Wednesday 28 September 2016

Halgankii Xaaji Maxamuud Macalin "Cagadhiig" Qeybtii 4aad


Alle ha u naxariistee Xaajigii halgamaaga ahaa Mujaahidkana ahaa waxa uu halgankiisu bilowday aas-aaskii Kacaankii Barakaysnaa ee Daraawiisheed oo uu ka mid ahaa Aas-aasayaashii dhidibada u taagay liibaanta soomaaliyeed ee ilaa maanata iyo mar danbaba. 

Waxa uu ka qayb qaatay Dagaaladii ugu horeeyey ee dhex Mara Daraawiishtii barakaysanayd iyo Gumaystihii booli doonka ahaa.


Xaaji Cagadhiig waxa la dhashay 12 Wiil waxa ay isku bah ahaayeen isaga 10 Wiil halka Labbada kallana ay kalla bah ahaayeen waa Bah Xaliimee, tobankaa la bahda ahayd halgamaaga waxa ay ku wada dhinteen halgankii waagaa. 

Ismaaciil Macalin oo walaalkiis ah ayaa waxa uu ifka kaga tagay hal gabadh ah, ismaaciil Macalin Waxa uu ka mid ahaa Ragii Ayl fadhin jirray Aakhirkiina waxa lagu dilay halgankaa.
Gabadhaas uu ka tagay Ismaaciil Macalin waxa ay dhashay Aqoonyahano iyo Mas'uuliyiin Caan ka ah dhamaan Aduunka Khaas ahaana geeska Africa una dhashay Reer SSC.
inta kalle lama hayo wax ay ka tageen oo nolol lagu arkay. 


Xaaji Cagadhiig waxa uu naftiisa u hurray dhulka aynu maanta dheefsanayno, wax Dumar ah oo uu guursaday Taariikhdu ma xusin, dhalyo uu ka tagayna dhaayo lama saarin, taas oo laga dhadhansan Karo in uu ahaa Nin wax walba ka hormariyey Gaylanka uu ku soo dhicinayo Dhulka.
Halkaas ayaynu ka sii wadi doonaa insha Allaah waxa soo socda qaybo Xaraarad leh ee u dheg 
 taaga.

Negeeye Xirsi

Gabay gii bliad sharafta lagu siiyay Negeeye Xirsi


Waa gabay aan Anigu bilad isku siiyey labbo sano ka hor kii2014, inkasta oo kadib Rag baddan biladdo isiiyeen. Facebook ga ayaa isoo xusuusiyey maanta. 

Inkastaad cududo wayntohoo coofka kor utaagto.
Ama ciidan wiilala dhashoo wada cargaagaaya.
Lama caydhsan karo ruux mintida waa cidiyo dhiig'e. 


Cuudka aynu dhaqanee illaah caadil ina siiyey.
Inkastaad cashiiro iyo tolkaba caawimo usiiso.
Ogoow caadha waynoow ratigu waa col gooniya.


Camaaryalayda gorayada hadaad caydhsatoo erido.
Oo aad cawdhisoo deeridii Cawsha fiijinayso.
Xoorkuba cif buu kugu dilaa ceeb adaan odhan.


Cantlyaa dhurwaa iyo dawoco wada cabaadaaya.
Guduudane cimaamadan buxuush saaho la ciyaara
Caarcaarloow shabeelkiyo dilaa Harmcadkoo cawlan.
Cunabuur faruur iyo dhafoor waxaad cabiidaaba
Aarkuba tacshiirado dhacuu caasha galiyaaye. 


Baacbaac cariga gaalo tagay caawimana qaata.
cod xume luuqda dilayoo sidii ciyow ka cuucsiiya.
Wiil cadho ka keentoo misana camataqlaynaaya.
Mar cantuuge aan curin karayn cajab midii keenta.
Caada qaate baqayoo cashuur cido ka doonaaya.
Jacbur kaa cacamiyee gabay isyidhi caynka ka higaadi 


La'igu caano shubayeey murtida calan la ii saarye.
Waan curin aqaan oo majiro cid igu gaadhaaye.
Wiil ila cawaysimey igarey caynadaan ahaye',e.
Isama caasiyaayee aftahan waan ku caan baxaye.
Negeeyaa ka ceebdayey nafluhu kuma casheeyaan.
Cari gaalo islaamkaa camiran cidhifyo kooneeya.
Caam ahaan wixii adaam dhalay xaawo caaneeyey
caaqilkiisu waa ani ninkii caashaqii raba'e


Anse waxaan ka caajisey markuu ciida hoos galaye.
U ceeb dayey midkii caale yidhi ama ka caacsiiyey
iyo kay haween soo cursheen caraf ma yeeshaan.


