Wednesday 13 June 2018

Maanso: Xushmaynta Haweenka


 


In kastoo Xakabaddii,
Xajinaysay Nabadiyo,
Xadhig Dawladnimo go'ay,
Xasilooni waa dhacay,
Misna Bilista Xaawalay,
Xabiib bay ahaayeen,
Xaqna way lahaayeen.

Waa la xeerin jirayoo,
Loona xeebban jirayoo,
Xajiin kii la doonaa,
Xakamaha la sudhi jiray.

Xaash'e xumaan iyo,
Ma gaydaan xagxagashoo,
Xinjirha Wadnaha iyo,
Xiska iyo Garaadkiyo,
Waxaad tihiin Xaniinyaha,
Nin Ragihi ku Xilo furo,

Waxa faraska Xamaree
Dirkii Xiin finiin dhalay,
Iyo Xayla kurus wayn,
Dahab iyo Xariir iyo,
Lagga bixiyo Xoolaha,
Waa idinka Xulantidu.

Marka ay xanaaqaan,
Kuwa Waran u xiimee,
Quruumuhu u xaaqmaan,
Waa idinka Xaawalay.

Xaash'e xumaan iyo,
Ma gaydaan xagxagashoo,
Xinjirha Wadnaha iyo,
Xiska iyo Garaadkiyo,
Waxaad tihiin Xaniinyaha,
Nin Ragihi ku xila furro.!!

Xasuus Hooyo muu hibban,
 Xanjeerka iyo fooshii,
Xooxdiyo listeedii
Xanaanadiyo Korintii,
Ma Xisaabshey Bilihii,
Uu xamaartay Uurkeed,
Ka xadgudubka falayaa.??

Walaal uu xaq dhawriyo,
Eedo loo xishaa iyo,
Xadiyooy Ayeeyiyo,
Habaryaro Xafidi jirray,
Xagna Miyuusan wali dayin?
Xaaskiisa bari iyo,
Xillihiisu waa  tumma?
Ka xadgudubka falayaa?

Alaylehe xalaal iyo,
Kuma dhalan xijaabkii,
Muslimiinta xidhi jirray.
Soo seexis xinifliyo
Xaaraan armuu yahay.!!??

Xaash'e Xumaan iyo,
Ma gaydaan xagxagashoo,
Xinjiraha Wadnaha iyo,
Xiska iyo Garaadkiyo,
Xuuralcaynta Dunidiyo,
Waxaad tihiin Xaniinyaha,
Nin Ragihi ku xilla furro..

Haddii Xaaduq Gaamuray,
Xaar walwaalyo inankii,
Ina Xuunsho koriseed,
Xayeeshaaga Liitaa,
Duudsiyey Xaqiinnii,
Waxa Jirra Xidaar Gob'a,
Iyo Geesi Xaalayn
Xilkastaad ku leedahay..



Xeer beegtidiiyeey,
Xoogga Dawladaha loow,
Xaakimkiyo Garsoorkoow,
Culimadda Xadiiskee,
Xajj iyo Saad Akhriyayoow,
Ururada Xuquuqdoow,
Kuwa Xilalka haystoow,
Xaadira dhamaanoo,
Intaad Golle u xaadhaan,
Gudadataan xilkiinnii,
Garashaddan xayiranta ah,
Xuubka aad ka goysaan,
Nin xad gudub haween gallay,
Xabbis iyo Dilliin iyo,
Xeer adag ku qaadoo,
Intaad wadda xansuuqdaan,
Xawda aad ka goysaan,
Xabbaalaha hallaggu darro.

Curiye: Negeeye Xirsi

No comments:

Post a Comment