-Muqdishooy gar uma lihid in aad gaar u oloshaay'e, -inaad kaligaa gubataana waa guul dariyo ciile, -halal gaar aan ku idhi bal dhugo gobada weeyaan'e, -haddii gaylan loo koco dagaal lays ku gaaguunsho, -waxaa talada gacan loo gashaa geeshka kii wadiy'e, -hurin geesigii waday haddii gawrac lagu jiido, -guutadaasi waa tii jabtoo goysa saamaha'e, -gadh-wadeen in aad tahay adigu taa ku gama' hooyo,
-dhalaan wuxuu gurguurtaba barqay gaajo soo ridan'e, -goortuu cabasho toyday duqdii gabanked dhawrtaaye, -iyadoo guclaha kala sinayd geedigii reer ka, -gosha intay ku qabatay ilmad gacanta saartaaye, -Naskoo gabloolay ku duwi oon godlanahayn'e, -Hooyaa adkasiga gaydee taa ku gama' hooyo,
-badhaa giririflaysoon wax tarin geel jirkii waday'e, -Madi guriga kuu joogtabaan gaawe buux dhimin'e -iyadaa hadhuub lala gaala goob martiyid soor'e -Maandeeq in aad gaar u tahay taa ku gama' hooyo
-naqoo go'ay gudude meelu helay gamashi loo yaallo, -gaadiid nin kii aan lahayn waa gadaal suga'e, -hayin baa gargaar loo rataa lagu gurguurtay'e, -gurgurshaa in aad noo ahayd taa ku gama' hooyo.
-gabaad ruuxa aan helin illeen dhaxani waa goyn'e, -goob dugsoon ayaa laga galaa gaydha soo dhiciye' -gabadanada hooy laga galaay taa ku gama' hooyo
-laas waa gudhaa good diraac galalafkeediiye, -waxa xoolo lagu guuliyaa gacalow ceel Wayne, -mahwaan gawdhin baad noo tee taa ku gama' hooyo
-haddii fule abaal kaa an garan weerer kuugu gaaso, -gabdhiyo wiilal kuu gudahayoo gocorka kaa baacin, -geesi kaa la diriraad dhashee taa ku gama' hooyo
-Galladii Illaahay inaad dunida gadhayso, -oo goonyahaa ay imaan gaasir kuwa maagay, -hogaan guud in aad noqon mardhoow taa ku gama hooyo.
Wadada ayuu cagta saaray lama degaanka ayuu habeenkii ku guureeyey, dharraartiina ku boqoolay. La kulanka abtigii ayuu laabta ku hayaa, ducadii aabbihii iyo daryeelka Eebba na waa ku ladhanyahay. Mar walba oo uu daalo xagluhu na debcaan waxa uu soo xasuustaa arrinta uu u socdo iyo wanaagga u dambeeya, markaas ayaa arlada kala fogi u soo gaabataa. Waxa timid maalin ka duwan maalmihii hore, waa maalin ka kulul oo, cadceedda ayaa toos falaadheheeda dhulka u gu soo ganaysaa, kolkaas ayuu Yacquub socodkii tahli waayey, socodkii baa ku dheeraaday, hareerihiisa ayuu eegay, mise waa lamadegaan tan iyo ili-ku-wareertay sii taxan. Daalkii baa xubnaha oogadiisa oo dhan wada gaadhay, ma socotaa, dib ma u laabtaa, mise waad iska sii socotaa si aad berri ka maalin u heshid cid cudud iyo xoog kuu noqota. Isagoo sidaa iskula hadlaya ayaa waxaa u muuqday dhagax dhadhaab ah oo hoos leh, wuu ku leexday, si uu u gu nasto oo ay caguhu u gu qaboobaan. Markuu ku tiirsaday ba intuu lulmooday ayuu gam'ay.
