Friday 6 April 2018

Gabay: Gocanayaa mooyi

Intaan suugaan soomaaliyeed arkayey gabay ka tiiraanyo badan ma arag gabaygan. Waxaa tirshey awoowgey Shiikh Maxamed Shiikh Cumar Alle ha u naxariistee oo ahaa mufti soomaaliyeed dad badanna aflixiyey. 

Wuxuu yidhi:

Anoo nabad isaga soo galay, oo jooga gurigayga,
Gogoshayda anigoo fadhiya, yaa gaydhe ii yimiy e,
Sida gorayo laylku u dumay, yaan gooxa yuururay e,
Markii aan qarwaaqsaday, Rabigay wabaraduu gooyay,
Geeliyo Xuseeniyo raggii, aakhira uguuray,
Mindhaa Goodir iyo Caaganaan, gocanayaa mooyi,


Shiikhii Illaahay garatay ee idinku guuleeyay, 
Giddigiisba Khayr Cabdiga, 
waa u wada aabbe gooni ah'e
Sida ina Guraasuu ahaa, gacal ku liibaany e,
Godka lala gal shiikh Maxamed Nuur, gocanayaa mooyi,
Gobanimada Shiikh Xaamud, waa loo garaad qabay e
Inkastoo shisheeyuhu gabrado, gole la heedaamay
Garta iyo guddoonkuu lahaa, geedu joogaba e 

Dayaxii habeenkii galbaday, 
gaban hadduu reebo
Gablanka iyo geerida lammaan, gocanayaa mooyi,


Geesiga dadkoo idil dhammaan, la isla garanaayo
Gacantiisi way muuqataa, gololki dheeraaye
Gadhka iyo shafka yaa wuxuu lahaa, shiimad gooni ah e
Sidii cadawgu uga gaabsan jiray, gola ka yeedhkiisa
Gucumaalihii iyo Aarki dhalay, gocanayaa mooyi,


Garaadkii Ismaaciil ahaa, lagu gawaan raacy e, 
Wuxuu gabanno soo ururiyo, oo guriga keenaaba,
Gumadkiisa waakaa tolkii, gees kajeensaday e 

Jannadii lagee sida layidhi, waaba galayaay e, 
Garoowaha engagay ceelka gudhay gocanayaa mooyi.

Cartan gu' iyo dayr la igu taag, gacaladiisiiye,
Gadiid iyo allayl kama gam'o, oo waygu gabilay e
Gaagaabsigiisiyo markuu, talada gooynaayo
Sidii uu garta ufeenin jiray, guurtinimadiisa 

Godkaa dumay gabaydhaha kayimi, gocanayaa mooyi

Ku gamaaranaye Faarax Bile, galabti lay sheegay
Intaan wada gamiiray, yaa qalbiga jeex isoo go'aye
Gasiin iyo macaan iyo qaboow, goor walbaba jooga
Gacan iyo dul iyo geesinimo, la ila garab joogo
Hadba waxaan garwaaqsanahayaa, galayaxiisiiye
Gabdha iyo guriguu katagey, gocanayaa mooyi,


Iyadoo guddoon adag dhigtay, oo la isu soo guuray
Gadh-casihii Illaah nagu galladay, galabti la is laayay
Geenyiyo fardiyo giniyadii, lagu salaamaayay 

Gacantiisa waa u wada sinnayd, gaaliyo Islaame e
Gudcur kama horrayn maalintuu, go'ay awowgay e
Guhaadda iyo deeqduu lahaa, gocanayaa mooyi,


Galliilyoobayeeey Faarax baan, soo garwaaqsaday e
Geellii uu lahaa iyo markii, gabadhi loo diiday 

Garaadkooda kay tahay, markii loo guntaday xaalka
Gardaradiyo geedkii uu hurday, iyo gaadmadiyo ciilka
Iyo weliba geelluu kahelay, galax macaankiisa
Garaarraale silicuu ku go'ay, garanba maysaan e
Gaaguunka reer Cumar Cabdaan gocanayaa mooyi,


Waxbadan baa god laga buuxiyay, oo uu go'ay xigaalkay e
Nimankaa Illaah baa u gartay, oo meel san wada geey e
Waxse gama'a iidiiday, waa duul kaloo go'aye
Raggan gebiga lagu duugayo, ee u gigayo duulaagu
Gugii da'aba nimankaa, sidii gorayo loo laayo 

Gardarriyo rasaas maalin yoon, lagu garaacaayo
Hawl yaridan loo wada go'ay ee lagu gawaan raacay
gunimadatan lagu guuxayanna, gocanayaa mooyi..

 
Negeeye Xirsi

Waxaan ka qoray Axamed Maxamed Xasan ( Axmed Gacmayare)

No comments:

Post a Comment