Negeeye Xirsi

Caaqil Cali Shire Axmed Jaamac


Xigmadda tidhaahda ""Labadda Aabihii Wase Ka horraan doortay"
Cali Shire Axmed Jaamac "Xaaji Cali Shire" waxa uu ahaa Odayaashii Dhulbahante ugu xadaarisanaa, xagga ganacsiga iyo maamulka maaliyadda Alle ha u naxariistee Nin Caqli baddan buu ahaa. 


Waxaa la yidhi Dukaan uu lahaa baa intii Dadku siiba Geel-jiruhu iska yimaado odhan jireen Adeeroow wax na amaahi marka Roobku da'o baanu Xoolo Nool ku siin Doonaaye, isna waa uu Daymin jirray. 

Waad iska garanaysaa Bini-Aadam iyo dabeecadiisee waa ay iskala guuri jirreen Ama waxa ayba ku asaraari jireen intaa ma ahayn iyo waa ahayd.

Maalintii danbe ayuu go'aan ku gaadhay Qof danbe in aan kumi siin waxna iska amaahin.
Marka aad dadka wax u diido aad gar ugu leedahay xaqaagiina ah waxa la arkaa in ay kugu caayaan oo ay dhahaan waa Bakhayl, waa gacan adagyahay, Nin fiican maaha IWM.
Waana Caaddo Bini-Aadam taasi. 


Kolkaas ayuu xigmadan keenay ah "Labbada Aabihii Wase ka horaan doortay"" oo ah xigmad qoto dheer Qofkii fahma, noqonaysana haddaan sii yara saafo ""Intaad igu caayi lahaydeen dayn aan idin waydiiyey oo aad hore u qaadateen marka aan idiin diido igu caaya"".
Mar kasta oo aan maqlo Filasoof hebel waxa aan soo xasuustaa xigmad intay doonto ka qoto dheer Oday leh oo Soomaali illa ah. 

Alloow Rag ma tagay, illaahay ha u Naxariisto Cali-shire Axmed. 


Negeeye Xirsi

Gabay: Nabad waa caano


Nabad baa Macaanoo janna ah Naallo iyo Khayre.
Waa Naruuro Lagu doogsadoo Naas la nuuga lehe.
Nimco iyo barwaaqiyo Udgoon waa Naq aan go'ine.
Naamuuska doogiyo iftiin Nuurka iyo Kaaha. 

Najam iyo Shamsada weeye iyo Nalal siraataaye
Nasteexada Aduunyadda jirtiyo Naafac iyo Quudka.
Naxariista Roobkiyo Cirkoo Nurar Hilaacaaya.
Ama Xoolohoo Najoxoo lagu Nagaanaayo.
kun sifaale haddii aan naqoo kumana soo niibsho.
Waa wax aan Niyadi sheegi karin Nooca ay tahaye.
Nolol Weeye uu Eebbeheen Nooga dhigay tiire.

Nimaan Iyada haysani Ma laddo Neeftu way'iyadda'e
Neecawdda Tii lagu hurdee Lagu Nastaa Weeye.

Naafoobe qoomkii kibree Nabbadda diidaaye.
Naskuna sheegyey Nabruud iyo kancaan siday u niiqmeene.
Nabarkii ku dhacay waan ognahay Najis fircoonkiiye.
Nadigaa ku dhaga kii is bida Nibiri xoog Wayne.
Naxdin iyo dilbaa wa heliyoo Naadhku waa go'iye.
Naalada Aduun waa iyadda Nicam illaahay'e.
Ruux waliba ha naadiyo Jidhkay Nudaha beertaaye. 


