Wednesday 28 March 2018

Cal-Dhuux iyo waayihiisii...


Cali Aadan in uu gabyaa ahaa ka sokoow waxa uu ahaa hogaamiye aan mar keliya na nasan. Waxa uu ahaa nin dawladnimada u yaqaan tolkiis, Daarood na iskugu mid ahaa, gar ayuuna u lahaayoo waagaas ma aysan jirin dawlad wadaag ah oo soomaali wada leedahay. Isna waxa uu ka mid ahaa raggii hogaanka ahaa noolaana xilligaa.

 

Huwan iyo Cali-Dhuux

Kolkii Daraawiishi ay jabtay waxa meesha ka baxday awooddii Dhulbahante oo ku riiqantay dagaaladdii u dhexeeyey Daraasiish iyo Ingriis. Dhulkii ay degi jireen waxaa ku soo fiday Ingiriis oo wata Isaaq ciddii loo arko in ay reer kaas ka soo jeedaanna waxaa la marin jiray xadhig ama dil. Cali Dhuux Aadan "Ahun" oo ahaa nin aad u fiiro dheer feejignaan badanina ku jirtay weligii ayaa arkay meesha xaal marayo. Fiigihii ka tagey Nugaal iyo intay Daraawiishi fadhiday qaar ba meel ayuu galay, intii Galbeed gashay firxadkii ayuu aruuriyey Cali-Dhuux. Talo ayaa la iskugu yimi taas waxaa u gudoomiyey Isaga. Waa uu hadlay oo yidhi "Maanta waad aragtaan oo Isaaq ayaa dhulkeennii qaatay mana aynnu lihin awood aynnu ku caabinno nimankaas, halka mid ee aynnu ku badbaadsan karno dhulkeenna waa inagoo Isaaq u tagnaa kuna dhahnaa waxa aynnu isku nahay HUWAN." taladaas waa loo guuxay sidii ayuuna Cali-Dhuux ugu tegey Nimankaas kuna yidhi "Maanta idinku waad dhaqantihiin, nimankii geeleenna dhacay ee Ogaadeen aynnu ka daba tagno oo soo dhacsanno xooleheennii, idinka ayaa xooglehe na duuliya maanta". Tani waxa ay ahayd siyaasad uusan keeni karin qof maanta nooli. Mana aysan ahayn hiillo uu u sameeyey Isaaq oo uu uga hiilliyey Ogaadeen. Saa maba uusan haysan rag uu tiisa ku fuliyee. Duulaamadaas waxa lagu soo dhacay geelal badan oo uu ka mid yahay Hagoogane.

Cali-Dhuux iyo Ogaadeen

Cali, Ogaadeen waxa ay ahaayeen tol wada dhalasho dhiig iyo dhaxdin ba waa ka dhaxaysay marna uma uusan arkay cadow. Markii Huwan ay duulimaadadii ku gaalaa bixisay Carro Ogaadeen iyo Doollo Isaaq geedigii waa sii dheeraystay oo dhul badan ayay taabeen. Cali-Dhuux markii uu arkay meesha la marinayo tolkii ayuu fakaray waxa uu is yidhi "Haddii Ogaadeen meesha ka baxo waa garab la'aan" markaas ayuu aadey Cali Yuusuf Keenadiid iyo Hobyo waxa uuna ku yidhi "Maanta xoolo Kaama doonayo, wax kale oo aan kaa rabaana ma jirto, deegaankii Ogaadeen waa la qabsaday Webiga ayaana laga talaabiyey haddii ay halkaa ka gudbaanna Isaaq iyo Hawiye ayaa isku xidhmaya, Daarood awood lehna adaa jiree Dhulka dhici" Wuxuu yidhi Keenadiid "waayahay! Maalinta aad roob aragto ciidankaasi waa kula joogaa" waxa uu u diray 600 oo nin oo uu wato Axmed Busur nin la odhan jiray. Axmed Busur waxa uu ugu tagey Wardheer 300 oo nin oo Cali Aadan wato.

Axmed Busur baa yidhi "Waxaan soo eegayaa Wardheer" waxa uu ugu tagey niman Isaaq ah oo geel ka waraabsanaya geelana ugu heesaya:

-Deerooy Daarood,
-Waa la diriroo,
-Waa lagaa diray.
Arroortii ayaa lagu kacay, Doolo oo dhanna la qabsaday waa aduun e, dharaartii ku xigtay waxaa ceelkii geela lagaga waraabinayey.
-Deerooy daba jilic,
-Waa la diriroo,
-Waa lagaa diray.

Sidaas waxaa ugu sheekeyey Yuusuf Cali Dhuux oday goobjoog dhacdadaa u ahaa.

Bayd uusan odhan Cali-Dhuux se si khaldan u dhex galay gabay uu ku leeyahay silsiladdii GUBA.
-Wasiirtoodi hore baa xumay Waalidkii dhalay'e.

Baydkan qof kasta oo suugaanta wax uga bilaaban yihiin waa uu arkaa in uusan meesha ku jirin oolinna, waayo? Gabyaaga iyo cidda uu caayayo waaba isku wasiir oo meel ayay ka soo wada farcameen Cali Aadanna ma ahayn nin caayaya Waalidkiis iyo wixii dhalay. Eeg Gabayga! ma aha wasiirtoodi baa xumayd ee waa sida ay ina leeyihiin, wasiirtoodi hore baa xumayd; wasiirta hore ee la leeyahay Cali ayaa caayey miyaysan isku mid ka ahayn. Odayadii soo gaadhey odaygana waxa ay sheegeen baydkaasi in uusan meesha ku jirin ee la galiyey. Marka si loo eego baydkan maba ku koobna Ogaadeen keli ah ee waa nasab cay dhan, Cali-na nin awooweyaashii iyo ayeeyoonkii caaya ka waynaa.

Ogaadeen Cali Dhuux waa uu jeclaa waxaadna ka garanaysaa sida uu ugu guubaaninayey in ay dhulkooda ilaashadaan. Qamaan iyo Cali waa ay ka wada socdeen Guba bilaabideedii, ujeedku bilawga silsiladda ayuu ku cadyahay.

Qamaan waa ka leh,
Diirkiyo laftuu xulay hadduu hadal wax daawayn'e
Cali Aad silsiladdaa Guba waxa ugu jira qofkii fiiro dheer u leh baydad aad u tiro badan oo uu Ogaadeen sharaf oo dhan ku siinayo.
Eeg!

Ogaadeen hadhuudhkiyo sidii hilibka loo booby e
Inkastuu hundaha iyo u dego webiga hoostiisa,
Geeluu habeenka u lahaa looga hadhi waaye'
Geella oo waagaas ninka lihi uu sharaf, magac, milgo, iyo maamuus ba lahaa waxa uu siiyey Ogaadeen. {Geelluu habeen ka u lahaa buu yidhi waxa uu ka dhigay guunyadooda oo iyaga ayaa leh buu yidhi}.
EeG!

Dadba weli ma arag reer Subayr duul ka soo baxay'e,
Cidiba uunka kama dawladsana Dir iyo Daarood e.
Waxa uu ku sheegay Dawlad, waagaas soomaaliba dawlad ma aysan lahayn iyaga ayuu dawladnimadii siiyey [cidiba uunka erayga uun waa wax kasta oo Illaahay abuuray iyaga ayuun baa dawlad ah buu yidhi.!!].

Alle ha u naxariisto Cali Aadan .

Waxaan ka qoray Abwaan Shabac Axmed Cali Dhuux

W/Q Neegeye Cali Xirsi

Facebook: Negeeye Xirsi

No comments:

Post a Comment