Intii uu hurday ayuu riyooday. Waxa uu ku riyooday in uu heli doono; nolol barwaaqaad, hanti badan, boqortooyo balaadhan iyo waraso uu Eebbe dhulkiisa dhaxalsiin doono, aqoonna u gu deeqi doonno. isagoo faraxsan ayuu hurdadii ka toosay. Waxa uu u qaatay riyadaasi mid sii rumaynasa saadaashii aabbihii. Sidii gamuunka ayuu orod istaabtay, wadada, ayuu cagta saaray, dhulkii ayaa loo soo duubay, waxaa gudbay maalmihiisii sadcaalka. Bidhaan baa u muuqatay, markaas bay rejo soo gashay. Wuxuu fishay afaafkii magaalada iyo deegaankii abti laabaan in uu soo gaadhay. Cabbaar yar kadibba waxa uu ogaaday in aan dedaalkiisii khasaare ahayn, himiladiisii na aysan meel cidla' ah ku dhicin. Durba cagihii ayaa u qaboobay, qalbigii mirirku daboolay ayaa u cusbaaday, daalkii iyo niyad jabkii ayaa ka ba'ay. Waxaa u muuqda adhyihii, shimbirihii, waxaa na dhegihiisa ku soo dhacaya; adhi jirtii iyo carruurtii oo heesaya intaasiba waxa ay astaan u yihiin lamadegaankii iyo isagu in ay isdaayeen. Waxa uu haatan joogaa dhulkii abtigii uu u soo sodcaalay, dhibtaas na u soo maray. Kolkaas ayuu sujuud la dhacay isagoo Eebbe u mahadcelinaya.
Yacquub oo ah nin qalaad oo aan la aqoon ayaa deegaankii ku soo dhex dhacay. markaasuu yidhi "Yaa yaqaana Laabaan?) markaasay dheheen " oo waa kuma ninka aan aqoon Laabaan? Waa ba ninka reerkooda u madaxda ahe, waa Nabiga Isxaaq ah seedigiis e, waa ba ninka iska leh maalkan iyo hantidan bananka iyo buuruhu qaadi la'yihiin e".
Sheekooyinka Qur'aanka waxaa qoray M. A. Jaadalmawlaa. Waxaa soomaaliyeeyey A. F . C Idaajaa.
Hawdkii waa laga dayrin. Taleex daaba warkeeda. Dabkaa laysku sitaayoo. Degel baa ka hulaaqay. Digadaa gubanaysa. Ta danysa xasuustoo toloow daaya colaada.
Colaad dayro ka keenay. Roobku soo di,i maayo. Durduradu waa go,ayaan. Duunyadu waa tagaysaa. Dadku waa taran gaaban. Daacuun weeye xumaan leh. Ta danbaysa xasuustoo. Toloow daaya colaada.
Qoom haduu isku duubmin. Aayihiyo danahooda. Daacad ay u ahaanin. Dariiq ay wada qaadin. Dayuuskaa dhaca doonin. Dabin kii u dhigaaya. Iska dayrin xumaanta. Maatadooda daryeelin. Iyagaa la dabaayoo. La dagaa aragoodoo. Dabar dhuuxyo la saarinoo. Daamur baa lagu uuminoo. Dab naaray ku dhacaane.
Ta danbaysa xasuustoo toloow daaya colaada.
Dalan baabi kuwii ah, Iska diida samaanta, Dadkalaa xukumaayoo, Dadkalaa xukumaayoo, Duub wayn bay u xidhaanoo, Cashuur bay u diraanoo, Aakhirkay dal dalaane,
Ta danbaysa xasuustoo. Toloow daaya colaada.
Ninka daar cidla taaga, Yidhi waan ku dulseexan, Cidkaleeto ma doonin, Isagaa doqon liitee,
Sheekada Nabi Yacquub si faahfaahsan Qur'aan ka u gu ma soo aroorin, sidaa darteed waxaa la ga soo guuriyey kutubta Taariikhda iyo kuwa laqbada Qur'aan ka. Yacquub ayaa maalin maalmaha ka mid ah soo ag joogsaday abbihii oo ah; nin duqoobay, oo jilcay, oo sida qaanso u soo gotay. Markaasuu ku yidhi "waxaan kaaga ashkatoonayaa walaalkay Ciisuu, oo maalin walba ii goodiya, ii na dhaarta. Tan iyo maalintii uu arkay in aad indho jacayl ah i gu eegayso ii na ducaynaso. Tan iyo maalintii uu arkay in aad ii saadaalisay warso badan, boqortooyo la ka la dhaxlo iyo nolol barwaaqaad. Maalintaa la ga bilaabo walaalkay Ciisuu waxa uu ii quudhi waayey ducadaada, hadal xun, hiif iyo haaraan ayuu tan iyo maalintaa ila dabajoogaa, illaa uu xumaaday xadhiidhkii na ga dhexeeyey ee walaalnimo. Intaa ka sokoow, waxa uu iigu faanaa labada dumar ah ee uu qabo, ee uu reer Kancaan ka guursaday, waxa uu ii gu taag sheegtaa warasada timaadada u dhalan doonta ee aniga nolosha iyo risiqaba i gu ciili doonta. Abboow waxaan kuu gu soo dacwooday si aad noo ka la saarto, adigoo adeegsanaya garaadka wanaagsan ee uu Eebbe kuu gu deeqay".