Negeeye Xirsi

Caaqil Maxamad Saleebaan Shabac "Af-Waranle"


Sheeko Kooban oo ka mid ah cuqaasha beesha cabdi garaad (Qayaad) ee dhulbahante


 
Sawirkan Waa Cheif Caaqil Maxamed Saleebaan Shabac "Af-Waranle". Caaqilkan waxa uu ka mid ahaa xiligiisii Cuqaasha Dhulbahante u taliya uguna Aftahansan, waxa uu ahaa tallo Qabeen Nin colaad iyo Nabadba ka taliya waxa uuna ahaa Abwaan ka maansoodo dhamaan Qaybaha Suugaanta Soomaaliyeed.

Aan Idiinka sheekeeyo Qiso yar oo ku saabsan Cheif Caaqil Maxamed Saleebaan Shabac"Afwaranle". Waxa ay Colaad ba'an dhex martay oo muddo baddan socotay dhawaana soo gaadhay oo ka dhaxaysay Jifida Dhulbahante Ee Khayr Cabdi garaad"Qayaad" iyo Majeerteen jifida Cumar Maxamuud.  Colaadaas waxa in baddan lagu makalay Nin garbood aan geeri loo quudheen. Caaqilkuna waxa uu ka dhashay Jifida khayr Cabdi garaad"Qayaad". Waxa la yidhi muddo markii colaadaasi socotay ayaa waxa Abaar ba'ani ka dhacday Carri Cumar Maxamuud taas badalkeedana carro dhulbahante ayaa deegaantii iyo Roobkii hellay. Cumar Maxamuud waxa ay la soo xadhiidheen Cheif caaqil "AFwaranle" waxa ayna ku dheheen. "Waad ogtahay oo deegaankayagii abbaar ayaa ka dhacday xoolihiina wax ay cunaan ma haystaan sidoo kalle biyo la cabbo ma jiraan oo Hawd iyo Ciid waa bilaa Cabaal waxa aanu kaa codsanaynaa sanadkan colaadeenii in halkaa lagu hakiyo inagoo xeerinayna Tolnimada aynu wadaagno ee aan inaka dhamaanayn si walba".

Caaqilkii waxa uu ku taliyey in aan Nimankaa Samankan maanta ah aan la taaban oo sidaa ay ku daaqaan deegaanta iyo carshinta, Ceelasha Domcoodna ay ka Cabbaan.
Nin kalle oo isla reerka ah baa ayaantii danbe arkay Nimankii hebel iyo hebel dillay oo dhex mushaaxaya dadkii ay wax ka dileen markaas ayuu wuxuu tiriyey gabay guubaabo ah oo ay ka mid yihiin:


Danaakilada Reer Yuusuf Khalaf dayrta ka idaaday..
Markaas ayaa Caaqilkuna Maansadan tiriyey way dheertahay ee waa qayb ka mid ah.
Wuxuu yidhi.
Wadaadyohow hadlaayaa warba Nagama haysidde.
Waax gini la siistaa Warsamooyin dhaantee.
Hasha labbo wadaagtaa Nirgo wacan dhalaysee.
Nin Wanaagsan haystaa Weedaad ma doonnee.
Wadiifada Majeerteen waxba dhaafsan maynee.
Wanaagsan waa magaalo Hawd Ciideed ku taala
Weedaad waa Ceel yaroo Laasacaanood ku ag yaalay.


Alle ha u Naxariisto Caaqilka Raggii hore iyo Raganimadoodii. 


Negeeye Xirsi


Monday 19 September 2016

Gabay: Dhawre

I dhagayso dhooleey War baa iigu kaa dhimane
dhagahaaga i amaahiyoo maqal dhawaaqayga.
Waanada dhagaysoo gudoon waa dhanbaal kaniye.
Dhismha Aqalka waxa laga unkaa seeska dhagixiiye.
Hadaan Hoostu dhaabnayn korkiyo Dhoorku waa dumiye.
Dhiqle haanta kaagalay waa Culiin waxa ka dhawraaye.
Maygaag Ayaa lala dhigaa yaanay Dhoos noqone.
ma dhunkado Abeesada Ninkii dhab u yaqaanaaye.
Dhira dhabato lama Quuto iyo Midho dhunkaaleede.
Dhaxantana Waxaa laga galaa Meel Dhufays Adage.
Hadhac laguma Dhaafsado Cariid iyo Dhimciirtiiye.
Ubadna Geesibaa loo Dhalaa Dhinac la saaraaye.
Ninkii Dhaawac kuu diidan baa la isku dhiibaaye.
Dhuruq Iyo Waraabahana Waa laga Dhuyaalaaye.
Dhimirkaaga Will hanankaraa Dhooleey Guur Mudane.


