Waayadan waxa aad maqlayseen intiinna la socotaa in ay jirtay colaad ka dhex-curatay tololka soomaalida ee dega galbeed iyo qawmiyadda Oromada. Oromada ayaa dad tiradoodu boqol kor u dhaaftay oo soomaali ah si bahalnimo ah ugu laayey deegaanno ay daris ka yihiin soomaalida. taas ayaan doonayaa in aan wax ka dhaho.
Goorma ayay bilaabatay colaadani?
Qawmiyadda la dhaho Oromada waa qoomiyadda ugu tirada badan Gees ka Afrika, waa ummad ay gumaysan jirtay Amxaaradu haddana Tigreegu gumaysto. Dhulka ay degaan waxa uu ku baahsanyahay qaybo ka mid ah Bariga iyo Koonfurta waxa maanta "Itoobiya" loo yaqaan ee qarnigii 19d uu dhul-fidsiga hubaysan Boqor Menelik ku sameeyey. Colaadda Oromada iyo Soomaalidu ma'aha mid hadda bilaabatay ee waa mid guun ah oo soo jirtay boqolaal iyo boqolaal Gu'.
Soomaalidu waxa ay qoomiyadaas u aqoon jirtay magac ay caan ku ahaayeen oo la odhan jiray [Gaalla]. Waa dad ay soomaalida hadda joogtaa is xejiso marka loo eego dhigooda ay deriska yihiin, sababtaas oo ah in ay yihiin dad ay soomaalida is ku diin yihiin. Ta runta ah ayaase ah in ay Oromadu ka xuntahay kuwa kale ee ay la deganyiihin waayo Waa dad dibindaabyeeya mar kasta oo ay arkaan in soomaalidu liicday ama warankeedu fooraro waana dhul-doon. Waxa jira dagaallo badan oo sooyaalku sheego oo dhexmaray tololka soomaaliyeed ee ay deriska yihiin iyo Gaallaha kuwaas oo ka soo bilowda illaa Axmed Gurey dhimashadiisii kadib kuna dhamaaday Wiil-waal mar lagu qiyaasay Qarnigii 18aad dabayaaqadiisii.
Soomalidu waxa ay u aqoon jirtay magaca gaala oo ay ku ladhi jireen magacyo kale oo ay naanays uga dhigayaan sida; Gaalo-madow, Gaalo-dhoorey iyo Gaalo-waranley. Sida la malaynayo waana meesha erayga 'Gaal' ee loogu yeedho qofka aan diinta Islaamka haysan uu ka yimi inkastoo maanta dad badan oo Muslim ahi ku jiraan.
Wiil-waal iyo dilkii Gaal-gurey.
Jabkii Axmed Gurey ee soomaalida ku dhacay waxa ay Oromo aad ugu soo fiday dhulkii soomaalida illa ay ka qabsadeen Jig-jiga, Boorame iyo deegaanno kale. Tolka Bartire oo deganaa soonaha Jigjiga iyo Oromada ayaa waxa ay ku heshiiyeen biyo-cabaalka ceelka Jig-jiga si loo xeeladeeyayba soomaalida waxaa lagula heshiiyey in ay ceelka cabaan gelinka danbe Oromaduna cabti gelinka hore. Jig-jiga waxa ay ku taalaa meel ciiddeedu jilicsantahay marka ay aroortii Oramadu cabto oo ay ka wabaxdo waxa soo gala aroorkii soomaalida, marka ay dhawr hormo cabtaba ceelkii ayaa duma oo ay noqotaa in dib loo qodo. Dhibtaas iyadoo la nool soomaalidu ayaa waxa dhashay wiilka magaciisu halyeeyga is ku bedelay ee Garaad Xirsi Garaad Faarax [Wiil-waal] dhalashadiisii kadib waxa uu dhaxlay duubkii Garaadnimo ee Aabbihiis. Waxa u cuntami weyday duligan uu tolkiis ku jiro waxa uuna go'aan ku gaadhey in uu sharaf ku noolaado ama geeriyoodo taas oo ah in dagaal kala hortago Gaallaha.
Oramadu soomaalida waa ay ka badnayde waxa uu qaylo-roor u dirsaday tololkii kale ee soomaalida ahaa oo uu leeyahay war kaalaya ila dagaal gala. Gurmadkii Soomaalidu waa uu soo gaadhey Garaad Wiil-waal waxaana la is daray fooda. Dhanka Oromada waxaa watey ma digigixde macangag ah dagaalyahanna ah oo la odhan jiray 'Gaal-gurey', dhankiisa ayuuna isna abaabulka ka watey. Halkaas waxa lagu dilay hogaamiyihii ay Oramadu in badan hasha ku maali jireen ee Gaal-gurey waxa uuna sababsaday oo qoorta ka jaray Wiil-waal.
Waakan gabay uu inoo ku sheegay wixii meesha ka dhacay:
--Xalay gelin-dhexaadkii miyaan gogosha soo laabay?
--gurxanka iyo gooraanka iyo guuxi iga yeedhay
--Hanqadh geedo laaye ah miyaa laabta iga guuxay,
-Ogaadeen Galduur iyo hadduu Webi ka soo gaasay
-meeshiyo Garlooggube hadduu galowgu eedaamay
--Guntadayeey haddaan Khaylidii labada naas geeyey
--Asaan Weyrax nadigii gashuu gucumo aar yeeshay
--Gaaladdii ka goor iyo ka goor reebi nagu goysay
--Gurey maalintaan diley colkeed in uu go'aan sheegtay!
--Goyaay! Maalintaan idhi darkii inay gashaan sheegtay!
--Meeshaan ka gaylamay dadkii in uu garab maraan sheegtay!
--Garbidaan ku tiirsasay rag in uu garab maraan sheegtay!
--Geeraarshe dheer iyo dagaal warangalaan sheegtay!
--Gacan iyo in geed laga hadlo iyo gobanimmaan sheegtay!
Qore: Negeeye Xirsi
No comments:
Post a Comment