Nabi Isxaaq ayaa kolkaa yidhi " Maandhoow, waad aragtaa madaxaygii sida uu u cadaaday, waad aragtaa in aanan awood hayn oo noqday coomir duqoobay. Waxa aan ka cabsi qabaa dhimashadayda kadib in walaalkaa si badheedh ah kuu colaadiyo. waa nin itaal iyo xoog na ku dheer, xididkiis na ku tiirsan. Waxa aan ku gu la talalin lahaa in aad u sadcaasho {Fadaam Aaraan} oo ka mid ah arlada Ciraaq. Waxaa halkaa ku dhaqan abtigaa Laabaan ina Batwiin, gabdhihiisa midood guurso, markaas na waxa aad heli doontaa gobanimada iyo awoodda aad u baahantahay. Sidaas markaad yeesha na halkan ku soo noqo, waxa aan kuu filayaa warso ta walaalkaa ka fiican, ka na dhawrsoo. Eebbe ha ku ilaaliyo oo ha ku dhawro."
Erayadaasi waxa ay ahaayeen erayo uu xasilooni ka helay barbaarka Yacquub ahi, waxa ay ahaayeen erayo markii uu u gu baahida badnaa dhegihiisa ku soo dhacay, laabta na u dejiyey. Wuxuu u hiyi kacay dalkii awoowayaasha iyo aabbayaasha iyo halkuu reerkoodu ka soo askumay. Ilmo kulul isaga oo ay ka daadanayso ayuu aabbe iyo hooyo saagootiyey, iyana waxa ay ku saadeen duco tii u gu fiicnayd..
Sheekooyinka Qur'aanka waxaa qoray M. A. Jaadalmawlaa. Waxaa na soomaaliyeeyey A. F. C Idaajaa.
Sayid Maxamed AHUN oo aan xalay is aragnay ayaa i gu yidhi
"Beenta ugu weyn ee la inoo ku sheekeeyey, waa waxa la dhaho, waxa jira
shan (5) soomaaliyeed. Arrintani waa been, gumaystuhu markii uu yimi
soomaaliya ma shan meelood ayay u kala fadhiday? Soo isagu ma uu san u
kala qaybin shanta hadda la sheego?. Dhibtu ba waxa ay ka timid shanta
soomaaliyeed, annigu shan soomaaliyeed ma ogi, ee waxa horay u jiray dal
la dhaho Soomaaliya iyo dad la dhaho Soomaali."
Sida
la yidhi, Sayid Maxamed AHUN. Ayaa qof ka ay iska hor yimaadaan aragti
ahaan odhan jiray "Waa xujoobey". Wiil wiilal ka tagay oo u maaro u
waayey ayuu odaygii dhalay ku yidhi "orod, hebel soo dil waa xujoobay
e!" odaygii ayaa kolkaa wiilkiisii soo dilay, madaxii wiilkiisa na u
keenay Sayidkii. Sida la sheegay Sayidkii ayaa yidhi " Wallee haddaan
hebel dhalay iskama aanan dileen".
Haatan, kuwa shacabkood ka u
soo diraya isla iyaga ee leh; soo xidhxidha, kuwa ku soo dirayaa, marka
ay arkaan in ay soo xidheen gabdhahoodii waxa ay dhahaan " Wallee, hebla
haddaan la dhashay ma aanan soo xidheen, iskamana xidheen".
Kacdoonka loo bixiyey (loo gu wan-qalay) #DuufaantaBuuluugga
waa kacdoon barakaysan oo Tukaraq ka bilowday, gaadhay Badhan, Boosaaso
salaamay, Gaalkacaya na bariidshey, Boocama na ku baydhay, Buuhoodle
mushaaxay, dee arladoo dhanna ku baahay.
Cid na kuma raaligalinno haddii aannu nahay reer SSC midnimada iyo
wadajirka soomaaliyeed, sidaas oo ay tahay waligayo waannu u
dhimmanaynay una gaylamanay. Hadda na wax ba iskama kaayo bedelin.