Maahmaaho Duul hore dheheen yaan dhan balayaaye.
Ma dhugtaha hugiisiyo midkaan talada dhaadaynin.
Ee aan Dhawran Madhixiisu waa Dhito u taale.
Dhimashada horteed buu tagaa waana dheelmadaye.


Dhooleey Nin aan Geel lahayn looma dhaqo reere.
Wax tarkiisu Waa Dhawr kunoo maan dhamayn karo'e.
Saddex halaan is idhi waa ma dhaaf balaan ku dhaadsiiyo.


Iyadoo Dhulkii Roobku helay Dhibicna maan shaysay.
Oo ay dhalaysoo hashii Dhaysta soo rogatay.
Oo ina Dhibaysoow Ratigu Dhabida Saydhaayo.
Dhumay ay hadhkii daaqaysiyo Xaaxi dhinaceede.
Ama ay Dharkayn Waabarkii Dharabka jeexayso.
Dhaalashii Domcood iyo Higlada Dhababacaynayso.
Oo ay dhaayan Miranayso iyo Saaxda dhaladeeda.
Dhigaalkii Caagariyo Dohdii Dhamasta Ruugayso.
Dhuumoodka lagu foofiyiyo Doogob yar dhuunteeda.
Af dhuubyaale Nirigihii durduro Dharag ka keenayso.
Dhaayaha Wax uga roon ma arag dhooley aragiiye.


Mar ay baahi kuu dhuumatoo Gaajo Dhugatowday.
Hadii Gool laguu dhigo Hilbuhu kala dhanaan roone.
Kuruskaad ka dhergtaa adoon dhaafin meel kalle
Dhakhso waad ka bogtaa dhexdiyo dhabarki kuu toosye.
Nin dhadhamiyey waa uu ogyahay dhayda caanaha'e.
Dhumucdiyo Waxay soo ceshaan Dheeha midabkiiye.
Dhididkay ka keenan qof qabay dhiikarkii dilaye.
Kaadidaa Macaankii dhintoo waa dhakhtar Illaahe.
Daawooyin boqol dhaafay baa laga dhamaayaaye.
Ma wax loo dhigaa jira aduun dhaadan waa dahabe.


Dhiilo timi war soo dhacay dagaal dhiigu mulacyeeyey.
Qoor wayn la dhigayoo Ragii Dhirif u qaanshaystay.
Iyadoo Nin lagu dhaato go'ay Samirna Dheeraaday
Dharaartii la keenaa dabkii dhamac bakhtiiyaaye.
ma wax loo dhigaa jira Aduun dhaashan waa dahabe.


Dhaldhalaalku yuusaan ku hodin waa dhamaad bariye.
Dhar magaalo Waa dhawr cishood yara dhalaashaaye.
Ruuxaan Xero u soo dhiganin Geel Caydh la dhalandhoolye.
dhaxal buuse Nooyahay Anaga Dhalan Cismaan Khayre.
Ilaahii ku dhaartee ibliga dhawra nagu taartay.
Wax ku dhigan Asmaa'diisiyoo Dheega kaga taale.
Koob iyo toban Sagaal lagu dhuftaa Dhaadan leedahaye.
Waxa Gabadh dhalaal badan Guryaha Dhooley hoganaysa.
Nooma dhixin midaan loo dhex galin dhoona loo horine.
Dhamoow Aabeheed iyo Awoow Wiil dhalyiyo Hooyo.
Iyo Ehelka oo Dhamiba Waa Dhogor yaqaanaaye.
Miinan Dheegle Goortay hantaan bay farax dhaqaaqaane.
Inaad Dhaafto maahee tolkaa Dhaami xeradooda.
Oo ku Soo dhawoow Waxaan hayaa Dhuuxi qaalmaha'e.


Abwaan Negeeye Cali Xirsi

Naanaysta Cagadhiig Iyo Sababtii ay ku baxday - Qeybtii 3aad

Qeybtii 3aad

Wali waxa aynu ku dhex jirnaa hanaqaadistii Halgamaa/Mujaahid Xaaji Maxamuud Macalin Maxamed Fiqi Ibraahim waaana Qayb kale. 

