Saturday 19 May 2018

Taxanaha Bisha Ramadaan: Sheekooyinka Quraanka (1aad)


Ilma Aadan.

Hannaankii nolosha ayaa isbilay waxa isa soo taray jiritaankii kolkii Xaawo taran bilawday. Ubaxayadii ugu horeeyey ayaa beerta Aadanaha ka soo iftiimay. Waxa aynna farxad geliyeen iyada iyo odaygeeda Aadan. Jacayl ayay kala bateen markii ay arkeen warasadoodii oo dhulka ku faafaysa, wadooyinkeeda na ordaysa, arsaaqda Eebba na ka durduuranaysa. Nin carruurtiisa aad ugu naxariista ayuu ahaa, Xaawa na kii ay dhashaba waa ay ku farxasay, inkasta oo dhibaato iyo xanuun badani foosha ka soo gaadhayeen. Taasi se waxa ay ahayd caraab hooyo kasta markaas oo kale la soo gudboonaata. Waase xanaf ay markiiba ka soo kabato oo durbadiiba ilowdo. Waxaa na halkeeda loo galiyaa naxariis ay u hayso ubaxa dhinaceeda jiifa ama ba ay dhabta ku haysato. Laba jeer ayay Xaawo mataanaysay, mar waxa ay dhashay Qaabiil iyo gabadh ku mataansanayd, markii labaad na Haabiil iyo mataantiisii.


Siwacan oo wanaagsan ayay labadii waalid carruurtaa ugu fidiyeen daryeel iyo xanaanno aan kala go' lahayn. Illaa ay koreen oo dhiigii dhalinyaranimadu oogadooda ka soo iftiimay. Labadii gabdhood waxa ay yeesheen astaamaha dumarnimada, wiilashiina waxa ay ku dhaqaaqeen dhulka si ay ugala soo baxaan arsaaqda uu Eebbe dhexdeeda dhigay. Qabiil waxa uu noqday nin dhulka tabcada oo beereey ah, Haabiil na waxa uu u leexday dhaqashada xoolaha. Noloshii ayaa labadoodii ba u toostay, qoyskii reer Aadnna waxa hadheeyey nabad iyo xasilooni ay ku barwaaqoobeen. Qaabiil iyo Haabiil waxa ay noqdeen labbo barbaar, dareenkii raganimada ayaa mid waliba dhab iskaga gartay, waxa aynna u hanqaltaageen in mid waliba yeesho oori uu ku dego. Hankaas macaan ayay nafta ku maaweelin jireen, si ay uga dhabayn lahaayeenna Albaab walba way u garaaceen. Waa hore ayaa Eebbe xigmaddiisa ku go'aamiyey dhulka dushiisa dadka in lagu shirabo, in ay hantidu koradho, warasadu-na ay tiro badato. 

Waxa Eebbe qadaray dadku in ay kala duwanaadaan kuna kala gadismaan dabeecadaha. Ebbe weyne ayaa u waxyooday aabbihii Aadanaha waxaana loogu waxyooday; in uu labadiisa wiil u dhiso midba ta ka kale ku mataansan. Waxaase jira oo dabeecaddaha aadanaha astaan muuq-dheer looga dhigay "Hunguri iyo damac". hagidda naftooda kuwa ka adkaada ayaase liibaannay. Hayeeshee kuwa hawaawigooda u hogaansama ee caqligoodu hagi waayo kuwaasina waa kuwa hawlgalkoodu dunida guudkeeda ku khasaaray, iyagoo isku malaynaye in ay wax hagaajinayaan. Aadan waxa uu u sheegay wiilashiisa wixii loogu waxyooday oo guurkooda ku saabsanaa, Qabiil ayaase ka cadhooday, go'aankii odaygana ku gacan-saydhay. Maxaa wacay? Gabadha isaga ku mataansanayd ayaa ka qurux badnayd tii isaga loo dooray. 

Sheekooyinka Qur'aanka waxaa qoray Maxamed Axmed Jaadal-mawlaa oo ahaa Masri. Waxaanna soomaaliyeeyey Axmed Faarax Cali "Idaajaa"

La soco qaybaha kale.

Soonqaad wanaagsan.

Negeeye Xirsi

No comments:

Post a Comment