِتَقْتُلَنِي مَا أَنَا بِبَاسِطٍ يَدِيَ إِلَيْكَ لِأَقْتُلَكَ ۖ إِنِّي أَخَافُ اللَّهَ رَبَّ الْعَالَمِينَ
إِنِّي أُرِيدُ أَنْ تَبُوءَ بِإِثْمِي وَإِثْمِكَ فَتَكُونَ مِنْ أَصْحَابِ النَّارِ ۚ وَذَٰلِكَ جَزَاءُ الظَّالِمِينَ
فَطَوَّعَتْ لَهُ نَفْسُهُ قَتْلَ أَخِيهِ فَقَتَلَهُ فَأَصْبَحَ مِنَ الْخَاسِرِينَ
 

Sheekooyinka Qur'aanka waxaa qoray Maxamed Axmed Jaadal-mawlaa. Masri. Waxaana soomaaliyey Axmed F. C. Idaajaa.

Soonqaad suuban

Lasoco qaybaha kale.


Negeeye Xirsi

Taxanaha Bisha Ramadaan: Sheekooyinka Quraanka (1aad)


Ilma Aadan.

Hannaankii nolosha ayaa isbilay waxa isa soo taray jiritaankii kolkii Xaawo taran bilawday. Ubaxayadii ugu horeeyey ayaa beerta Aadanaha ka soo iftiimay. Waxa aynna farxad geliyeen iyada iyo odaygeeda Aadan. Jacayl ayay kala bateen markii ay arkeen warasadoodii oo dhulka ku faafaysa, wadooyinkeeda na ordaysa, arsaaqda Eebba na ka durduuranaysa. Nin carruurtiisa aad ugu naxariista ayuu ahaa, Xaawa na kii ay dhashaba waa ay ku farxasay, inkasta oo dhibaato iyo xanuun badani foosha ka soo gaadhayeen. Taasi se waxa ay ahayd caraab hooyo kasta markaas oo kale la soo gudboonaata. Waase xanaf ay markiiba ka soo kabato oo durbadiiba ilowdo. Waxaa na halkeeda loo galiyaa naxariis ay u hayso ubaxa dhinaceeda jiifa ama ba ay dhabta ku haysato. Laba jeer ayay Xaawo mataanaysay, mar waxa ay dhashay Qaabiil iyo gabadh ku mataansanayd, markii labaad na Haabiil iyo mataantiisii.


Siwacan oo wanaagsan ayay labadii waalid carruurtaa ugu fidiyeen daryeel iyo xanaanno aan kala go' lahayn. Illaa ay koreen oo dhiigii dhalinyaranimadu oogadooda ka soo iftiimay. Labadii gabdhood waxa ay yeesheen astaamaha dumarnimada, wiilashiina waxa ay ku dhaqaaqeen dhulka si ay ugala soo baxaan arsaaqda uu Eebbe dhexdeeda dhigay. Qabiil waxa uu noqday nin dhulka tabcada oo beereey ah, Haabiil na waxa uu u leexday dhaqashada xoolaha. Noloshii ayaa labadoodii ba u toostay, qoyskii reer Aadnna waxa hadheeyey nabad iyo xasilooni ay ku barwaaqoobeen. Qaabiil iyo Haabiil waxa ay noqdeen labbo barbaar, dareenkii raganimada ayaa mid waliba dhab iskaga gartay, waxa aynna u hanqaltaageen in mid waliba yeesho oori uu ku dego. Hankaas macaan ayay nafta ku maaweelin jireen, si ay uga dhabayn lahaayeenna Albaab walba way u garaaceen. Waa hore ayaa Eebbe xigmaddiisa ku go'aamiyey dhulka dushiisa dadka in lagu shirabo, in ay hantidu koradho, warasadu-na ay tiro badato. 

Waxa Eebbe qadaray dadku in ay kala duwanaadaan kuna kala gadismaan dabeecadaha. Ebbe weyne ayaa u waxyooday aabbihii Aadanaha waxaana loogu waxyooday; in uu labadiisa wiil u dhiso midba ta ka kale ku mataansan. Waxaase jira oo dabeecaddaha aadanaha astaan muuq-dheer looga dhigay "Hunguri iyo damac". hagidda naftooda kuwa ka adkaada ayaase liibaannay. Hayeeshee kuwa hawaawigooda u hogaansama ee caqligoodu hagi waayo kuwaasina waa kuwa hawlgalkoodu dunida guudkeeda ku khasaaray, iyagoo isku malaynaye in ay wax hagaajinayaan. Aadan waxa uu u sheegay wiilashiisa wixii loogu waxyooday oo guurkooda ku saabsanaa, Qabiil ayaase ka cadhooday, go'aankii odaygana ku gacan-saydhay. Maxaa wacay? Gabadha isaga ku mataansanayd ayaa ka qurux badnayd tii isaga loo dooray. 