Hal-beegga aannu wax ku cabirano ayaa ah; "wadjir guud oo
soomaaliyeed". Madaxda Xamar xilalka ka qabata oo uu u gu
sareeyo Madaxwaynuhu oo ku xigo Ra'iisul wasaaruhu, oo ay ku jiraan
Labada gole. Waxa ay wuxu ba ku dhaarteen in ay ilaalinayaan wadajirka
iyo midnimada ummadda soomaaliyeed. Taas oo ah waajib ka la ga rabo. Kuwa hadda jooga iyo kuwii hore too na kama ay run sheegin dhaartaas, waa na beeniyeen.
Annagga ayaa u dhalanay carraalenimada "wadaniyiin" oo aan ciidda
soomaaliyeed cid ku raali galin e, Dawlada Xamar waxa ay na tustay wax
lagaga tashado. Tamarteeda waa aan ognahay dhan ciidan se waxa jira
boqol tamarood oo ay taageero ugu muujin karaan ama kareen dadka halkaa
ku nool oo ay koow ka tahay, (in ay aqoonsadaan).
Qarnigan 21aad
ee lagu jiro qof soomaali ah oo u dhinta calanka soomaaliyeed isagoo
dusha ku sita, ama madaxa ku xidhan waxa jira dad ka deegaankaa. Hor iyo
horaan ba waa na hagradeen oo na fogeeyeen. Waxa ay ku raali galiyaan
rabitaankanada dad kale doonistood oo kaba diga-rogtay u na baahnayn.
Nin baa la ga hayey baydayd gabay ah oo dhahaya:
-Gocondhadan ragaadka igu dishay, ee ruuxda iga goysay, -Iyo dhagaxan igu riixayaa, iima kala roona.
Shacabka SSC waa in ay ka fiirsadaan durbaan ka ay u tumaan mid kasta
oo la ga doorto Xamar inta ay bedelayaan dhaqankooda, ka na
runsheegayaan dhaarta ay u maraan midnimada soomaaliyeed jiritaankeeda.
Waxaa la yidhi, nin ayaa waa doqon ahaa. Maalintii dambe ayaa
beeshiisii socdaal ergo ah oo reero kale ah qorshaysatay. Doqonkii ayaa
soo ag maray qaafadii reerka oo safarkii u diyaar garoobasa. Kolkaasuu
ku yidhi "Ilma adeerayaaloow aan idin raaco, oo ha iga tagina!"
odayaashii intii badnayd waa ay la yaabeen oo ku qosleen. Oday garaad
badnaa ayaa yidhi " War doqonkee na inoo soo kexeeya, Laga yaabee kuwaan
u tagaynno in ay doqomo ku jiraan e!" sidii ayuu ku raacay doqonkii odayaashii.
Kolkii la tagay geedkii shirka ayaa xaajadii la guda galay, oo gartii
la furay. Wax ay ribataba doqon qoladii la socday baa ergadii cay
nasabadda kaga saaray. Odayaashii waa yaabeen oo amakaageen!.
Doqonkoodii la socday ayaa soo boodey, oo isna cay maqaarka kaga siibay,
doqonkii kale.
Doqomadii la kala aamusi, gartiina la dhammee. Shirkii
markii uu dhammaaday ayaa odayadii, odaygii garaadka badnaa u
mahadceliyeen in uu u soo kexeeyey doqonkoodii.
Haatan, doqomada Hargaysa na ga joogaa, marka na la caayayo xitaa garan waaye idinna wax caaya!. Wax kale ba ha joogeen e..
Waxa uu ahaa nin isagoo kale aan waano waxba ka bedelin, nin aan
qaraabo u debcin oo aan qakbigiisu aragtida xigaalada ku dararin. Wuxuu
ahaa nin aan baryada kuwa sabool ka ah u dhegtaagin. Waa in kolka seefta
shareecada la gu dayaa, oo xeerka Eebbe dhigay la gu la taccaalaa. Waa
in uu Nabi Muuse si adag oo aan waanwaan lahayn u gu amraa, in uu
xoolihiisa Sekeda ka bixiyo, dad ka saboolka ah na uu u asxaan falo. Waa
in uu u sheegaa in kuwa goolmooni xoolihiisa ku leeyihiin xaq la
yaqaan. Hayeeshee, waxa uu is ka dhegooleeyey, tusaalihii Muuse. Wuu ba
ku jeesjeesay oo waliba been abuur ku eedeeyey. Jawaabtii fooshaxumayd
ee uu Nabiga ugu jawaabay waxay ahayd "wax yaabo badan ayaannu Muusoow
kuugu dul-qaadanay, waxaas noo la timi diin cusub, saa waan yeelay iska
na kaa raacnay, mar ba wax baad na fartay kolkaasaan kaa yeelnay, taasi
na waxa ay ku gaysiisay in aad na gu dhiirato. Imika xoolahayagii baad u
soo dhigatay, wixii aad qarsanasay ayaa kaa soo ifbaxay, waxaad na
tahay faalaloow beenaale ah". Dooddii ayuu Qaaruun ku dheeraaday,
Muuse-na waa u jilib-dhigay. Waa amarkii Eebbe, amar ka Eebbe na muran
iyo gorgortan ma galo. Goor dambe ayuu soo debcay, wixii la faraayeyna
yeelay.
