Saturday 18 November 2017

Gabaygii Muqdishu Ha Quusan - Abwaan Negeeye Xirsi

Akhristayaasha sharafta leh, ku soo dhawaada. Waa abwaan Negeeye iyo mar kale gabayadii looga ga bartay. 

Sidaad ula socotaan, bisha Oktober 14keeda waxeey aheyd maalin murugo weyn ku leh ummada soomaaliyeed. Waa maalin aan la cabiri karin dareenka dadkeena sababtoo ah baaxada qaraxa iyo inta inaga geeriyootay saameeyntooda ayaan la soo koobi karin. 

Aniga murugtaa saameyteena aan la seexan waayey, ayaa fikirkeyga ku cabiray tixdaan hoos ku qoran. Erayada waxaa hees ka sameeyay fanaanka weyn ee soomaaliyeed Abdiqaadir Ugaaska. 



Quruumaha la xaaqiyo,
Waxaan la qadhanayaa,
Iigu wacan qamuunyada,
Waa ficil qaribanoo,
Lagu qalay dadkaygiyo,
Qaraxaa ka dhacay Xamar,

Qamoomadiyo ciilkaan,
Kula qaybsanaayaa,
Aniguba qaracankii,
Ilma qubay dartaayoo,
Qalibigaan ka ooyee
Muqdishooy ha quusanin.

Dadkaygoow qudh-gooyaha,
Dhiigeenna qubayiyo,
Qolo male danbiiluhu,
Qoys male dilaaguna,
Yaan la qarin ku qayshaay,
Ku qayshaay ku qayshaay,
Ku qayshaay cadaawaha.

Qoomkaan is raacini,
Quwad yeelan maayee,
Qarankeenna liicaa,
Way nagoo qalibanee,
Is qabsada gacnaha oo,
Qayb qaybta naga jira,

Shacab yahow dad qalatada,
Quudanaaya dhiigeen,
Dastuurkiisu waa qalid,
Ma qareemo nixid male,
Dhagar qabaha liita ah,
Waa in aynu qabannaa.

Abwaan Negeeye Xirsi

 
Halkaa riix si aad u dhageysatid heesta: