Qeybtii 1aad
Waxa aynu haddii Alle idmo Taariikh yaroo kooban ka qori doonaa Alle ha u Naxariistee Halgamaagii Waynaa Ee Daraawiisheed Xaaji Cagadhiig. Iyadoo Taariikhdan ay iska badantahay waxa aan farta idiin dari doonaa Xoogahaa ka mid ah. Xaaji Cagadhiig sida la wariyey waxa uu ku dhashay Nugaal waxa uuna dhashay Guga la magac baxay "GOBAYSANE" oo ay dhasheen Rag baddan oo hanaqaad noday. Waxa la wariyey in Gugagan Awrkii dhashaynna uu Baarqab noday Wiilkii dhashayna fac ka roone.
Xaajigu Alle ha u Naxariistee Waxa Qur'aanka baray Aabihii oo ahaa Shiikh aad u wayn lana qadarin jiray kana mid ahaa raggii Daraawiish wax ka aas-aasay, Waxaan Weeyeelka hadda joogaa ma ay arag Qudhoodiye dhagtoodu maashay oo uu ku Magac dheeraa Shiikh "Maxamed Nuur", waa xaajiga Aabihiise. Halkaas ayuu Qur'aanka ku khatimay ama uu ku dhameeyey isagoo aad u da'yar. Sidda caadadu ahaan jirtay waxa aad loo qadarin jiray Ninka Qur'aanka dhameeya iyadoo ixtiraam gaar ah iyo maamuus Dusha laga huwin jiray lana marxabayn jiray oo la soo dhawayn jiray, waxa uu bulshada dhexdeeda ka hellay markii uu dhameeyey Qur'aanka Maamuus iyo Qadarin loo hayo wadaad kasta oo ka soo dhex baxa bulshadii xilligaa ee uu la noolaa.
Sidda la wariyey waxa uu Aqoonta diinta si uu u kororsado u aaday Galbeed oo markaa Xagga diinta aan looga daba hadli jirin gayiga Soomaaliyeed, halkaa oo ay fadhin jireen Culimo waawayn iyo Xer Qalin-leef ah oo aad u baddan,Xeertaas ayuu muddo ku nagaaday lana qaatay qayb wakhtigiisa ka mid ah.
Xaajigu waxa uu uga soo kicitimay Nugaal halkaas oo uu ka sii aaday "XAJKA". Waxa uu Maka iyo Madiina kula kulmay Culimo baddan iyagna waxa uu kasii korarsaday barashada iyo ku sii xeeldheeraanta Diinta Islaamka.
Halkaas ha inoo joogto maanta.
Negeeye Xirsi
No comments:
Post a Comment