Naanaysta Cagadhiig Waxa ay ugu baxday Xaaji Maxamuud Macalin Waxa la yidhi waxa uu ahaa Nin Inta Nin rag'ihi lixaad iyo buruud leeyahay leh Midabkiisuna Waxa uu ahaa Cadaan Illaahay Waa Khaaliqul Makhluuq oo isku si inooma wada abuurine waxa uu ugu deeqay Xaajiga Qurux aan lala wadaagin isaga dadkii xiligiisii la noolaa. 


Waxa uu ahaa Nin dheer oo lixaad leh oo indho waawayn oo cad oo burji iyo buruud u gaar ah leh sida la wariyey waxaa la yidhi Qofka uu eego ee ay Indhihiisu isku dhacaan awood uma lahaan jirin uu ku eego Mar labaad iyo Mar saddexaad. 



Midab cadaantiisa darteed ayaa loogu u bixiyey Naanaysta Cagadhiig iyo Qurux awgeed.

Soomaalidiinu Qofka Midabka caddaanka leh ma nidhaahno hebel wuu caddyahay ee badanaa waxa aynu u leexinaa dhanka guduudka ee midabka dhiiga ah oo kalle sida Guuduudka oo aynu ula baxno Dadkeena.  Sida Asli, Guduudo carwo, Iwm.

Qaar ayaa Dadka aaminsan in Naanaystan loogu bixiyey Halgankii Iyo xarbddii jihaadka ee uu halakeeyey uguna darnaaday Gaalo, Gumayste, iyo intii Abaanka u ahayd ee daba socotay,waa male wayn kaasi oo meesha ku jirra oo anba aan u malayn jirray waagii horre inta aanan taariikhdan daba gal ku samayn.

Waxa aynu halkaa ku dhaafanaa Hanaqaadistii Xaaji Maxamuud Macalin Cagadhiig Alle ha u naxariistee. Waxa aynu bilaabi doonaa insha Allaah Cutub kalle oo aynu kaga hadli doona Halgankiisii. 

Negeeye Xirsi

Saturday 17 September 2016

ALLOOW YAA SHIROO REER TAOLKAY SHUUKHKA NAGA SAARA


Shirshoorahan iscunayee iyagu wada Shihiidaaye.
Ee Qoysba Qoys shiidayee shiishka kulla ciiray.
Shilke iyo buunbooyina sitee Nabad ku shawraynin.
Ee midba kaa kalle Shilkii Farax la shuuxaayo.
Sharka iyo xunaatadana wada shuquladaa liidka.

Ee aan Shisheeyaha arkayn shiiqiyee qariyey.
Shaki baan ka qaadaye malaa Sheegataa timide.

Shibanaan ka ahay dhawr kan bari waana sheelaahaye.
Oday xaajo loo sheego oo shaafacaan jirine.
 Shaqfad laawayaal baa hadhiyo Caabud shilimaade.
Shib ka idhi wexeer soconayoo waan shidaysnahaye.
Shamac baa ka shidan Oogadoo Uurku waa shuxaye.

Shaqalada kor loo qaadaayaa waa mid shaadira'e.
Haddii Sharafi dhimatana xaqaa shaamareer galla'e.
Shin ku naaxyo baa soo bixiyo shiqigiyo Tuugiiye.

Alloow yaa shiroo Reer Toklkay Shuushka naga saara.


Abwaan Negeeye Cali Xirsi

Maansadii Dhaadan


Dhagar qabe Dayuusoow, 
Dhiig yacab Qarsoonoow, 
Kaan la Dhaadin Waliyee, 
Dhexdayda ku Nooloow, 
Kaa Dhuumanaayee, 
Dhabarkiisu muuqdoow, 
Dhargal Dhuudhi Reeboow, 
Ina Dhuxun ku Reeboow, 
Dhiig Yacab Iblaysoow. 


Midka Dheega kuruskiyo, 
Na Dhilaaya Madaxoow, 
Dhabacane Na Sirayoo, 
Dheel nala Ciyaaroow, 
Dhaba galaha Jiifoow, 
Dhusdhus iyo Afleebloow, 
Dhuruq dhaylo Quutoow, 
 Jirjiroole Dhuugoow, 
Dhiig Yacab Iblaysoow. 


