Showing posts with label af soomaali. Show all posts
Showing posts with label af soomaali. Show all posts

Saturday 22 May 2021

Isku Xidhka Taariikhda

Gabay - codka Negeeye Xirsi (click here)

DHULBAHANTE:HALGAMAYAAL HIILWAAYEY. – Degelka Qoraalada Cabdulqaadir Jaamac

Dhulbahantaba u babac dhige quwado baawaralahaaye,
Ingiriiska waa tay badeen joog Berbera uune,
Banaankii ma waayine naftaa baaqimaad jecele,
Talyan baaci Cagadhiig illaa Bay iyo Bakoole,
Beledweyne waa tuu barqaba dhigay buruudkiise,
Nin Qayaada oo badhaxla' oo baarqabaa dhalaye,

Ajuuraanna Burtuqiis ayay keenno barayeene,
Waa tay Baraawe iyo Xamar u gu badheedheene,
Axmed-Gurey wuxuu Xabashi baday buuggu wuu qoraye
Bartire iyo Wiilwaal Jigjiga baylah may dhigine,
Gerina u badheedh Mililikhii balagta dheeraaye,
Ogaadeenna baalkii xornimo baasheheed noqoye,
Bilo soddon gu' dheer bay dabkaa sii balbaliyeene,

Soomaalidu jirtooyooy bugtadi weli ka soo baanan,
Biixi dhigayse aarkuba hadday luguhu boodaane,
Biyamaal ku filan Keenyadii dacasha buurnayde!



Curiye: Negeeye Xirsi

Shantii(5) tiir ee Islaamka.

 
alle.kacabso


●Eeeboow marag iga ahoow.
●Markhaataan kaa dhigtaye.

●Adaa imaqlee Raboow.
●Waxaan kuu qiray macbuud.
●Inaa tahay maalik wayn.
●Midkii qudhahee jiree.

●Aduunyada maamulee.
●Wixii maqan kii qarsoon.
●Midkii muuqdee banaan.
Mid aan waligii la arag.
●Mid soo baxay daahirka.
●Makhluuqba uumayee.
●Magacyo ugu yeedhayoow.

●Eeboo marag iga ahoow.
●Markhaataan kaa dhigtaye.
 
●Waxaan qiray maxamed iyo.
●Rasuulkaagii mudnaa(scw)
●Malkada raadkiisi iyo.
●Tusaalaha muunada leh.
●Ee uu noo meeriyaa.
●Anigu malabkii kabaday
●Macaankiisana ku dhegay.
●Kalgacal muxibaan uqabo.
●Ayaa maankayga dagay.

●Eeeboow marag iga ahoow.
●Markhaataan kaa dhigtaye.

●waxaan qiray murayadii.
●camalka ugu moos adkay.
●salaad maqrib iyo cishaa  
●muftaax casar iyo aroor.
●duhurka in mawlaciyo.
●Masaajida lagu tukado.
●adiga mahadaa la noqo.

Eeeboow marag iga ahoow.
Markhaataan kaa dhigtaye.

●Waxaan qiray maal sakada.
●Miskiin kii dhibaato qaba.
●Duqayda maxastiyo sabool.
●Midkii safar caawintii.
●laxaadka midkaan lahayn.
●Mudayn xool loo qabsaday.
●Inaan siiyo maalintaa.
●Sadqada midigtayda baro.

●Eeeboow marag iga ahoow.
●Markhaataan kaa dhigtaye.

●Waxaan qiray macbuudkayow.
●Bishii maamuuska sharaf.
●Macnaha wayn nagu lahayd.
●Ee uu muminkaagu soon
●Anfaaci ka maago ee.
●Macaasi ka haajiree.
●Masjidka hooy laga dhigtee.
●Taraawiix iyo milgiyo.
●Khayrkii laga maala ee.
●Tahajudka loo soo mir kaco.

●Eeboow marag Iga ahoow.
●Markhaataan kaa dhigtaye.

●Waxaan qiray mawlohoow.
●Xajkii danbigii mugwayn.
●Midkii caydiyo afxumo.
●Amse maag iyo dhicii.
●Maluuqnaantiyo xantii.
●Halkii aad tidhi Mar uun.
●Ruxii xoogaa u mudho.
●Midigta ku dhigee hantiya.
●Awoodeedana mulkiya.
●Hasoo guto waa makee.
●Iyadu waa maqaam sare.
●Madiina hasoo cimrado.
●Musdalifiyo mina hatago.
●Bankii carafana ha maro.
●Danbigu haka maydhmo ee.

Shantii(5) Tiir ee Islaamka.

Curiye: Negeeye Xirsi

Tuesday 1 May 2018

Taariikh Kooban: Cumar Bin Cabdulcasiis

Taariikhda islaamka waxaa ku xussan qisooyin iyo tusaalayaal mudan in casharo laga qaato. Qisooyinkaa waxaa ka mid ah taariikhdii cajiibka aheyd ee taabicigii Cumar ibnu Cabdilcasiis, oo mar na culumada ku magacaabaan khiliifkii shanaad.