Sheekooyinka Qur'aanka waxaa qoray Maxamed Axmed Jaadal-mawlaa oo ahaa Masri. Waxaanna soomaaliyeeyey Axmed Faarax Cali "Idaajaa"

La soco qaybaha kale.

Soonqaad wanaagsan.

Negeeye Xirsi

Tuesday, 1 May 2018

Taariikh Kooban: Cumar Bin Cabdulcasiis

Taariikhda islaamka waxaa ku xussan qisooyin iyo tusaalayaal mudan in casharo laga qaato. Qisooyinkaa waxaa ka mid ah taariikhdii cajiibka aheyd ee taabicigii Cumar ibnu Cabdilcasiis, oo mar na culumada ku magacaabaan khiliifkii shanaad.

Waxeey taariikhda xustay in cumar bin khadaab, oo awoowe u ahaa cumar bin cabdicasiis, uu mar yiray duriyadeyda waxaa ka soo bixi doona mid dhulka cadaalad ku soo dabaala.

Qisooyinka ku saabsan cumar bin cabdilcasiis iyagoo ay tira badan yihiin, ayaan waxaan jeclaystay inaan nafteyda iyo dhamaan akhyaarta la wadaago hal arin oo cibra qaadasho mudan.

Markii khilaafada lagu wareejiyay amiirka, ayaa maalin maal maha ka mid ah xaaskiisa, Fadimah bint cabdilmalik, ugu soo gashay guriga asagoo ilmo ka daadaneysa ay garga ka qoysay. Waxeey waydiisay, ya amiiral mu’miniin, ma waxbaa dhacay? Amiirka wuxuu yiri:

“Ya Fadimah, waxaan la wareegay talada ummada nabi muxamad scw, kooda guduudan iyo midkooda madow. Waxaan ka fakiray faqiirka gaajeysan, bukaanka dayacan ama lunsan, midka tabarta daran, midkooda dulansan, midka qafaalan iyo kan la la’yahay, midkooda duqooway oo caruur badan haysta oo aan maal badan haysan, iyo kuwa la midka ah oo geesaha dunida kala jooga, markaasaan ogaaday inuu alle iga weydiindoono [sidaan ugu cadaalad falay dhamaantooda] maalinka qiyaamo iyagoo ay igu la dood tagi doonaan nabi muxamad scw hortiisa, markaasaaan ka baqay in aan waayo wax aan ku la doodo maalinka, nafteeda ayaan u naxriisto waan ooyay.”

Top of Form
، فقلت : يا أمير المؤمنين ، ألشيء حدث ؟ قَالَ : يا فاطمة ، إني تقلدت أمر أمة مُحَمَّد صلى اللَّه عَلَيْهِ وسلم أحمرها وأسودها ، فتفكرت فِي الفقير الجائع ، والمريض الضائع ، والغازي المجهود ، والمظلوم المقهور ، والغريب الأسير ، والشيخ الكبير ، وذي العيال الكثير والمال القليل ، وأشباههم فِي أقطار الأرض وأطراف البلاد ، فعلمت أن ربي سيسألني عنهم يوم القيامة ، وإن خصمي دونهم مُحَمَّد صلى اللَّه عَلَيْهِ وسلم ، فخشيت أن لا يثبت لي حجة عند خصومته ، فرحمت نفسي فبكيت . .

Bottom of Form
Cumar bin cabdicasiis alle ha u naxriistee ayaa asagoo sariirta xanuun dartii la jiifa, waa xanuunka uu la geeriyoon doono, ayaa waxaa soo booqday ina adeerkii Maslamah bin cabdimalik, wuxuu ku yiri:

“Ya amiiral mu’miniin, caruurtaada qof aad kala dardaarantay malah, maalna maadan uga tagin, ee adeeradood ama abtiyaashood maad uga la dardaarantid? Amiirka wuxuu ugu jawaabay: ‘caroorteyda waxeey noqonayaan laba midkood: mid saalix ah, saalixna alle ayaa taladiisa haga, wixii intaa ka baxsaan ma noqonayo mid ilmihiisa ugu kaalmeeya macsida alle (sw).”