Waxa uu tagay gurigiisii oo xisaabeyey hantidiisa inta la
ga doonayo, ee ka baxaysa. Saa fajac iyo wareer ayay ku noqotay
xisaabtii u soo baxday. Cudurkiisii baa ku soo noqday, wuxuu ku mintiday
in uu xoolihiisa ku gacan adaygo, si aan loo la qabysan oo wax iskaga
dhimin. Marmarsiiyo ayuu doorbiday, been ayuu wax mooday waxa uu na
yidhi " Muuse waa nin istustus badan, waxa uu doonayaa hanti uu sidaas
ku urursado. Haddii aannu u firsanay waxa noo soo baxday in uu yahay nin
diinta aad u ga fog"hayeeshee, Illaah baa ceebeeyey. Kutubta laqbaha
Qur'aan ka iyo kuwa Taariikhdu sida ay qorayaan, haweenay uu duufsaday
ayuu Qaaruun ku dhiiri galiyey in ay Muuuse masabidato, oo in uu ka
sinaystay ay ku eedayso. Iyaduna masabidkii ayay yeeshay. Mar dambe se
madal loo dhanyahay ayay ka sheegtay; in Qaaruun masabidka ku dirqiyay
Muuse na uu si walba uga fogyahay dambigii ay ku eedaysay. Sidan buu
shirqool ka na u ga badbaaday waxa uu na ka qaaday war-dheeri, maamuus
iyo kalsooni nafeed.
Kolkuu Nabi Muuse ka quustay ayuu habaaray.
Eebba na ka baryey in uu uunkiisa ka qabto, baadiyayntiisa na ka
badbaadiyo. Eebbe ayaa isaga iyo hantidiisii ba dhulka la gooyey, cid u
gargaarta ma uusan helin isna ma ahayn mid awoodda Eebbe iska celin
kara. Dhulkii baa Qaaruun liqay, isaga iyo hantidiisii na shay dambe dib
loo ga ma arag. Qoladii Muuse iyo danlaydii raacsanayd na tusaale la gu
taamilo qaato ayuu u noqday. Waxay garaysteen in Eebbe uu yahay ka wax
walba fala, waxa ay ku Xamdi-naqeen in aysan la mid ahayn Qaaruun. waxa
ay siwacan u ogaadeen awoodda Eebbe ee kii uu doonana wax siiya, kii uu
doonana ka ceshta. Waxay dheheen haddii aan Eebbe noo gargaarin sidaas
oo kale ayaa dhulka la inoo la goyn lahaa, loo la gooyey Qaaruun iyo
kuwa Eebbe ku caasiyoobay.
Qooqaagu miyuu leeyahay dhego maqalka u daloolla? Miyuuse leeyahay
qalbi wanaagsan oo weedha wanaagsani saamayn karayso?. Xoola jacayl ayaa
Qaaruun la gu naanaabiyey, hantidii badnay na kibir iyo islawayni buu
ka qaaday. Sidee buu ninka tilmaamahaas lihi waanada u dhegaysan karaa?
Ma waxaa jirta cid isaga amar siin karta? Ma waxaa jirta cid ku dhici
karta oo u soo jeedin karta wacdi uu ku waantoobo? Waxa
ay ba la ahayd kuwan la hadlayaa, in ay yihiin dad ka gar daran oo
hantidiisa duulaan ku ah. Wuxuu ba u haystay duul ku hawshoon hawlo
isaga u yaal e, aan iyaga wax ba u ga shan iyo toban ahayn. Tabtaas ayuu
u fakarayey, taas ayaa na ugu wacnayd jawaabtii qalafsanayd ee uu
siiyey dadkii la talinayey. Wuxuu ku yidhi " Anigu waanadii na u ma
baahni!, maxaa yeelay? Caqli iyo garaad ba anniga ayaa idinka badan.