Dhiganaha is mahadshoow, 
Fulay Dhoonbir Qaatoow, 
Dhicis Miciya Yeeshoow, 
Daanyeer is Dherershoow, 
Dhiidhiiyo Faantoow, 
Dibigaale Dhaanshoow, 
Dhiqle Loo Abeeyoow, 
 Dhurde Midiya haystoow, 
Dhereg raadis beenloow, 
Dhiig Yacab iblaysoow. 


Mar uun Dhuuxyo iyo xadhig, 
Waad mudan Dharbaaxoo, 
Dhuunta Waran ku mada iyo, 
Dhaawac Alalad Keenoo, 
Dhaymo aan lahayn iyo, 
 Waad heli Dhifkii Aad, 
Waa horasay Dhigatoo, 
Dhiilkaagu wuu Quban, 
Xidigaagu Wuu Dhici, 
 Wuuna Dhiman Shinkaagi, 
Dhiig yacab Iblaysoow. 


Ana Dhoohanaantiyo 
Waan ka bixi Dhibaatoo, 
Indhahaanan Kugu Dhugan, 
Dhawaan way ku aragoo, 
Dhegahaan ku maqalbaa, 
Dhab kuu garanin adigoo, 
Waxaad Dhagar Maleegtaba, 
Duni Waa Dhaxdiimee, 
Dharaar baa imaan uun, 
Dhegta lagugu Soo dhego, 
Maana Dheera Ee Garo, 
Dhiig Yacab Iblaysoo. 


Eebbana Dhankiisii, 
Dhamacda iyo Naartii, 
DhimciisHiyo Kulaylkii, 
Dhaxantiyo Jalaadkii, 
Dhufaankiyo Biraqabadkii, 
Dhirfkeedi Jahannamo, 
Waad Dhadhamin Qadhaadhkoo, 
Waad ku Dhici Dab iyo halas, 
Iyo Dheeli iyo Holac, 
Dheehaaga feentoo, 
Insha Allaahu Waad Dhugan, 
Dhiig Yacab Iblaysoow. 


Curiye Abwaan Negeeye Cali Xirsi

Thursday 15 September 2016

Hanaqaadidii: Halgamaa Xaaji Maxamuud Macalin Maxamed Fiqi Ibraahim"Cagadhiig" Qeybtii 2aad



Qeybtii 2aad

Siddii aynu qeybtii 1aad soo sheegnayba Taariikhda halgamaagani waa ay iska dheertahay oo ma soo koobi karno, inagoo aynu u galin Buugtii uu ka Qoray Talyaanigu aynu sii wadno hanaqaadistii Xaaji Cagadhiig. 

Markii uu Maka iyo Madiina ka soo laabtay waxa ay dhulka wada yimaadeen Sayid Maxamed halkaas oo ay aas-aaskii daraawiisheed ka bilaabeen dhidibadana ugu taageen Midhaha Aynu illaa maanta Guranayno haddii aynu nahay Soomaali. 

Xaaji Maxamuud Cagadhiig Reerkiisu Waa Dhulbahante C/Garaad "Qayaad" marka laga sheekaynayo Taariikhda noocan oo kalle ah waa in la xuso Jifida uu ka soo jeedo waayo wakhtigaas si kalle oo wax looga wariyo lama garanayo. Reerka uu ka dhashay Halgamaagani Jifida hoose ee uu ka yahay Oo "Cismaan Khayr"waxa ay ahaayeen Reer Culimo ah oo aad looga danbeeyo Xaq wayna ku leh Deegaanka waqooyi dhamaantiis oo ay Diinta bareen.


        



Waxaa la wariyey in Fiqi Ibraahim Xer uu ku jirro ay aaday Galbeed Fiqi Ibraahim waa Cagadhiig Awowgii, halkaasna ay u aadeen cilmi korarsi diimeed. Waxa la is dhexgalay ragii xertaa iskugu yimi oo soomaali cid walba lahaa, waxa si wacan isku bartay Aw Xasan iyo Fiqi Ibraahim, Aw-Xasan Waa Sayidka Maxamed Cabdule Xasan Awowgii, Mudo hadii halkaa lagu sugnaa Waxa Soo raacay Fiqi Ibraahim Aw Xasan Oo sidaa Ku yimi Nugaal. 