Amiirka ayaa markaa ka codsaday xaaskiis in caruurtiisa qolka loo soo galiyo, asagoo caruurtiisa la dardaarmaya wuxuu yiri:

“ilmahaygow, laba shay midkood ayaan kala doortay: in aad taajir noqotaan oo aabihiin naar ku muto maalka ama inaad faqiirtaan oo aabihiin janno galo, waxaan jeclaystay inaan faqiir ahaano oo alle (sw) janno igu abaal mariyo haduu alle idmo”

Cumar bin cabdicasiis wuxuu ahaa amiir faqriga aan dhib u arag oo talada uu hayo la aheyd mid aad u dareensan culeeskeeda. Sababta loogu magacaabay khaliifada shanaad ayaa waxaa ka mid ahaa in uu alle ku kaalmay in cadliga ku soo dabaala dhulka islaamka. Alle wuxuu ku oofsaday asagoo 39 iyo 6 bilood jira.

Cumar bin cabdicasiis alle ha u naxriisto wuxuu inaga tagay taariikh ku dayasho mudan oo qof walba talada muslimka qabta ay ku tahay xujjo cad maalinka qiyaamo haduusan uga soo bixin talada islaamka u hayo sidii la rabay.

Waxaa isweeydiin mudan, inta xukunka maanta inoo haysa, meeqaa sida cumar bin cabdicasiis u fakirta? Miyeey iloobeen in alle hortii la soo istaajin doona oo la weydiin doona ummada waxeey u qabteen iyo sideey xukunka u guteen? Waa su’aal hor taala qof walba talada ummada qabta. 

W/Q: Cabdiweli C. Cali Cigaal 
Facebook: https://www.facebook.com/abdiweli.umulqura






Friday, 6 April 2018

Gabay: Gocanayaa mooyi

Intaan suugaan soomaaliyeed arkayey gabay ka tiiraanyo badan ma arag gabaygan. Waxaa tirshey awoowgey Shiikh Maxamed Shiikh Cumar Alle ha u naxariistee oo ahaa mufti soomaaliyeed dad badanna aflixiyey. 

Wuxuu yidhi:

Anoo nabad isaga soo galay, oo jooga gurigayga,
Gogoshayda anigoo fadhiya, yaa gaydhe ii yimiy e,
Sida gorayo laylku u dumay, yaan gooxa yuururay e,
Markii aan qarwaaqsaday, Rabigay wabaraduu gooyay,
Geeliyo Xuseeniyo raggii, aakhira uguuray,
Mindhaa Goodir iyo Caaganaan, gocanayaa mooyi,


Shiikhii Illaahay garatay ee idinku guuleeyay, 
Giddigiisba Khayr Cabdiga, 
waa u wada aabbe gooni ah'e
Sida ina Guraasuu ahaa, gacal ku liibaany e,
Godka lala gal shiikh Maxamed Nuur, gocanayaa mooyi,
Gobanimada Shiikh Xaamud, waa loo garaad qabay e
Inkastoo shisheeyuhu gabrado, gole la heedaamay
Garta iyo guddoonkuu lahaa, geedu joogaba e 

Dayaxii habeenkii galbaday, 
gaban hadduu reebo
Gablanka iyo geerida lammaan, gocanayaa mooyi,


Geesiga dadkoo idil dhammaan, la isla garanaayo
Gacantiisi way muuqataa, gololki dheeraaye
Gadhka iyo shafka yaa wuxuu lahaa, shiimad gooni ah e
Sidii cadawgu uga gaabsan jiray, gola ka yeedhkiisa
Gucumaalihii iyo Aarki dhalay, gocanayaa mooyi,


Garaadkii Ismaaciil ahaa, lagu gawaan raacy e, 
Wuxuu gabanno soo ururiyo, oo guriga keenaaba,
Gumadkiisa waakaa tolkii, gees kajeensaday e 

Jannadii lagee sida layidhi, waaba galayaay e, 
Garoowaha engagay ceelka gudhay gocanayaa mooyi.

Cartan gu' iyo dayr la igu taag, gacaladiisiiye,
Gadiid iyo allayl kama gam'o, oo waygu gabilay e
Gaagaabsigiisiyo markuu, talada gooynaayo
Sidii uu garta ufeenin jiray, guurtinimadiisa 

Godkaa dumay gabaydhaha kayimi, gocanayaa mooyi

Ku gamaaranaye Faarax Bile, galabti lay sheegay
Intaan wada gamiiray, yaa qalbiga jeex isoo go'aye
Gasiin iyo macaan iyo qaboow, goor walbaba jooga
Gacan iyo dul iyo geesinimo, la ila garab joogo
Hadba waxaan garwaaqsanahayaa, galayaxiisiiye
Gabdha iyo guriguu katagey, gocanayaa mooyi,