Anniga ayaa idiinku mudan, xoolaha aan haysta na waxaan ku helay; waa
aqoontayda iyo xirrib ta gaarka la ii siiyey, ma ihi nin taladii na u
baahane idinku isla taliya."
Isaga oo raba in uu sii niyad jabiyo ayuu dibada u soo baxay,
wadooyinka magaalada ayuu faanfaan awgii dhex mushaaxay. Wuxuu la soo
baxay dhar, fardo iyo wax wali ba wixii ay ka qurux badnaayeen, dad
waynaha na indha daraandar ku ridi kara. Barwaaqadii uu Rabbi ugu
deeqay ayuu la soo baxay. Kooxihii danlayda ahaa ayaa arkay bilicdaa u
ku taxaashayo, fardaha shaaximan ee qaar na uu ku jooggo qaar na lagu
hareer wado iyo adeeggayaasha tirada badan ee dhinacyada ka socda. waa
lagu wada dhaygagay, qof wali b a na in uu indhaha ka buuxsado ayuu ku
dedaalay. Waxa ay ka xanuusadeen in uu isna barwaaqadaa ku jiro iyana ay
ba' iyo baahi joogta ah ku noolaadaan. Kolkaas ayay inta sheekaysteen
waxa ay dheheen " bal maxaa waayaab e, na loo siin waayey waxa Qaaruun
la siiyey, Alla hoodo iyo ayaan badanaa!!"
Waxa ay arkeen tolkiis in uu yahay nin hanti urursi keliya ku hawlan,
inkastoo inta kale ay gaajo ku seexato. Nin ku mashquulsan hadba dharka
midka ugu qaalisan in uu ku xaragoodo, inkastoo inta kale ay
qaawantahay. Wuxuu intaa ku darsaday kibir, isyeelyeel iyo arxan la'aan.
Markay dhaqankaa ku arkeen ayay ku kahdeen, markaas ayay isku dayeen
isaga iyo khayrka in ay isbaraan oo ay ka weeciyaan tubta qaloocan
ee uu ku joogo. Waxa ay kula taliyeen; in aannu xoolaha ku kadmin kuna
baadiyoobin, dadka qolada la ah na uu u samafallo. Waxa ay ku
guubibiyeen kuwa dhibta qaba in uu ilmada ka tiro, waxa ay u sheegeen
haddii uu sidaas yeelo in uu ka mid noqonayo, kuwa dunida guudkeeda
magaca dheer ku yeesha, aakhira na uu ajar iyo wax xoolaha ka qaalisan
uu abaal marin u heli doono.
Waxa ay ku dheheen " Dooni maynno adduunyada iyo ku raaxaysigeeda in
aad faraha ka qaado. Waxaan ku gu la talinaynnaa Risiqa kiisa wanaagsan
in aad u xusul-duubto oo xalaal mooyee aadan xaaraan afkaaga iyo
mooradaada too na u quudhin. Xalaasha uun ku dedaal oo iyada sidaad
doonto u gu raaxayso. Kuwa sabool ka ah wax sii, waligaa wax taaro oo u
asxaan fal, siduu adiga Eebbe kuu gu asxaan falay. Tabtaas haddii aad
yeesho barwaaqada aad haysato ayuu Eebbe wax kuugu sii darayaa oo weliba
kuu barakaynayaa. Ogoow hantidu waa wax aan mar na joogto noqon, waa
wax sida hoos ka u baaba'a oo aan raagin, waa ammaanno laguu dhiibtay oo
lagaa ceshan doono. Sidaas darteed ha ku farxin maal ka lagu siiyey oo
ha ku kibrin. Ka dhigo wax intaad ifka joogto aad danahaaga ku qunsato,
liibaan aakhira na aad ku gaadho. Jacaylka aan kuu qanbno ayaa waanada
na ga keenaya, waxaan doonaynnaa in aad hantidaada si hagaagsan u
adeegsato, waxa aan ka baqaynnaa intaad kibirto in aad aad deegto,
janadii Eebba na waydo."
Sheekooyinka Qur'aan ka waxaa qoray M. A. Jaadalmawlaa. Waxaa na soomaaliyeeyey A. F. C Idaajaa. Soonqaad suubban Lasaco qaybaha dambe Aynnu ku taamilo qaadanno sheekooyin ka Qur'aan ka. Negeeye Xirsi