Qeybtii 2aad
Siddii aynu qeybtii 1aad soo sheegnayba Taariikhda halgamaagani waa ay iska dheertahay oo ma soo koobi karno, inagoo aynu u galin Buugtii uu ka Qoray Talyaanigu aynu sii wadno hanaqaadistii Xaaji Cagadhiig.
Markii uu Maka iyo Madiina ka soo laabtay waxa ay dhulka wada yimaadeen Sayid Maxamed halkaas oo ay aas-aaskii daraawiisheed ka bilaabeen dhidibadana ugu taageen Midhaha Aynu illaa maanta Guranayno haddii aynu nahay Soomaali.
Xaaji Maxamuud Cagadhiig Reerkiisu Waa Dhulbahante C/Garaad "Qayaad" marka laga sheekaynayo Taariikhda noocan oo kalle ah waa in la xuso Jifida uu ka soo jeedo waayo wakhtigaas si kalle oo wax looga wariyo lama garanayo. Reerka uu ka dhashay Halgamaagani Jifida hoose ee uu ka yahay Oo "Cismaan Khayr"waxa ay ahaayeen Reer Culimo ah oo aad looga danbeeyo Xaq wayna ku leh Deegaanka waqooyi dhamaantiis oo ay Diinta bareen.
Waxaa la wariyey in Fiqi Ibraahim Xer uu ku jirro ay aaday Galbeed Fiqi Ibraahim waa Cagadhiig Awowgii, halkaasna ay u aadeen cilmi korarsi diimeed. Waxa la is dhexgalay ragii xertaa iskugu yimi oo soomaali cid walba lahaa, waxa si wacan isku bartay Aw Xasan iyo Fiqi Ibraahim, Aw-Xasan Waa Sayidka Maxamed Cabdule Xasan Awowgii, Mudo hadii halkaa lagu sugnaa Waxa Soo raacay Fiqi Ibraahim Aw Xasan Oo sidaa Ku yimi Nugaal.
Awxasan Waxa la Siiyey Gabadh Ugu danbayna waxa uu guursaday Gabdho kalle oo deegaanka ah kuwaas oo u dhalay Cabdule oo Sayidka Aabihii ah iyo Rag kalloo baddan. Labadan Qoys waxa ay ahaayeen markaa dad in badan is ah.
Shiikh Maxamed Nuur waxa waa Xaaji Cagadhiig Aabihiiye Waxa uu ahaa Shiikh wayn waxa uuna haysan jiray Xer magaceeda la odhan jiray "Khad-cas" oo aad u aflaxday. Caruur badan ayuu dhalay Shiikh Maxamed magaca "Nuur"waa naanays Shiikhu Caruurtiisa Qayb waxa uu ku dhalay Macalinnimo sida Cagadhiig oo Maxamuud Macalin ah iyo Ismaaciil Macalin iyo Rag iyo Dumar kalle.
Qaybna Shiikh ayuu ku dhalay caruurtiisa Sida Xaawo Shiikh Oo wax uu dhalay ugu yarayd.
Markaa darajada ayaa maalinba usii kordhasay sida muuqata, Waxa la iiga sheekeeyey Maalintii uu dhintay Shiikh Maxamed Nuur Oo ku dhintay Taleex kana mid ahaa Odayaashii Daraawiisheed Naftu markii ay dhaaftay isku Mar ayaa Dumarkii Dariiqadu ku baroorteen "Dayixii Dhacay ee aan dib loo aragoow""
Kobtaa maantana ha inoo joogto.
Negeeye Xirsi
No comments:
Post a Comment