Iyadoo guddoon adag dhigtay, oo la isu soo guuray
Gadh-casihii Illaah nagu galladay, galabti la is laayay
Geenyiyo fardiyo giniyadii, lagu salaamaayay 

Gacantiisa waa u wada sinnayd, gaaliyo Islaame e
Gudcur kama horrayn maalintuu, go'ay awowgay e
Guhaadda iyo deeqduu lahaa, gocanayaa mooyi,


Galliilyoobayeeey Faarax baan, soo garwaaqsaday e
Geellii uu lahaa iyo markii, gabadhi loo diiday 

Garaadkooda kay tahay, markii loo guntaday xaalka
Gardaradiyo geedkii uu hurday, iyo gaadmadiyo ciilka
Iyo weliba geelluu kahelay, galax macaankiisa
Garaarraale silicuu ku go'ay, garanba maysaan e
Gaaguunka reer Cumar Cabdaan gocanayaa mooyi,


Waxbadan baa god laga buuxiyay, oo uu go'ay xigaalkay e
Nimankaa Illaah baa u gartay, oo meel san wada geey e
Waxse gama'a iidiiday, waa duul kaloo go'aye
Raggan gebiga lagu duugayo, ee u gigayo duulaagu
Gugii da'aba nimankaa, sidii gorayo loo laayo 

Gardarriyo rasaas maalin yoon, lagu garaacaayo
Hawl yaridan loo wada go'ay ee lagu gawaan raacay
gunimadatan lagu guuxayanna, gocanayaa mooyi..

 
Negeeye Xirsi

Waxaan ka qoray Axamed Maxamed Xasan ( Axmed Gacmayare)

Wednesday, 28 March 2018

Cal-Dhuux iyo waayihiisii...


Cali Aadan in uu gabyaa ahaa ka sokoow waxa uu ahaa hogaamiye aan mar keliya na nasan. Waxa uu ahaa nin dawladnimada u yaqaan tolkiis, Daarood na iskugu mid ahaa, gar ayuuna u lahaayoo waagaas ma aysan jirin dawlad wadaag ah oo soomaali wada leedahay. Isna waxa uu ka mid ahaa raggii hogaanka ahaa noolaana xilligaa.

 

Huwan iyo Cali-Dhuux

Kolkii Daraawiishi ay jabtay waxa meesha ka baxday awooddii Dhulbahante oo ku riiqantay dagaaladdii u dhexeeyey Daraasiish iyo Ingriis. Dhulkii ay degi jireen waxaa ku soo fiday Ingiriis oo wata Isaaq ciddii loo arko in ay reer kaas ka soo jeedaanna waxaa la marin jiray xadhig ama dil. Cali Dhuux Aadan "Ahun" oo ahaa nin aad u fiiro dheer feejignaan badanina ku jirtay weligii ayaa arkay meesha xaal marayo. Fiigihii ka tagey Nugaal iyo intay Daraawiishi fadhiday qaar ba meel ayuu galay, intii Galbeed gashay firxadkii ayuu aruuriyey Cali-Dhuux. Talo ayaa la iskugu yimi taas waxaa u gudoomiyey Isaga. Waa uu hadlay oo yidhi "Maanta waad aragtaan oo Isaaq ayaa dhulkeennii qaatay mana aynnu lihin awood aynnu ku caabinno nimankaas, halka mid ee aynnu ku badbaadsan karno dhulkeenna waa inagoo Isaaq u tagnaa kuna dhahnaa waxa aynnu isku nahay HUWAN." taladaas waa loo guuxay sidii ayuuna Cali-Dhuux ugu tegey Nimankaas kuna yidhi "Maanta idinku waad dhaqantihiin, nimankii geeleenna dhacay ee Ogaadeen aynnu ka daba tagno oo soo dhacsanno xooleheennii, idinka ayaa xooglehe na duuliya maanta". Tani waxa ay ahayd siyaasad uusan keeni karin qof maanta nooli. Mana aysan ahayn hiillo uu u sameeyey Isaaq oo uu uga hiilliyey Ogaadeen. Saa maba uusan haysan rag uu tiisa ku fuliyee. Duulaamadaas waxa lagu soo dhacay geelal badan oo uu ka mid yahay Hagoogane.

