Sheeko Kooban oo ka mid ah cuqaasha beesha cabdi garaad (Qayaad) ee dhulbahante
Sawirkan Waa Cheif Caaqil Maxamed Saleebaan Shabac "Af-Waranle". Caaqilkan waxa uu ka mid ahaa xiligiisii Cuqaasha Dhulbahante u taliya uguna Aftahansan, waxa uu ahaa tallo Qabeen Nin colaad iyo Nabadba ka taliya waxa uuna ahaa Abwaan ka maansoodo dhamaan Qaybaha Suugaanta Soomaaliyeed.
Aan Idiinka sheekeeyo Qiso yar oo ku saabsan Cheif Caaqil Maxamed Saleebaan Shabac"Afwaranle". Waxa ay Colaad ba'an dhex martay oo muddo baddan socotay dhawaana soo gaadhay oo ka dhaxaysay Jifida Dhulbahante Ee Khayr Cabdi garaad"Qayaad" iyo Majeerteen jifida Cumar Maxamuud. Colaadaas waxa in baddan lagu makalay Nin garbood aan geeri loo quudheen. Caaqilkuna waxa uu ka dhashay Jifida khayr Cabdi garaad"Qayaad". Waxa la yidhi muddo markii colaadaasi socotay ayaa waxa Abaar ba'ani ka dhacday Carri Cumar Maxamuud taas badalkeedana carro dhulbahante ayaa deegaantii iyo Roobkii hellay. Cumar Maxamuud waxa ay la soo xadhiidheen Cheif caaqil "AFwaranle" waxa ayna ku dheheen. "Waad ogtahay oo deegaankayagii abbaar ayaa ka dhacday xoolihiina wax ay cunaan ma haystaan sidoo kalle biyo la cabbo ma jiraan oo Hawd iyo Ciid waa bilaa Cabaal waxa aanu kaa codsanaynaa sanadkan colaadeenii in halkaa lagu hakiyo inagoo xeerinayna Tolnimada aynu wadaagno ee aan inaka dhamaanayn si walba".
Caaqilkii waxa uu ku taliyey in aan Nimankaa Samankan maanta ah aan la taaban oo sidaa ay ku daaqaan deegaanta iyo carshinta, Ceelasha Domcoodna ay ka Cabbaan.
Nin kalle oo isla reerka ah baa ayaantii danbe arkay Nimankii hebel iyo hebel dillay oo dhex mushaaxaya dadkii ay wax ka dileen markaas ayuu wuxuu tiriyey gabay guubaabo ah oo ay ka mid yihiin:
Danaakilada Reer Yuusuf Khalaf dayrta ka idaaday..
Markaas ayaa Caaqilkuna Maansadan tiriyey way dheertahay ee waa qayb ka mid ah.
Wuxuu yidhi.
Wadaadyohow hadlaayaa warba Nagama haysidde.
Waax gini la siistaa Warsamooyin dhaantee.
Hasha labbo wadaagtaa Nirgo wacan dhalaysee.
Nin Wanaagsan haystaa Weedaad ma doonnee.
Wadiifada Majeerteen waxba dhaafsan maynee.
Wuxuu yidhi.
Wadaadyohow hadlaayaa warba Nagama haysidde.
Waax gini la siistaa Warsamooyin dhaantee.
Hasha labbo wadaagtaa Nirgo wacan dhalaysee.
Nin Wanaagsan haystaa Weedaad ma doonnee.
Wadiifada Majeerteen waxba dhaafsan maynee.
Wanaagsan waa magaalo Hawd Ciideed ku taala
Weedaad waa Ceel yaroo Laasacaanood ku ag yaalay.
Weedaad waa Ceel yaroo Laasacaanood ku ag yaalay.
Alle ha u Naxariisto Caaqilka Raggii hore iyo Raganimadoodii.
Negeeye Xirsi
No comments:
Post a Comment