Waxeey taariikhda xustay in cumar bin khadaab, oo awoowe u ahaa cumar bin cabdicasiis, uu mar yiray duriyadeyda waxaa ka soo bixi doona mid dhulka cadaalad ku soo dabaala.

Qisooyinka ku saabsan cumar bin cabdilcasiis iyagoo ay tira badan yihiin, ayaan waxaan jeclaystay inaan nafteyda iyo dhamaan akhyaarta la wadaago hal arin oo cibra qaadasho mudan.

Markii khilaafada lagu wareejiyay amiirka, ayaa maalin maal maha ka mid ah xaaskiisa, Fadimah bint cabdilmalik, ugu soo gashay guriga asagoo ilmo ka daadaneysa ay garga ka qoysay. Waxeey waydiisay, ya amiiral mu’miniin, ma waxbaa dhacay? Amiirka wuxuu yiri:

“Ya Fadimah, waxaan la wareegay talada ummada nabi muxamad scw, kooda guduudan iyo midkooda madow. Waxaan ka fakiray faqiirka gaajeysan, bukaanka dayacan ama lunsan, midka tabarta daran, midkooda dulansan, midka qafaalan iyo kan la la’yahay, midkooda duqooway oo caruur badan haysta oo aan maal badan haysan, iyo kuwa la midka ah oo geesaha dunida kala jooga, markaasaan ogaaday inuu alle iga weydiindoono [sidaan ugu cadaalad falay dhamaantooda] maalinka qiyaamo iyagoo ay igu la dood tagi doonaan nabi muxamad scw hortiisa, markaasaaan ka baqay in aan waayo wax aan ku la doodo maalinka, nafteeda ayaan u naxriisto waan ooyay.”

Top of Form
، فقلت : يا أمير المؤمنين ، ألشيء حدث ؟ قَالَ : يا فاطمة ، إني تقلدت أمر أمة مُحَمَّد صلى اللَّه عَلَيْهِ وسلم أحمرها وأسودها ، فتفكرت فِي الفقير الجائع ، والمريض الضائع ، والغازي المجهود ، والمظلوم المقهور ، والغريب الأسير ، والشيخ الكبير ، وذي العيال الكثير والمال القليل ، وأشباههم فِي أقطار الأرض وأطراف البلاد ، فعلمت أن ربي سيسألني عنهم يوم القيامة ، وإن خصمي دونهم مُحَمَّد صلى اللَّه عَلَيْهِ وسلم ، فخشيت أن لا يثبت لي حجة عند خصومته ، فرحمت نفسي فبكيت . .

Bottom of Form
Cumar bin cabdicasiis alle ha u naxriistee ayaa asagoo sariirta xanuun dartii la jiifa, waa xanuunka uu la geeriyoon doono, ayaa waxaa soo booqday ina adeerkii Maslamah bin cabdimalik, wuxuu ku yiri:

“Ya amiiral mu’miniin, caruurtaada qof aad kala dardaarantay malah, maalna maadan uga tagin, ee adeeradood ama abtiyaashood maad uga la dardaarantid? Amiirka wuxuu ugu jawaabay: ‘caroorteyda waxeey noqonayaan laba midkood: mid saalix ah, saalixna alle ayaa taladiisa haga, wixii intaa ka baxsaan ma noqonayo mid ilmihiisa ugu kaalmeeya macsida alle (sw).”

Amiirka ayaa markaa ka codsaday xaaskiis in caruurtiisa qolka loo soo galiyo, asagoo caruurtiisa la dardaarmaya wuxuu yiri:

“ilmahaygow, laba shay midkood ayaan kala doortay: in aad taajir noqotaan oo aabihiin naar ku muto maalka ama inaad faqiirtaan oo aabihiin janno galo, waxaan jeclaystay inaan faqiir ahaano oo alle (sw) janno igu abaal mariyo haduu alle idmo”

Cumar bin cabdicasiis wuxuu ahaa amiir faqriga aan dhib u arag oo talada uu hayo la aheyd mid aad u dareensan culeeskeeda. Sababta loogu magacaabay khaliifada shanaad ayaa waxaa ka mid ahaa in uu alle ku kaalmay in cadliga ku soo dabaala dhulka islaamka. Alle wuxuu ku oofsaday asagoo 39 iyo 6 bilood jira.

Cumar bin cabdicasiis alle ha u naxriisto wuxuu inaga tagay taariikh ku dayasho mudan oo qof walba talada muslimka qabta ay ku tahay xujjo cad maalinka qiyaamo haduusan uga soo bixin talada islaamka u hayo sidii la rabay.

Waxaa isweeydiin mudan, inta xukunka maanta inoo haysa, meeqaa sida cumar bin cabdicasiis u fakirta? Miyeey iloobeen in alle hortii la soo istaajin doona oo la weydiin doona ummada waxeey u qabteen iyo sideey xukunka u guteen? Waa su’aal hor taala qof walba talada ummada qabta. 

W/Q: Cabdiweli C. Cali Cigaal 
Facebook: https://www.facebook.com/abdiweli.umulqura