Cali-Dhuux iyo Ogaadeen

Cali, Ogaadeen waxa ay ahaayeen tol wada dhalasho dhiig iyo dhaxdin ba waa ka dhaxaysay marna uma uusan arkay cadow. Markii Huwan ay duulimaadadii ku gaalaa bixisay Carro Ogaadeen iyo Doollo Isaaq geedigii waa sii dheeraystay oo dhul badan ayay taabeen. Cali-Dhuux markii uu arkay meesha la marinayo tolkii ayuu fakaray waxa uu is yidhi "Haddii Ogaadeen meesha ka baxo waa garab la'aan" markaas ayuu aadey Cali Yuusuf Keenadiid iyo Hobyo waxa uuna ku yidhi "Maanta xoolo Kaama doonayo, wax kale oo aan kaa rabaana ma jirto, deegaankii Ogaadeen waa la qabsaday Webiga ayaana laga talaabiyey haddii ay halkaa ka gudbaanna Isaaq iyo Hawiye ayaa isku xidhmaya, Daarood awood lehna adaa jiree Dhulka dhici" Wuxuu yidhi Keenadiid "waayahay! Maalinta aad roob aragto ciidankaasi waa kula joogaa" waxa uu u diray 600 oo nin oo uu wato Axmed Busur nin la odhan jiray. Axmed Busur waxa uu ugu tagey Wardheer 300 oo nin oo Cali Aadan wato.

Axmed Busur baa yidhi "Waxaan soo eegayaa Wardheer" waxa uu ugu tagey niman Isaaq ah oo geel ka waraabsanaya geelana ugu heesaya:

-Deerooy Daarood,
-Waa la diriroo,
-Waa lagaa diray.
Arroortii ayaa lagu kacay, Doolo oo dhanna la qabsaday waa aduun e, dharaartii ku xigtay waxaa ceelkii geela lagaga waraabinayey.
-Deerooy daba jilic,
-Waa la diriroo,
-Waa lagaa diray.

Sidaas waxaa ugu sheekeyey Yuusuf Cali Dhuux oday goobjoog dhacdadaa u ahaa.

Bayd uusan odhan Cali-Dhuux se si khaldan u dhex galay gabay uu ku leeyahay silsiladdii GUBA.
-Wasiirtoodi hore baa xumay Waalidkii dhalay'e.

Baydkan qof kasta oo suugaanta wax uga bilaaban yihiin waa uu arkaa in uusan meesha ku jirin oolinna, waayo? Gabyaaga iyo cidda uu caayayo waaba isku wasiir oo meel ayay ka soo wada farcameen Cali Aadanna ma ahayn nin caayaya Waalidkiis iyo wixii dhalay. Eeg Gabayga! ma aha wasiirtoodi baa xumayd ee waa sida ay ina leeyihiin, wasiirtoodi hore baa xumayd; wasiirta hore ee la leeyahay Cali ayaa caayey miyaysan isku mid ka ahayn. Odayadii soo gaadhey odaygana waxa ay sheegeen baydkaasi in uusan meesha ku jirin ee la galiyey. Marka si loo eego baydkan maba ku koobna Ogaadeen keli ah ee waa nasab cay dhan, Cali-na nin awooweyaashii iyo ayeeyoonkii caaya ka waynaa.

Ogaadeen Cali Dhuux waa uu jeclaa waxaadna ka garanaysaa sida uu ugu guubaaninayey in ay dhulkooda ilaashadaan. Qamaan iyo Cali waa ay ka wada socdeen Guba bilaabideedii, ujeedku bilawga silsiladda ayuu ku cadyahay.

Qamaan waa ka leh,
Diirkiyo laftuu xulay hadduu hadal wax daawayn'e
Cali Aad silsiladdaa Guba waxa ugu jira qofkii fiiro dheer u leh baydad aad u tiro badan oo uu Ogaadeen sharaf oo dhan ku siinayo.
Eeg!

Ogaadeen hadhuudhkiyo sidii hilibka loo booby e
Inkastuu hundaha iyo u dego webiga hoostiisa,
Geeluu habeenka u lahaa looga hadhi waaye'
Geella oo waagaas ninka lihi uu sharaf, magac, milgo, iyo maamuus ba lahaa waxa uu siiyey Ogaadeen. {Geelluu habeen ka u lahaa buu yidhi waxa uu ka dhigay guunyadooda oo iyaga ayaa leh buu yidhi}.
EeG!

Dadba weli ma arag reer Subayr duul ka soo baxay'e,
Cidiba uunka kama dawladsana Dir iyo Daarood e.
Waxa uu ku sheegay Dawlad, waagaas soomaaliba dawlad ma aysan lahayn iyaga ayuu dawladnimadii siiyey [cidiba uunka erayga uun waa wax kasta oo Illaahay abuuray iyaga ayuun baa dawlad ah buu yidhi.!!].

Alle ha u naxariisto Cali Aadan .

Waxaan ka qoray Abwaan Shabac Axmed Cali Dhuux

W/Q Neegeye Cali Xirsi

Facebook: Negeeye Xirsi