Awxasan Waxa la Siiyey Gabadh Ugu danbayna waxa uu guursaday Gabdho kalle oo deegaanka ah kuwaas oo u dhalay Cabdule oo Sayidka Aabihii ah iyo Rag kalloo baddan. Labadan Qoys waxa ay ahaayeen markaa dad in badan is ah.
Shiikh Maxamed Nuur waxa waa Xaaji Cagadhiig Aabihiiye Waxa uu ahaa Shiikh wayn waxa uuna haysan jiray Xer magaceeda la odhan jiray "Khad-cas" oo aad u aflaxday. Caruur badan ayuu dhalay Shiikh Maxamed magaca "Nuur"waa naanays Shiikhu Caruurtiisa Qayb waxa uu ku dhalay Macalinnimo sida Cagadhiig oo Maxamuud Macalin ah iyo Ismaaciil Macalin iyo Rag iyo Dumar kalle. 

Qaybna Shiikh ayuu ku dhalay caruurtiisa Sida Xaawo Shiikh Oo wax uu dhalay ugu yarayd.
Markaa darajada ayaa maalinba usii kordhasay sida muuqata, Waxa la iiga sheekeeyey Maalintii uu dhintay Shiikh Maxamed Nuur Oo ku dhintay Taleex kana mid ahaa Odayaashii Daraawiisheed Naftu markii ay dhaaftay isku Mar ayaa Dumarkii Dariiqadu ku baroorteen "Dayixii Dhacay ee aan dib loo aragoow""
Kobtaa maantana ha inoo joogto.

Negeeye Xirsi


Hanaqaadistii: Halgamaa Xaaji Maxamuud Macalin Maxamed Fiqi Ibrahim"Cagadhiig" Qaybtii 1aad.



Qeybtii 1aad


Waxa aynu haddii Alle idmo Taariikh yaroo kooban ka qori doonaa Alle ha u Naxariistee Halgamaagii Waynaa Ee Daraawiisheed Xaaji Cagadhiig. Iyadoo Taariikhdan ay iska badantahay waxa aan farta idiin dari doonaa Xoogahaa ka mid ah. Xaaji Cagadhiig sida la wariyey waxa uu ku dhashay Nugaal waxa uuna dhashay Guga la magac baxay "GOBAYSANE" oo ay dhasheen Rag baddan oo hanaqaad noday. Waxa la wariyey in Gugagan Awrkii dhashaynna uu Baarqab noday Wiilkii dhashayna fac ka roone.

Xaajigu Alle ha u Naxariistee Waxa Qur'aanka baray Aabihii oo ahaa Shiikh aad u wayn lana qadarin jiray kana mid ahaa raggii Daraawiish wax ka aas-aasay, Waxaan Weeyeelka hadda joogaa ma ay arag Qudhoodiye dhagtoodu maashay oo uu ku Magac dheeraa Shiikh "Maxamed Nuur", waa xaajiga Aabihiise. Halkaas ayuu Qur'aanka ku khatimay ama uu ku dhameeyey isagoo aad u da'yar. Sidda caadadu ahaan jirtay waxa aad loo qadarin jiray Ninka Qur'aanka dhameeya iyadoo ixtiraam gaar ah iyo maamuus Dusha laga huwin jiray lana marxabayn jiray oo la soo dhawayn jiray, waxa uu bulshada dhexdeeda ka hellay markii uu dhameeyey Qur'aanka Maamuus iyo Qadarin loo hayo wadaad kasta oo ka soo dhex baxa bulshadii xilligaa ee uu la noolaa.



           
           


Sidda la wariyey waxa uu Aqoonta diinta si uu u kororsado u aaday Galbeed oo markaa Xagga diinta aan looga daba hadli jirin gayiga Soomaaliyeed, halkaa oo ay fadhin jireen Culimo waawayn iyo Xer Qalin-leef ah oo aad u baddan,Xeertaas ayuu muddo ku nagaaday lana qaatay qayb wakhtigiisa ka mid ah. 
Xaajigu waxa uu uga soo kicitimay Nugaal halkaas oo uu ka sii aaday "XAJKA". Waxa uu Maka iyo Madiina kula kulmay Culimo baddan iyagna waxa uu kasii korarsaday barashada iyo ku sii xeeldheeraanta Diinta Islaamka.
Halkaas ha inoo joogto maanta.


Negeeye Xirsi