Saturday 19 May 2018

Taxanaha Bisha Ramadaan: Sheekooyinka Quraanka (2aad)


Ilma Aadan.


Nacayb iyo xaasidnimo uu Haabiil u qabo ayuu la hoyan waayey, lana hadhsan waayey. Waxa uu saluugay qaybtii Eebbe waxa uuna jeclaystay gabadhii ku mataansanayd in ay isaga afadiisa noqoto. Waa hore iyo waa dambe ba quruxdu waxa ay ahayd duufaan xoog badan, oo nafta Aadanaha kol ba dhinac ula dawaafta, marmar ka qaarkood na burbur iyo geeri u horseedda. Quruxda ayaa sabab u ahayd ismaandhaaf ka labadaas walaallaha ah kala dilay. Aabbe Aadan ayay talo ku cadaatay, meel uu wax ka qabto ayuu garan waayey, waxaa la soo daristay xaajo ka diimoonayd oo aan iyadoo kale kahor maskaxdiisa ku soo dhicin. Waxa uu ku mashquulay rabitaanka labadiisa wiil oo hirgala iyo nabad ay ku wada noolaadaan oo dhexdooda ka aslaaxda. Waxay sidaa ahaataba kolkii dambe ayaa Eebbe ku hanuuniyey, talo uu ku furdaamin karo xasilooni darada qoyskiisa soo foodsaartay. Waxa uu u soo jeediyey; labadooduba in ay Sadaqo Eebbe dartii u baxsadaan, kii laga aqbalaana uu gar u yeelanayo doonistiisa. Awr geelliisa ku jiray ayuu Haabiil ku Alle-baryey Qaabiil na Sareen beertiisa ka soo go'ay, mid walibana liibaan ayuu fishay.

Maalintaa waxa nasiibsaday halkaas na ay guuli ku raacday Haabiil. Alle barigiisii ayaa la aqbalay, walaalkiis na waa lagu diiday. Maxaa yeelay? Taladii Aabbihii ayuu u hogaansami waayey, sadaqadii uu bixiyayna kal iyo laab kama ahayn. Maalintaas ayay murugo oo idil Haabiil iskugu timi, wuu rejo dhigay; damac, xaasidnimo iyo nacayb buu la googo'ay. Wuxuu ku tashaday, in uu dhagar galo!. Walaalkii ayuu u goodiyey una dhaartay kuna yidhi "waan ku dilayaa!" Maxaa wacay? Ma kari karo in aan ifka wada joogno adigoo raaxo ku nool iyo anigoo ciil iyo murugo i buuxiyeen. Haabiil oo ka xun haadaanta uu walaalkii ka sii hoobanaayo ayaa yidhi "waxaa kugu haboonayd meesha lagaaga yimi intaad garatid in aad wax ka qabatid, oo dib u hagaajinta naftaada isku hawshid, dadka ka baqa oo keliya ayuu Eebbe wax ka aqbalaa". Nin uu Eebbihii xoog iyo caqliba ugu deeqay ayuu Haabiil ahaa, kuwa xigmadda la siiyey ee hadana wayneeyey ayuu ka mid ahaa. Waxa uu aad ugu heelana baarinimada Aabbe iyo Hooyo. Qabta Rabbina raali buu ku ahaa.Waxa uu ogaa noloshu in ay tahay wax idlaan doonta iyo raaxo wakhti kooban ku eg.

Eebbe ayuu talo saartay goodiga Qaabiilna kama uu biqi jirin. Waxa uu ka walwalsanaa xiqdiga la soo darsay walaalkii, haba yaraatee isagu wax xumaan ah laabta uguma hayn walaalkii. Aad buu ula taliyey kana waaniyey cudurka nacayb ka. Waxa uu ku yidhi walaalloow waad haboowsantahay, wadadii saxda ahaydna waad ka lunsantahay, tashigaaguna waa mid xaqa waydaarsan oo dambi baa kuugu sugan, waxaa kugu haboon in aad Eebbe dambi dhaaf waydiisato. Haddii aad diido arrinta oo dhan anigu Eebbaan u daayey doonina maayo in aan ku dhaco gef iyo caasinimo Eebbe, waxaan doonayaa dambiga arrintaa ka yimaada in aad keligaa dhabarka u ridatid oo dad naareekdka aad ka mid noqoto". 

Jacaylka iyo naxariista walaalinimo iyo kalgacayl ka waalidku ma ahayn mid bakhtiin kara nacaybka iyo xaasidnimada hadhaysay qalbiga Qaabiil, mana ahayn mid qaboojin u ah naf ku xukuman tii ugu horaysay ee dhulka dushiisa dambi ku gasha. Saacad ka mid ah saacadaha wareega ayuu dambigii dhacay, gacanta walaalkii ayuu Haabiil ku dhintay. Waxa uu eersaday doqoniimo, jacayl dumar iyo hawaawiga aan la hor joogsan karin ee nafta.


۞ وَاتْلُ عَلَيْهِمْ نَبَأَ ابْنَيْ آدَمَ بِالْحَقِّ إِذْ قَرَّبَا قُرْبَانًا فَتُقُبِّلَ مِنْ أَحَدِهِمَا وَلَمْ يُتَقَبَّلْ مِنَ الْآخَرِ قَالَ لَأَقْتُلَنَّكَ ۖ قَالَ إِنَّمَا يَتَقَبَّلُ اللَّهُ مِنَ الْمُتَّقِينَ
لَئِنْ بَسَطْتَ إِلَيَّ يَدَكَ لِتَقْتُلَنِي مَا أَنَا بِبَاسِطٍ يَدِيَ إِلَيْكَ لِأَقْتُلَكَ ۖ إِنِّي أَخَافُ اللَّهَ رَبَّ الْعَالَمِينَ
إِنِّي أُرِيدُ أَنْ تَبُوءَ بِإِثْمِي وَإِثْمِكَ فَتَكُونَ مِنْ أَصْحَابِ النَّارِ ۚ وَذَٰلِكَ جَزَاءُ الظَّالِمِينَ
فَطَوَّعَتْ لَهُ نَفْسُهُ قَتْلَ أَخِيهِ فَقَتَلَهُ فَأَصْبَحَ مِنَ الْخَاسِرِينَ
 

Sheekooyinka Qur'aanka waxaa qoray Maxamed Axmed Jaadal-mawlaa. Masri. Waxaana soomaaliyey Axmed F. C. Idaajaa.

Soonqaad suuban

Lasoco qaybaha kale.


Negeeye Xirsi

No comments:

Post a Comment