Qeybtii 3aad
Wali waxa aynu ku dhex jirnaa hanaqaadistii Halgamaa/Mujaahid Xaaji Maxamuud Macalin Maxamed Fiqi Ibraahim waaana Qayb kale.
Naanaysta Cagadhiig Waxa ay ugu baxday Xaaji Maxamuud Macalin Waxa la
yidhi waxa uu ahaa Nin Inta Nin rag'ihi lixaad iyo buruud leeyahay leh
Midabkiisuna Waxa uu ahaa Cadaan Illaahay Waa Khaaliqul Makhluuq oo isku
si inooma wada abuurine waxa uu ugu deeqay Xaajiga Qurux aan lala wadaagin isaga dadkii xiligiisii la noolaa.
Waxa uu ahaa Nin dheer oo lixaad leh oo indho waawayn oo cad oo burji
iyo buruud u gaar ah leh sida la wariyey waxaa la yidhi Qofka uu eego ee
ay Indhihiisu isku dhacaan awood uma lahaan jirin uu ku eego Mar labaad
iyo Mar saddexaad.
Midab cadaantiisa darteed ayaa loogu u bixiyey Naanaysta Cagadhiig iyo Qurux awgeed.
Soomaalidiinu Qofka Midabka caddaanka leh ma nidhaahno hebel wuu
caddyahay ee badanaa waxa aynu u leexinaa dhanka guduudka ee midabka
dhiiga ah oo kalle sida Guuduudka oo aynu ula baxno Dadkeena. Sida Asli, Guduudo carwo, Iwm.
Qaar ayaa Dadka aaminsan in Naanaystan loogu bixiyey Halgankii Iyo
xarbddii jihaadka ee uu halakeeyey uguna darnaaday Gaalo, Gumayste, iyo
intii Abaanka u ahayd ee daba socotay,waa male wayn kaasi oo meesha ku
jirra oo anba aan u malayn jirray waagii horre inta aanan taariikhdan
daba gal ku samayn.
Waxa aynu halkaa ku dhaafanaa Hanaqaadistii
Xaaji Maxamuud Macalin Cagadhiig Alle ha u naxariistee. Waxa aynu
bilaabi doonaa insha Allaah Cutub kalle oo aynu kaga hadli doona
Halgankiisii.
Negeeye Xirsi
No comments:
Post a Comment